Al-Shabaab iyo IS sidey dhaqaale ku helaan?

Al-Shabaab Lahaanshaha sawirka AFP

Warbixinta Khubarada Qaramada Midoobeey ee qaabilsan cunnna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea waxaa lagu sheegay in deegaannada Al-Shabaab "mamulaan ay u qeybsan yihiin seddax dhinac" sidoo kalena in "si handadaad ah ay canshuuro uga qaadaan ganacsatada".

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin warbixintan ay diyaariyeen Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey.

Qaar ka mid ah qodobbada lagu xusay waxaa ka mid ah:

"Is ballaarinta" Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya

Warbixinta ay soo saareen gudiga Khubarada ee Qaramada Midoobeey u xilsaaran cunna qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa looga hadlay maamulka Al-Shabaab iyo sida uu ugu baahsan yahay dalka iyo canshuuraha ay qaadaan.

Warbixinta oo ka kooban in ka badan 160 bog, waxay ka hadashay arrimo kala duwan oo u badan hubka, dhaqaalaha iyo talooyiin la xiriira.

Warbixinta waxaa lagu yiri: "Tan iyo markii uu istaagay howlgalkii ballaarnaa ee AMISOM, sannadkii 2015-kii, dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya weli isma badalin."

"AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka waxay maamulaan magaalooyiinka waaweyn; Al-Shabaab waxay toos u maamushaa ama u soo gaari kartaa dhul ballaaran oo miyi ah, waxayna awoodaa in ay jarto jidadka ay soo maraan adeegyada iyagoo go'doomin kara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda", ayaa lagu yiri warbixinta.

Sida khubarada Qaramada Midoobeey ay xuseen; "Deegaannada Al-Shabaab ay maamulaan waxay u qeyb san yihiin illaa seddax".

"Dhul ay si toos ah u maamulaan ururka, halkaas oo Al-Shabaab ay ka sameysteen maamul u gaar h; iyo dhul ay ciidamo xoog leh ku haysato; iyo deegaanno aysan ururka maamulin balse ay awood u leeyihiin in ay "canshuur" ka qaatan".

Warbixinta waxay xustay in Al-Shabaab ay maamul xoog leh ku leeyihiin deegaanno ka tirsan Jubbada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay. Sidoo kale, meelaha ay ciidamada xoogga leh ku joogaan waxaa lagu sheegay "Xarardheere, Aadan Yabaal iyo buuraha Galgala iyo sidoo kale deegaanka Ceel-Cade".

"Al-Shabaab waxay canshuuraan ganacsiga, xoolaha iyo beeraha, oo baro koontorool oo yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ay kaga qaadaan iyagoo hanjabaad adeegsada", ayey yirahdeen khubarada diyaariyay warbixintan Qaramada midoobey loo gudbiyay.

"Dhaqaalaha Al-Shabaab"

Warbixintii guddiga kor-joogtada ee 2018-kii waxaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay dhaqaalaha ka hesho canshuuro gudaha ay ka uruuriso sida "gawaarida gudaha isaga kala gudba, alaabta ganacsiga, beeraha, dukaamada, iyo uruurinta sakada".

"Muddadaas laga soo warramay, khubarada waxay ogaadeen in Al-Shabaab ay sii waday hannaanka ay ku baadeyso dadka ee koonfurt iyo Bartamaha Soomaliya ay ka sameyso, in kastoo ciidamo caalami ah ay bartilmaameedsadeen goobo gaar ah oo baro-koontorool u ahaa Al-Shabaab", ayaa lagu yiri qoraalka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Al-Shabaab iyo IS waxay ku dagaallameen "canshuuraha" ay ka qaataan ganacsatada

Guddigan Qaramada Midoobeey u gudbiyay warbixinta waxay sheegeen in sannadkan 2019-ka ay baaritaankooda ku ogaadeen in "Al-Shabaab ay nidhaam canshuureedkooda gaarsiiyeen alaabta ka soo degta dekadda Muqdisho".

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u beenisay eedaha la xiriira in ururka Al-Shabaab ay canshuuro ka qaadaan gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxay sheegeen in ay wareysi la yeesheen qaar ka mid ah dadka deggan Muqdisho oo u sheegay "in Al-Shabaab ay ku dhex milmeen hay'adaha ka howlgala dekadda Muqdisho iyo wakiillada shirkadaha maraakiibta ay u raran yihiin ee ka howlgala magaalada".

"Taas waxaa ka dhashay in Al-Shabaab ay helaan macluumaadka alaabta, qiimaha iyo qofka iska leh", ayaa ku xusan warbixintaas loo gudbiyay Golaha Amniga.

Taas waxay sababtay in Al-Shabaab ay ganacsatada Muqdisho ka dalbadeen in ay sheegaan dhammaan alaabta u soo degeysa, ayey yiraahdeen khubaradan.

Iyagoo la shaqeynaya qeybta "dhaqaalaha u qaabilsan" Al-Shabaab, "waxaa (Ganacsitada) digniin haan loogu sheegay in la eegi doono warqadaha shixnadda la socda".

