Bosco Ntaganda: 'Xasuuqihii' loo haystay dembiyo ka dhacay Dr Congo oo ICC ay xukuntay

Bosco Ntaganda oo ku dhex sugnaa qolkii maxkamadda ee xukunka loogu riday Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bosco Ntaganda oo ku dhex sugnaa qolkii maxkamadda ee xukunka loogu riday

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in ciidankii ka amar qaadanayay ninkan ay ku kaceen falal gabood falo ah oo ka baxsan xuquuqda aadanaha.

Mr Ntaganda ayaa si miidaan leh u dhagaysanayay markii la akhrinayay dacwadaha loo heysto iyo xukunka lagu ridayo.

Dambiyada lagu heley waxaa ka mid ah kufsi loo geystey dumar, iyo dumar kale oo muddo la heystay qaab galmo-adoonsi ah.

Balse rafcaan ayuu ka qaatay xukunka ku dhacay, inkastoo garsoorayaasha ay ku doodeen in xabsi xarig uusan mudnayn.

Hoggaamiye kooxeedkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuquradiga ee Congo Bosco Ntaganda ayay maxkamadda dambiyada adduunka ku riddey 30 sanno oo xabsi ah ka dib markii lagu heley dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ntaganda si deggan ayuu u dhageysanayay markii garsooraha uu akhrinayay dembiyadii uu geystay.

Ninkan ayaa ku lug lahaa dagaallo ka dhacay Congo iyo Rwanda, isaga oo sannadkii 2013-kii isu dhiibay safaaradda Maraykanka ee Kigali. Markaas oo wixii ka dambeeyay lagu wareejiyay maxkamadda adduunka ee ICC.

Dad badan ayaa maxkamadda soo buux dhaafiyay, kuwaas oo ku faraxsanaa in ay marqaati ka noqdaan xukunka ku dhacaya ninkan oo lagu naaneysay 'babi'iye'.

Tallaabada xigta ee Maxkamadda waxay noqon doontaa in magdhow la siiyo dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen malleeshiyadiisa.


Muxuu yahay Bosco Ntaganda?

  • Wuxuu 1973 ku dhashay Rwanda oo uu ku barbaray
  • Wuxuu u qaxay Dr Congo isagoo toban iyo dhowr sano jir ahaa, ka dib weerar lagu qaaday qowmiyaddiisa Tutsi
  • Markii uu 17 sano jirka ahaa, wuxuu billaabay in uu dagaallada ka qeybgalo - isagoo mucaarad hubeysan iyo askeriba ka ahaa dalalka Dr Congo iyo Rwanda.
  • 2002-2003: Wuxuu hoggaamiye maleeshiyaad ka ahaa gobolka Ituri ee Congo
  • 2006: Waxaa dacweysay ICC oo ku eedeysay in carruur uu ciidan ahaan uga qortay Ituri
  • Wuxuu masuul ka ahaa ciidamo xasuuq ka geystay Kiwanji oo lagu dilay 150 qof, sannadkii 2008-dii
  • 2009: Wuxuu ku biiray ciidamada DR Congo, waxaana laga dhigay janaraal
  • 2012: Wuu goostay, wuxuuna sameystay malleeshiya cusub oo 800,000 oo qof ka barakicisay guryahooda
  • 2013: Wuxuu isu dhiibay safaaradda Mareykanka ee Kigali, dalka Rwanda, ka dib markii malleeshiyadiisa ay kala jabtay
  • 2019: Waxaa lagu helay inuu dembi dagaal iyo gaboodfalo geystay, waxaana lagu xukumay 30 sano.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan