Dab khatar ba’an ku haya magaalada ugu weyn Australia

Australia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dabka ayaa burburiyay guryo iyo hanti kale.

Dowladda Australia ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karta dab xooggan oo hadda soo gaaray deegaanno ku xeeran magaalada ugu weyn dalkaasi ee Sydney.

Dadka ku nool aggaasi ayaa lagu wargeliyay inay halkaa ka guuraan oo ay meel kale u wareegaan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku naf waayeen dabkan xooggan halka kumannaan kale ay guryahooda ka qaxeen.

Ra'iisal wasaaraha dalkaasi, Scott Morrison, oo ay ku qeyliyeen dad aaminsan in dabka ay sababtay cimillada isbedelaysa, ayaa diidday inuu ka hadlo waxa uu rumaysan yahay inuu dabkan ka dhashay.

"Waxa keliya ee aan maanta ka fekerayo ayaa ah qoysaska dadkooda ku waayay dabkan," ayuu yiri ra'iisal wasaare Morrison.

Maxay tahay khatarta ay wajahayso Sydney?

Hay'adda gobolka New South Wales u qaabilsan dab-deminta ayaa shaacisay digniintii ugu sarraysay tan iyo markii la asaasay toban sano ka hor.

Digniinta ayaa loo diray dhammaan deegaannada Sydney oo ka kooban 658 xaafadood kuna fadhiya dhul dhan 12,000 sq km.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dabka Australia

Mas'uuliyiinta ayaa intaa ku daray in khatar noocaasi ah uu wajahayo gobolka Hunter ee waqooyiga uga beegan magaaladaasi.

"Marka la eego xaaladda hadda jirta, dabka ayaa si degdeg ah ku faafi doona, waxaana uu khatar gelinayaa guryaha iyo noolasha dadka," ayaa lagu sheegay fariinta kooxda dab-demiska.

Iskuullada ku yaal deegaannada uu dabka ku wajahan yahay ayaa la xiray, waxaana kooxaha dab-demiska ah oo gurmad ah ay ka yimaadeen dalka New Zealand si loo xakameeyo dabkaasi.

Abaarta Australia

Roob lagu diirsaday ayaa todobaadkii hore ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka New South Wales, kaasoo aad u farxad geliyay beeralayda halkaa ku dhaqan, balse waxaa weli taagan abaarta saamaysay gobolkaasi.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa ka digaya in dabka uu sii huri doono ilaa inta laga helayo roob wanaagsan oo demin kara.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Diyaaradaha dab-demiska

Diyaaradaha lagu rushaynayo dabka ayaa masaafo dheer u doonta biyaha ay isticmaalayaan madaama aanay biyo ku filan ka helayn gobolkaasi.

Arintaasi ayaa keentay in kooxaha dab-demiska ay ceelal cusub ka qodaan dhulka uu dabka ka kacay si ay u helaan biyo loo isticmaali karo demintiisa.