Lammaane guur ku heshiiyay iyagoo KFC jooga oo Twitter-ka qabsaday

KFC meal Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dadka reer Koofur Afrika ayaa u soo bandhigay lammaane guur ku heshiiyay inay a caawiyaan arooska, kaddib markii muuqaal ay isaga duubeen gudaha maqaayadda KFC iyadoo wiilku uu gabadha usoo bandhigayo guur.

Muuqaalka ayaa muujinaya wiilka oo jilbaha dhulka dhiganaya isla markaana faraanti guddoonsiinaya lammaanihiisa iyadoo uu hortooda yaallo digaag ay cunayeen.

KFC Koofur Afrika ayaa muuqaalka soo wadaagay kana codsaday bulshada in la soo helo lammaanahan.

Muuqaalka ayaa in ka badan than 17,000 oo jeer lagu wadaagay Twitter-ka, waxaana ahwada qabsaday halkudhigga ah #KFCProposal.

Lammaanahan cusub ee guurka ku heshiiyay ayaa kaddib lasoo helay magacyadooda waxaana lagu sheegay Bhut' Hector iyo Nonhlanhla.

Balse halkaas kuma ekaan.

Durbadiiba dadka ayaa bilaabay inay lammaanaha usoo bandhigaan inay ka caawiyaan qorsheynta arooska, oo ay ku jirto sidoo kale in la siiyo meel ay bisha malabka ku qaataan iyo ka qeybqaadashada xafladda.

"Waxaan jeclahay inaan arooska ka heeso si bilaash ah ... waan jeclahay," ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray fannaanka caanka ah Zakes Bantwini.

Shirkadaha ayaa iyaguna haddiyado usoo bandhigay lammaanaha.

Dadka ayaa lammaanaha usoo bandhigay haddiyado isugu jira cabitaanno, cunto iyo sidoo kale lacag aad u badan.

Lammaanaha ayaa u mahad celiyay bulshada.

"Mahadsanid Koofur Afrika. Naxariistaada ayaa runtii na taabatay. Ma sawiran in sheekada jaceylkeenna ay sidaasi u taaban doonto dad badan oo idinka mid ah," ayay yiraahdeen.