Iran: "waxaa na soo weeraray cadow xun"

kaalin shidaal iyo dukaanno ay mudaharaadayaasha dab qabadsiiyeen Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay tani iyo marka ay Iran ku billowdeen mudaharaadyada ka dhashay qiimaha shidaalka ee sare u kacay, mudaharaadyada oo billowday seddex maalmood ka hor.

Xaaladda ka taagan dalka Iran ayaan weli dhanna u dhicin iyada oo dowladda xayirtay adeegga internetka dalka oo dhan. Waxaana magaalooyinka qaar ka sii socda mudahaaradyada ay shacabku wadaan.

Xukumadda Tehraanna waxay maanta oo Isniin ah sheegtay "xaalka inuu ka soo reynayo" walow "ay jiraan arrima taagan oo aad yar".

Ciidamada awoodda badan ee ilaalada kacaanka Iran waxay sheegeen iney doonayaan mudaharaadyada iney soo dhammaadaan.

Warmurtiyeed ay xukumadda Tehran ka soo saartay mudaharaadyada maalmahan ka socda dalka Iran, ay yihiin weerar ay ku soo qaadeen "cadowgooda aadka u xun", iyaga oo doonaya iney dalka Iran xasilooni darra ka abuuraan shacabkana loo baahan yahay cidda arrimahan ka dambeysa iney tahay cadow aan dooneyn inuu dalkooda xasiloonaado.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mudaharaadyada ka socda dalka Iraan ee ka dhashay qiimaha shidaalka Iran ee sare u kacay

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran waxay cambaareysay Mareykanka taageerada uu u muujiyey mudaharaadayaasha.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu bartiisa Tweetarka uu ku qoray "Mareykanka idinka ayuu idinla jiraa", iyada oo weliba aqalka cad ee Mareykanka uu cambaareeyey awoodda dheeraadka ah ee ay ciidamada amaanka Iran u adeegsadeen mudaharaadayaasha.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Cabbaas Mousavi hadalka ka soo yeeray Mr pompeo wuxuu ku tilmaamay "munaafaqnimo" sababta oo ah ayuu yiri dhaqaalaha Iran waxaa wiiqay cunqabateynka uu dib u cusbooneysiiyey madaxweyne Donald trump, kaddib marki uu Mareykanka uu sanadki hore ka baxay heshiski Niyuukilarka ee caalamiga ah.

Mudaharaadyadan Iran ayaa billaawday Jimcihi kaddib marki ay dowladda sheegtay iney qiimaha shidaalka halki Litirba ay ku kordhisay 50%, taasoo ka dhigeyso qiimahi liitirka oo horay u ahaa 15,000 oo riyaal uu hadda noqonayo 30,000 oo riyaal.

Madaxweyne Xasan Rouxaani wuxuu sheegay dowladda iney ka shaqeyneyso danaha shacabka, lacagtaasi lagu kordhiyey qiimaha shidaalkana loo qaybinayo muwaaddiniinta dalka ee baahida qabo.

Inkasta oo go'aanka xukumadda Tehran ay soo saartay ay cara ka dhalisay dalka Iran oo dhan haddana dhaqaalaha dalka ayaa la daalaa dhacayey cunaqabateynka uu Mareykanka dib ugu soo rogay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan