30 sano ka dib burburka gidarkii Berlin, reer Yurub gidaarro cusub ayay dhisanayaan

Next to a large crowd a man sits on a fallen piece of the Berlin Wall as border guards look on. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Muddo 30 sano ah ayaa laga joogaa tan iyo markii uu burburay gidaarkii Berlin ee kala qeybinayay bariga iyo galbeedka Yurub, xillligii dagaalkii qaboobaa.

Ujeedada gidaarkaasi waxay ahayd in laga hortago dadkii ku nool bariga Yurub. oo ay shuuciyad ka jirtay, in ay u tallaabaan dhanka galbeed ee qaaraddaasi.

Balse 30 sano ka dib burbrukii gidaarkaas waxaa hadda guud ahaan xudduudaha qaaradda laga dhisayaa xeyndaabyo la doonayo in lagu xakameeyo isu socodka dadka.

Arrintan ayaa ka dhalatay walaaca reer Yurub ay ka qabaan dadka muhaajiriinta ah ee ku qulqulaya qaaraddaasi. Sida ay sheegtay hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda la hayn ee MSF, arrinta waxay sababtay "sharciyo guracan" oo dhaliyay in muhaajiriinta ay ku dhintaan baddaha ka baxsan qaaradda Yurub.

Arrintan ayaa ka dhigtay in waddamada qaar ee reer Yurub ay u muuqdaan kuwo aad uga walaacsan saameynta muhaajiriintu ay ku yeelan karaan dhaqaalahooga iyo arrimahooga siyaasadda, halkii ay eegi lahaayeen baahida bani'adanimo ee ay muhaajiriinta wajahayaan.

Haddaba maxaa sababay in uu isbadalkan ku yimaado aragtida waddanada reer Yurub ee muhaajiriinta?

Kala qeybsanaanta ka jirta qaaradda Yurub

Ka dib dagaalkii labaad ee dunida, waddamada reer Yurub ayaa laba u kala qeybsanaa, bariga oo ahaa shuuci iyo galbeedka hanti-wadaag ahaa.

Iyadoo dowladaha ka jiray waddamada ku yaal bariga Yurub ay sii noqonayeen kuwo ay maamulaan kaligood taliyeyaal, ayaa dad badan oo gaaraya 2.7 milyan oo qof waxay ka dhaqaaqeen galbeedka Jarmalka waxayna gaareen dhanka bari sannaddadii u dhaxeeyay 1949 iyo 1961.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Si taa looga hortago, waddamadii ku xirnaa midowgii Soofiyeed, waxay billaabeen in ay xadidaan isu socodka dadka ee xudduudaha, waxaana tallaabooyiinkooda ka mid ahaa in silig koronto ku xiran tahay lagu wareejiyo xudduudaha, in waddooyinka miino lagu aaso iyo in ilaalo hubeysan la dhigo xudduudaha si xoog ay ugu adeegsadaan dadka damacsan in ay u tallaabaan dhanka galbeed.

Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, ra'iisalwasaarihii Britain ee xilligaasi, Margaret Thatcher, waxay sheegtay in waddamda reer Yurub ee ku yaal bariga qaaradda ay "muujiyeen arxan darradooda iyo wuxushnimadooda ay doonayaan in ay ku hakiyaan duulimaadyada u socda dhanka xorriyadda".

Tallaabooyiinka aadka loo xusuusto ee waddamada bariga Yurub ay qaadeen waxa ka mid ah, dhismaha gidaarkii Berlin oo la dhisay sannadkii 1961-dii, kaas oo wixii xilligaasi ka dambeeyay kala qeybiyay magaaladaasi Berlin.

Sannadkii 2017-kii, daraasad ay sameysay Jaamacadda Free University ee magaalada Berlin ayaa lagu sheegay in 262 qof ay dhinteen iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan gidaarkaasi xilligii uu dhisnaa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Soo dhaweyn diiran

Muhaajiriinta ka yimid bariga qaaradda Yurub waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada galbeedka ee ay u qaxeen, kuwaasi oo sidoo kale cambaareeyay xayiradda dhanka socdaalka ah ee ka jirtay dhanka bariga.