Waxay tusaale u soo qaadatay qof ganacsade ah oo alaab kala soo degay Dekadda Muqdisho, bishii July ee sannadkan. Markii la garay bishii August, Al-Shabaab "ayaa telefoon u dirtay ninkaas iyo shirkaddiisa waxayna ku amartay in uu tago mxkamaddooda ku taalla deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose".

"Markii uu maxkamadda gaaray, waxaa loo soo hordhigay cadeynta alaabta ay shirkadda la soo degtay muddadaas, waxaana lagu amray bixinta $70,000 oo dollar".

Khubarada waxay ku warrameen in "la siiyay digniin ah in wixii markaa ka dambeeyay ay canshuurta u bixiyaan si hormarin ah. Lacagtaasna waxaa lagu kala wareejiyay akoono bangi oo ku yalla Soomaliya".

Lahaanshaha sawirka AFP

Warbixintan waxaa lagu sheegay in "Al-Shabaab ay rasiit siisay shirkadda, kaas oo nuqul ka mid ah ay heleen khubarada".

"Dhaqaalaha" ururka la baxay dowladda Islamka ee Soomaaliya

Ururka IS wuxuu Soomaaliya ka soo caanbaxay sannadkii 2015-kii, sida ay ogaadeen Guddiga Qaramada Midoobeey ee korka kala socda Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea."

Xilligii bilowga, kooxda way ku adkeyd "helidda dhaqaalaha iyo xitaa in ay mushaar siiyaan maleeshiyadooda".

Laakiin, xooga ka dib, IS waxay bilowday "dadaallo ay canshuur kaga qaadeyso dadka, iyadoo adeegsaneysa handadaad la mid ah midda Al-Shabaab".

Warbixinta waxay tusaale u soo qaadatay shirkad isgaarsiin oo ka howlgasha Puntland "in handadaadda kooxda ay ku qasbtay bixinta canshuur gaareysa boqollaal kun oo dollar".

Sidoo kale "shaqaale shirkado kala duwan ayaa lagu dilay Puntland ka dib markii sida la sheegay ay diideen in ay lacag siiyaan ururka IS".

"Isticmaalka waxyaabaha Qarxa ee Al-Shabaab"

Sida ay khubarada Qaramada Midoobeey ee qaabilsan cuna-qabateynta Soomaliya ay sheegeen, macluumad ay ka heleen dadka ku taqasusay waxyaabaha qarxa waxay muujinayaan xiriir ka dhexeeya in gudaha lagu sameeyo waxyaabaha qarxa iyo in Al-Shabaab ay sare u qaadaan weerarada sida joogtada ah ay uga fuliyaan Soomaaliya, sannadihii ugu dambeeyay.

Laga soo billaabo bishii July 2018 illaa July 2019, Al-Shabaab "waxay qaaday 548 weerar oo qaraxyo ah" oo ka dhacay Soomaaliya, taas oo ka badan isla mudaddaas ee sannadkii ka horreeyay "oo ahayd 413", sida warbixinta ku xusan.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Ciidamada Dowladda ayaa weli ku dadaalaya sidii ay uga adkaan lahaayeen ururuka Al-Shabaab

"Boqolkiiba 32% ayey sare u kaceen" weerarrada, sida qoraalka lagu sheegay. "Sidoo kale 36% boqolkiiba ayey sare u keceen qaraxyada ka dhaca gobolka banadir, isla muddadaas", ayey ku dartay.

"In kastoo Al-Shabaab ay sii waddo sameysashada waxyaabaha qarxa, haddana waxay sidoo kale adeegsataa waxyaabaha qarxa ee militariga. Weerarkii saxafi ee sannadkii hore ayey u adeegsadeen", sida warbixinta lagu sheegay.

Weerarkaas oo dhacay bishii November ee sannadkii 2018-kii, waxaa ku dhimatay dad badan.

Guddigan waxay sheegeen in khubarada ay ka heleen akhbaar ku saabsan kiimikada iyo waxyaabaha kale ee Al-Shabaab ay u adeegsan karaan sameynta walxaha qarxa oo "marakiibta ay keenaan".

"Waxaan la xiriirnay shirkadaha maraakiibta sida joogtda ah u taga dekadaha Soomaaliya, waxaanna weydiisanay macluumaadka shixnadda ay u badan tahay in ay ka mid yihiin waxyaabaha loo adeegsado qaraxa."

Waxay intaa ku dareen: "Illaa iyo hadda guddiga lama soo gaarsiin macluumaad wax ku ool ah".

"Bishii April ee sannadkan 2019, Ciidamada Amniga ee Soomaliya waxay gasacado ama daasado dhammaaday oo lagu keenay kiimiko halis ah ay ka heleen meel Al-Shabaab ay ku dhuuntaan oo ku taalla Ceelasha Biyaha".

Kiimikadaas oo lagu daray walxo kale "waxa lagu ogaaday baaritaan shaybar oo lagu eegay waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay gudaha ku sameystaan".

Dadka ku taqasusay walxaha qarxa waxay guddiga u sheegeen in aysan jirin dalab sharciyadeed oo la xiriira aasidha kiimikada ah ee Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan