Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya wabiga Niil awgii?

Biyo Xireenka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Biyo Xireenka

Itoobiya waxay dhiseysaa biyo xireen weyn, kaas oo marka la dhammaystiro sannadka soo socda noqon doono warshadda korontada ee ugu weyn Afrika.

Dhismihiisu wuxuu sannadkii 2011-kii ka bilowdey isha Blue Nile ee ku taal dhulalka sare ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo 85% biyaha wabiga Niil ay ku qulqulayaan.

Si kastaba ha noqotee, biyo xireenka mega wuxuu sababay isku dhac u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, iyadoo Suudaana ay saameysay arrintan. Haatanna Mareykanka ayaa gacan ka geysanaya dhexdhexaadinta labada dal.

Muxuu is marin waagaan u dhammaan la'yahay?

Xarunta dhexe ee muranku ka taagan yahay ayaa ah qorsheyaal lagu doonayo in lagu buuxiyo biyo-xidheenka iyada oo Masar ka cabsi qabto in mashruucan uu Itoobiya oggolaado inay xakamayso qulqulka wabiga ugu dheer Afrika.

Warshadda korontada biyo ma isticmaaleyso balse xawaaraha ay Itoobiyo ku buuxinayso biyo xireenka ayaa waxay saameyn ku yeelan doontaa qululka biyaha webiga Niil.

Itoobiya ayaa waxay doonaysaa inay mashruucaan ku dhameyso muddo lix sannadood ah halka Masarna ay doneyso im mashruuca lagu dhameeyo muddo toban sanadood ah sababtoo haddii muddada mashruuca ay dheeraato waxaa yaraanaya saameynta uu ku yeelanayo qulqulka webiga Niil.

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan mashruuca biyo-xireenka ayaanan wax horumar ah laga gaarin muddo afar sano ah iyadoo Mareykanka uu haatan isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo.

Lahaanshaha sawirka @realDonaldTrump
Image caption Madaxweyne Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay ergo ka socota waddamada Masar, Itoobiya iyo Sudan

Maxay Masar uga walaacsan tahay biyo xireenka?

Walaaca Masar wuxuu yahay in Itoobiya ay yeelato awood ay ku yareyneyso biyaha wobiga oo dalal badan ay ku tiirsan yihiin, ka dib marka ay dhamestirto mashruuca biyo xireenka.

Biyo xireenka waxaa laga dhisayaa meel u dhow xadka Itoobiya iyo Sudan meel aan ka fogeyn. Itoobiya waxaa u qorsheysan in korontada laga dhaliyo halkaas ay ka raqiisnaato midda kale.

Dowladda Masar wuxuu walbahaarka ku sii siyaaday ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in sida uu biyo xireenka uu ku socdo ay Masar ku keeni karto in ay soo wajahdo biyo yari, sannadka 2025.

"Wabiga Nile waa noolasha shacabka reer Masar, waxaana kuu sheegi karaa in arritan biyo xireenka ay aad uga walaacsan yihiin," ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in khatar walba oo la xiriirta biyaha loo aqoonsanayo "halis soo wajahdo madaxbanaanida dhuleed ee dalkaas".

Sidoo kale, dalalka Sudan iyo Masar ayuu u dhexeeyaa khilaaf wayn oo la xiriira isticmaalka biyaha wobiga. Waxaa suuragal ah in isticmaalka Sudan oo kordho ka dib marka la dhameystiro biyo xireenka Itoobiya, sida ay dowladda Masar sheegtay.

Dad qaar waxay aaminsan yihiin in dowladda Masar aysan jirin waxkale oo u bannaan oo aan ka ahayn inay qaado tallaabo milateri oo xaaladda uga sii dari karto, waana taas sababta ay labada dal u doorbideen in arrintan lagu dhameeyo qaab diblomaasi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maxay Itoobiya u dooneeysaa inay sameyso biyo xireen sidaa u weyn?

Mashruuca Biyo xireenkan laga dhisayo gudaha dalka Itoobiya oo uu ku baxayo kharash gaaraya 4 bilyan oo doolar ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo koronto dhan 6 kun oo megawatts, oo ah cabirka korontada, waxaana qorshaha Dowladda Itoobiya ka soo horjeestay dalka Masar oo sheegay in taas ay biyo yari ku keeni doonto dalkeeda.

Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya?

Maadaama la isku mari waayay wadaxaajoodka, suurtagal ma tahay in arrintu ay isku baddasho ficil milatari?

Dad badan oo ka mid ah kuwa wax indha idheeya waxay sheegaan in dagaalka adduunka ee xiga uu noqon doono mid ay sabab u yihiin biyo, waxaana jira dhowr meelood oo ka mid ah caalamka, oo ay ka taagan yihiin xiisado la mid ah tan ka jirta gacanka Nile.

Ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Nile-ka wuxuu horseedi karaa dagaal ku saabsan biyaha haddiiba ay Itoobiya heshiis la gaari weyso Masar iyo Suudaan, inkastoo qolyaha arrintan u dhuun daloola ay rajo ka qabaan horumar laga gaaro xaaladda ka taagan gobolka.

"Masar waxay Hibo u tahay wabiga Nile", sidaas waxaa oran jiray faraaciintii hore, laakiin waxay Ilaah ahaan u caabudi jireen wabiga Nile-ka.

Kumannaan sano ka hor iyo waliba xilliyadii ugu dambeeyayba, Masar oo gacan ka heleysa gumeystaha Ingiriiska waxay khilaaf ku lug lahayd khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya wabiga Nile. Waxay Masaaridu damacsanaayeen in wabiga qulqulkiisa loo soo weeciyo dhankooda oo kaliya,si ay iyaga uun uga faa'iideystaan.

Mowduucyada la xiriira