Marka laga eego dhanka dagaalkii qaboobaa, waddamadii shuuciga ahaa waxay wajigabax siyaasadeed kala kulmayeen dadka tirada badan ee ka soo horjeeday afkaartooda siyaasadeed iyo qulqulka muhaajiriinta ka yaacaya dalalkooga.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dhanka kale waxaa si xowli ah ku socday kobaca dhaqaale ee waddamada galbeedka Yurub, waxaana aad usii yaraanayay heerka shaqo la'aanta. Kobacaasi dhaqaale waxaa gacan weyn ka qaatay muhaajiriinta maadaama ay buuxiyeen baahidii shaqaale ee waddamada galbeedka Yurub.

Britain ayaa billowday qorshe ay ku caawineysay dadka muhaajiriinta ahaa ee bariga ka yimid ee ku soo qaxay.

Ka dib dhismihii gidaarkaas Berlin, dowladdii galbeedka Jarmalka ayaa heshiisyo dani kugu khasabtay ah la saxiixatay waddamada Turkiga iyo Morocco, si ay uga caawiyaan shaqaale maadaama muhaajiriintii ka imaanayay dhanka bariga Yurub ay xirmeen sababo la xiriira derbigaas.

Xannibaadda ay sameeyeen dowladihii Shuuciga ee Bariga Yurub, waxaa ka faa'ideystay kuwii Galbeedka oo billaabay in ay cambaareyaan. Waxay sheegeen in ay ku mashquuleen dadkii qaxayay, halkii ay isku howli lahaayeen in ay wax ka badalaan siyaasadodooda.

Yurubta Cusub

Xaaladdaasi ma ahayn mid waartay waayo dowlado badan oo ka tirsanaan jiray dowladihii bariga Yurub ayaa hadda xubno ka ah Midowga Yurub.

Balse aragtida maanta ku aadan dadka muhaajiriinta ah, waa mid ka duwan kuwii hore.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dhawr waddan oo waayadii hore muwaadiniintooda derbiyada ku oodi jiray si aysan u qixin ayaa hadda darbiyo hor leh dhisayo si ay albaabka uga celiyaan muhaajiriin kale.

In kastoo ay fududahay in dadka ay u kala gudbaan waddamada reer Yurub, haddana Yurub waxay xudduudaheeda ka xireysaa muhaajiriinta dalalka kale ka yimid.

Inta badan sharciyada la doonayo in lagu adkeeyo xudduudaha reer Yurub waxay u jeedadoodu tahay dhanka Koonfureed, halkaas oo uu ku yaallo marinka muhaajiriinta ka imaanaya qaaradda Afrika, bariga dhexe iyo waddamda Aasiya.

Dowladda Hungary ayaa silig ku xirtay xudduudda ay la leedahay Serbia, halkaa oo lagu rakibay kaamerooyin.

Dowladda Bulgaria ayaa iyana silig ku xirtay xudduudda ay la leedahay Turkiga oo dheerarkeedu gaarayo 260Km.

Lahaanshaha sawirka Getty Images/HUNGARIAN INTERIOR MINISTRY PRESS OFF

Dhanka badda Mediterranean-ka, muhaajiriinta ka yimid woqooyiga Afrika ee doonaya in ay u tallaabaan qaaradda Yurub ayaa dib loogu celiyaa waddankii ay ka soo ambabaxeen. Arrintaasi ayaa abuurtay waxa hay'adaha u doodo xaquuqul insaanka iyo arrimaha muhaajiriinta ay ku tilmaameen "gidaarka badda".

Waddamada ay muhaajiriintan ku socdaan ayaa ah Talyaaniga, Giriigga iyo Spain.

Balse darbiyadan iyo siligga ay waddamad reer Yurub ku xireen xudduudahooda ayaan marnaba hakin karin qulqulka muhaajiriinta. Sidoo kale waxaa jira goobo ku yaalla gudaha Yurub oo lagu baaro dadka muhaajiriinta ah.

Dowladda Hungary ayaa sidoo kale silig ku xirtay xudduudda ay la leedahay Croatia halka Austria ay silig ku xirtay xudduudda ay la leedahay Slovenia oo iyaduba iska xirtay Croatia.

Soo dhaweyn la'aan

Isbadalka ku dhacay reer Yurub ayaa ka dhigan in ay badaleen mowqifkooga ku aadan muhaajiriinta.

