Ninka maalintiina wariyaha ah habeenkiina kabatolaha ah

.
Image caption Suresh Nandmehar

Nin u dhashay Waddanka Hindiya oo kabatole ah ayaa sidoo kale noqday wariye, wuxuuna faahfaahinayaa sababta ku kalliftay inuu labadaas shaqo isku wado.

Muuqaal ay ka diyaarisay BBC-da ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu wariyenimada ugu shaqeeyo ay tahay sidii uu u faafin lahaa wararka aan la sheegin ee ku saabsan magaaladiisa.

"Shaqadeyda kabo sameynta ah waxaan qabtaa laga billaabo 7pm fiidnimo ilaa saqda dhexe ee habeenkii. Maalintiina waxaan u shaqeeyaa wariye ahaan", ayuu yidhi ninkan oo lagu magacaabo Suresh Nandmehar.

Haddaba maxaa ku kallifay wariyenimada?

"Sababta aan wariyaha u noqday waxay ahayd maadaama ay lagama maarmaan ahayd. Mas'uuliyiinta dowladda waxay sanadkii 2002-dii nagu amreen inaan ka guurno meheradaheennii ganacsiga ee magaalada Bhopal. Waxaan ka codsannay inaysan naga rarin halkaas laakiin way na dhageysan waayeen wayna naga burburiyeen. Waxay nagu ahayd xaalad adag oo culeyskeeda leh. Qaar ka mid ah dadkii ay arrintaas saameynta ku yeelaneysay waxay i weydiiyeen sababta aysan warbaahintu u tabineynin wararka ku saabsan arrintaas nagu dhaceysay. Xilligaas ayey ahayd markii aan fahmay awoodda ay leedahay warbaahinta", ayuu yidhi.

Image caption Suresh wuxuu isku dhex wadaa wariyenimada iyo kabo sameynta

Xilligaas wixii ka dambeeyay, Suresh Nandmehar Suresh wuxuu go'aan ku gaaray inuu wariye noqdo.

"Waxaan daabacaa Wargeys lagu magacagaabo Baal ki Khaal. Waxaan wargeyskeyga ku qoraa wararka ku saabsan dadka aniga ila midka ah, anigoo ka sheekeynaya xaaladaha ay wajahaan. Wali waxaan xasuustaa maalintii murugada badneyd ee nalaga kiciyay dhulkii aan ganacsiyada ku lahayn. Xilligaas warbaahinta gobolku nama aysan garab istaagin, hal sheeko oo nagu saabsanna ma aysan baahinin. Ma jirin cid maqashay dhibaatadeenna. Waxaan mudaharaadeynay 27 maalmood si aan u horjoogsanno go'aanka ay nagu rareysay dowladdu, xitaa anigu marna gurigeyga ma tagin intii uu mudaharaadkjaas socday, laakiin cid naga war heshay ma jirin", ayuu yidhi Suresh.

Isagoo ka sheekeynaya sidii uu go'aanka ku qaatay ayuu yidhi: "Waxaan dhaar ku maray inaan arrintaas wax ka baddalo, waayo waxaan aaminsanaa haddii hal warbaahin oo kaliya xitaa ay warkeenna tabin lahayd in aannaan nalaga burburin lahayn meheradaheenna, shaqo la'aanna aysan nagu dhici lahayn. Xitaa ugu yaraan dowladdu waxay ku khasbanaan lahayd inay noo abuurto shaqooyin kale".

Inkastoo uu shaqada ku guda jiro, haddana wali wuxuu sii wadaa barashada saxaafadda,

"Laga soo billaabo sanadkii 2003-dii, si joogto ah ayaan u baranayay saxaafadda, maalin kastana wax cusub ayaan sii bartaa. Qoyskeyga ayaa taageerada ugu ballaaran isiinayay, wiilkeyga iyo gabadha aan sodogga u ahayba waxay iga caawiyaan sixitaanka qoraallada iyo xaqiijinta erayada ku haboon qormooyinka. Ganacsatada khudaarta, kuwa shaaha iibiya - dhammaantood waxay ii keenaan wararka xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka, laakiin kabatoleyaasha ayaa ah wariyeyaasheyda joogtada ah, waxayna maalin kasta ii keenaan waxa cusub ee ka jira magaalada", ayuu yidhi.

Lacag yar ayuu ku iibiyaa nuqullada wargeyskiisa.

Image caption Ninkan wargeyskiisa waxaa wararka usoo tabiya ganacsatada kale ee danyarta ah

Wuxuu xitaa lacag la'aan ku siiyaa dadka aan awoodda u lahayn inay iska bixiyaan kharashka lagu iibinayo.

"Wargeyskan waxaan akhrisanayay muddo 5 sano ah, wuxuu qoraa sheekooyinka ku saabsan dadka aan la daneynin, sababtoo ah dadka maalqabeennada ah mar walba wey heystaan cid wararkooda tabisa. Xitaa isagoo dhaqaale aad u yar ka hela kabaha uu sameeyo haddana wali wuu wadaa soo saarista wargeyskiisa, waa nin ay ka go'antahay inuu codkeenna kor u qaado, sidaas awgeedna aad baan u qaddariyaa aniga", waxaa sidaas yidhi kabatole kale oo lagu magacaabo Ram Das Tiwari.

Suresh wuxuu noo sheegay in sanadkii 2010-kii uu ku guuleystay abaalmarinta la siiyo wariyeyaasha muwaadiniinta ah, taasoo uu bixiyo jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka ee lagu magacaabo Amitabh Bachchan.

Mowduucyada la xiriira