Xilligii bariga Yurub ay xukumayeen kali-taliyeyaal ayay kuwii Galbeedka u ololeyn jireen isu socodka dadka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Balse sannadkii 2015, xilli muddo dheer laga joogay dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, waxay arrinta qulqulka muhaajiriintu noqotay mid marnaba reer Yurub aysan u dul qaadan karin.

Boqolaal kun oo muhaajiriin ah ayaa billaabay in ay u hayaamaan Yurub, waxaana bishii Oktoobar ee sannadkii 2015-kii oo kaliya Yurub galay 220,000 oo qof.

Guud ahaan qaaradda Yurub, waxaa soo if-baxaya xisbiyada u janjeera dhinaca midigta fog, waxaana ololahooda siyaasadeed uu ku dhisan yahay ajaaniib nacayb, taas oo keentay in xisbiyadii hore ee Yurub ka talin jiray ay siyaasaddooda badalaan.

Dhaqaalaha Yurub ayaan wali cago buuxa ku taagnayn, tan iyo xilligii dhaqaale kuduudsiga uu ka dhacay qaaraddaasi sannadkii 2008-dii.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dedaallo la doonayay in lagu qeybsado muhaajiriinta gaaraya Yurub ayaa guuldareystay ka dib markii waddamada ay ku heshiin waayeen sidii ay u qeybsan lahaayeen soo-galootiga.

Inkastoo reer Yurub ay xirteen xudduudahooda, haddana sannadkii 2017-kii, waxaa qaaraddaasi galay 7,000 oo qof.

Arrintii reer Yurub ay wadeen xilligii dagaalkii qaboobaa ee ahayd "bani'aadanimo" ayaa u muuqata in hadda ay meesha ka baxday, xilli ay muuqato in xaaladda muhaajiriinta galaya Yurub ay ka daran tahay tii xilligii dagaalkii qaboobaa.

Sannadkii 2015, muhaajiriinta 33% boqolkiiba waxay ka bexeen Suuriya, halka 15% boqolkiiba, ay ka yimaadeen Afqaanistaan iyo sidoo kale 6% ka yimideen waddanka Ciraaq. Dhammaan waddamadaasi waxaa ka socday colaad sokeeye oo dhiig badan uu ku daatay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Balse xaaladda dadkaasi ay wajahayeen xilligaasi looma eegin sidii loo eegay kuwii ka qaxayay waddamadii bariga Yurub xilligii dagaalkii qaboobaa. Arrintaa ayaa lagu micneeyay in reer Yurub ay eegayaan halka qaxootigan ay ka imaanayaan. Waayo sida uu sheegay Gusztav Kecskes oo ah nin taariikhyahan ah, muhaajiriintii bariga Yurub ayaa ahaa masiixiyiin halka kuwa hadda ay u badan yihiim muslimiin.

Sidaa awgeedna waxay u muuqataa in reer Yurub aysan dooneyn in ay tiro badan oo qaxootigan ah qaataan.

Taa badalkeeda, Turkey ayaa matrigeliyay qaxooti aad u badan oo 3.6 milyan oo qof oo reer Suuriya ah ay ka mid yihiin. Tiradaa waxay ka badan tahay kuwa uu qaabilay Jarmalka.

Jarmalka ayaa dad ahaan ka badan waddanka Turkiga, halka dhaqaale ahaanna uu aad uga xooggan yahay balse wuxuu qaabilay qaxooti ka yar kan uu Turkiga qaabilay.

Marka la eego waddamada kale ee reer Yurub, Britain waxay qaabishay 126,000 oo qof oo qaxooti ah.

Lahaanshaha sawirka JASON FLORIO/MOAS/Reuters/handout

Qaabka reer Yurub ay hadda u eegayaan dadka muhaajiriinta ah ayaa aad uga duwan sidii ay u eegayeen sanadkii 1989, xilligaasi oo waddamada galbeedka Yurub ay isu arkayeen in ay xarun u yihiin dulqaadka iyo xorriyadda isla markaana ay waajib ahayd in ay cambaareyaan xukuumadihii ka jiray bariga Yurub.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhibaatada Tahriibka iyo maansadii Xabsi Tahriib

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan