Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay warbixintii Qaramada Midoobeey

Askeri iyo qoryo Lahaanshaha sawirka Getty Images/NurPhoto

Qaramada Midoobeey ayaa dhawaan muddo sanad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay "in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta", uuna Soomaaliya "galo hub sharci darro ah".

La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali ayaa BBC-da u sheegay inay nasiib darro tahay in ciidanka Soomaalidu ku dhintaan qaraxyo gacan ku samays ah iyadoo loo heli karo gawaarida gaashaaman ee iska difaaci kara qaraxyadaasi.

"Ciidamada waxay la dagaallamayaa cadow, shacabka iyo dowladda halis ku ah", ayuu yiri Cabdisiciid.

"Waxay ahayd in cunna qabateynta la qaado maalinkii 600 oo qof oo Soomaali ah la laayay, 14-kii October 2017-kii… Soomaaliya waad aragtaa looma arko in dhibkaas sidaa u xajmiga wayn in uu yahay dhib u baahan in laga hortago".

Hubka Dowladda Federaalka ee gacanta u galay kooxaha ka ganacsada hubka

Bishii Agoots ee sanadkan, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay.

Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar ka mid ah hub lahaa sumadda dowladda oo ay la soo degtay Sabtemabr, 2014-kii, Juun 2017-ka iyo July 2017-kii.

Illaa 93 ka mid ah bastooladaha ay la soo degtay dowladda federaalka ayaa waxaa ka muuqatay cadeymo muujinaya in la isku dayay in laga fujiyo sumadda dowladda, tallaabadaas oo ah middii ugu horeesay ee ay arkaan khubarada.

La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha amniga wuxuu yiri: "Anaga waxaan rabnaa in ciidankeena Soomaalida ee dhimanaya maalin kasta ee cadowga la dagaallamaya, in ay qalabeysan yihiin, ayna wataan baabuurta loo garanayo ABC ee gaashaaman ee ay isaga difaaci karaan qaraxyada gacan ku sameyska ah ee nimankaas ku dagaallamaan".

Wuxuu intaa ku daray: "Ma jiro hub dowladda usoo dega oo aan la calaamadeyn oo aan la diiwaan gelin, marka la bixinayana aan lagu qorin askeriga qaadanayo hubkaas. Taas oo ah nidhaam micnihiisu yahay; waxyaabihii farsamada ahaa ee naloo sheegayay ee nala dhahayay cuna qabateynta way idiin saran tahay, waan dhameynay".

Cadeymo ay khubarada ka heleen saddex qof oo ka ganacsada hubka waxaa ay xaqiijiyeen in hubka dowladda ay " iibsadaan saraakiil sare iyo kuwa xilal hoose ka haya ciidanka dowladda".

La taliyaha madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: "Dowladdaan seddax sano ayey joogtaa, markii hore waxaa naloo sheegay in cuna qabateynta qeyb ahaan la qaaday 2014-kii (xilligii dowladda Xasan Sheekh), taas oo macneheedu ahaa in hubka qaar aan la soo degi karno, gaar ahaan hubka fudud. Ka dib waxaa naloo sheegay in haddii hubku uu galo gacmaha dad aan dowladda ahayn, marka taas in la xaqiijiyo".

"Marka taas waan baarnay. Sidaad ogtahay ciidamada waxaa loo diiwaangeliyay si casri ah, akoonkooda waa la yaqaanaa, qoriga ay sitaan waa la calaamadeeyay waana la diiwaan geliyay", ayuu hadalka ku sii daray Cabdisiciid Muuse Cali.

Hubka militariga ee gacanta u gala Al Shabaab

Cabdisiciid Muuse Cali ayaa yiri: "Anaga waxaa naloo sheegay in cunna qabateynta ay saran tahay nimankan Al-Shabaab iyo dadkaan xagjirka ah. (Cunna qabateynta) ma saarna dowladda; warar noocaas ah baa naloo sheegaa".

"Nimankaan sharci darrada ah uma baahna in dowlado ay la xiriiraan oo hub ay ka gataan. Cidda la rabo in ay hub keensato oo ciidamadeeda qalabeysato ama hubeyso waa dowladda sharciga ah".

Balse, kooxda khubarada Qaramada Midoobay waxay diwaangeliyeen hub ay Al Shabaab kala wareegtay dowladda, hubkaas oo ay ka mid yihiin qoryo, rasaas, baabuur iyo basuukayaal iyo baaburta gaashaaman ee Dowladda.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bastooladda nooca loo yaqaanno Luger pistol oo ay Dowladda Federaalka soo iibsatay sanadkii 2014-ka ayaa waxaa ay khubarada shegeen in Al shabaab ay u adeegsatay dilka booliska Dowladda 27-kii Jnaayo ee sanadkan.

Al Shabaab ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay baabuur milatreri, lidka diyaaradaha iyo rasaas fara badan mudo laba asbuuc gudahood oo ay weerar ku qaadeen saldhigyada Dowladda ee El Salini, Shabeelaha hoose, Moqokori ee gobolka Hiiraan, dagaaladaas oo ay Qamara Midoobay shegtay in ay dhaceen 22 Sabtemabr ee sanadkan 2019 iyo1-da Juun ee 2018.

Balse La taliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga ayaa beeniyay arrimahaas, wuxuuna ku adkeystay "uusan jirin hub dowladeed oo Al-shabaab gacanta u galay".

La taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhanka Amniga, Cabdisiciid Muuse Cali wuxuu yiri: "Siyaasaddu waxay tahay, dowladaha na taageera waxay badankooda nagu taageersan yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay rabaan in dowlad Soomaaliyeed ay soo noqoto. Tiina waxay tahay in dowladda ay waajibaadkeeda ay gudaneyso."

Hubka sharci darrada ah ee ku qulqulaya Soomaaliya

"Puntland": Warbixinta waxaa lagu xusay in "Puntland ay weli tahay meesha uu Soomaaliya ka soo galo hubka sharci darrada ah".

"Hubkan sida caadiga ah waxaa lagu soo qaadaa doomo yaryar oo ka yimaada yaman." 4-tii bishii March ee 2019, doomo hub iyo rasaas siday ayaa gaaray xeebaha Puntland ee u dhexeeya Boosaaso iyo Qandala", ayey tiri warbixinta.

Khubarada Qaramada midoobeey ee qaabilsan cunna-qabateynta hubka waxay sheegeen in ay "sii wadayaan baaritaanka ku saabsan xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya dullaaliinta hubka ee Puntland iyo kuwa ka soo iibiya ee Yaman ku sugan".

In dalalka ay u hogaansamaan xayiraadda hubka

Hubka iyo rasaasta laga keeno Itoobiya

Khubarada waxaa kale oo ay shegeen in ay heleen cadeymo muujinaya in shirkadda sameysa birta, kana shaqeyso hawlaha injinernimada, sidoo kalena soo saarta hubka oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, ay tobankii sano ee aynu soo dhaafnay ku xadgudubtay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Khubarada ayaa waxaa kale oo ay shegeen in ay la kulmeen madaxda saree e shirkadda, 4-tii bishii April ee sanadkan, ayna isla eegeen waraaqo muujinaya hub iyo rasaas ay leedahay shirkada oo la geeyay gudaha Soomaaliya, gaarh ahaan degmooyinka.

Mas'uuliyiinta waxaa kale oo ay shegeen in aysan ahayn ku tala gal ah in ku xadgudbaan cunaqabateynta hubka, balse Somaliland iyo Puntland ay u arkaan "dalal madaxbanaan".

Bishii Nofembar ee sannadkii 2018-ka, Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa xirtay tobanaa shaqaale oo ka tirsan shirkadaas hubka soo saarta, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waxaa ay khubarada intaa ku dareen in bishii Febraayo ee sanadkan 2019-ka aysna wax hub ah geynin Soomaaliya, wixii intaa ka dambeeyana shirkadda la hoos geeyay wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Sadarka 6aad ee qaraarka golaha ammaanka ee Qraamad midoobay oo tirsigiisu yahay 2182 soona baxay sannadkii 2014-ka ayaa looga codsaday hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya in ay diiwaangeliyaan oo ay meel ku ogaadaan dhamaan qalabka ee loo keeno, taas oo qeyb ka ah hawlgalka wax iska caabinta iyo in ay fududeeyaan kormeerka kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, kahor inta aanan hubkaas la geynin gudaha Soomaaliya ama aanan la burburiin.

Khubaradan Qaramada midoobeey ayaa dalbaday macluumaadka la xiriira lix jeer oo Al-Shabaab ay hub ka qabsatay iyo rasaas shanti sano ee la soo dhaafay.

Inkastoo ay muujiyeen in ay iskaashi kala sameyn doonaan ayaa haddanaa warbixinta waxaa lagu shegay in ay la wadaageen macluumaadka mid ka mid ah weerarrad hubka lagag furtay.

Waxaa sidoo kale AMISOM laga dalbaday in ay hirgeliso wajibka arrintan ka saaran, oo ay ka mid tahay in dhamaan saldhigyadood ay geeyaan buugaag lagu diiwaangeliyo hubka

Inkastoo buugaagtaas la geeyay xarun walba oo AMISOM ah, hadana kooxda waxay sheegtay in aanan lagu qorin macluumaadkii loo bahnaa.

Lahaanshaha sawirka Getty/AFP

Khubaradan UN-ka waxaa kale oo ay shegeen in ay fahamsan yihiin in siyaasad qabyo qoraal ah oo ku saabsna hubka ay AMISOM ka soo furato kooxaha kale haatan uu sugayo in ay meel mariyaan Midowga Afrika.

Isweydaarsiga xogta ee AMISOM dhexdeeda oo la wanaajiyo ayaa warbixinta lagu sheegay in ay sare u qaadeyso awooda ay kooxad khubarada u leedahay halka ay ka yimaadaan hubka iyo qalabka gacanta ugu jira Al Shabaab, sidoo kalena waxay kooxda ka caawineysaa soo jeedinta ay u gudbinayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan sidii loo yareyn lahaa helitaanka Al-Shabaab ee hubka iyo wixii la midka ah.

Saldhiga milateri ee Imaraatka uu ku leeyahay Berbera

Warbixinnadii 2017 iyo 2018 ee Kooxda lasocodka xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa lagu sheegay: "dhismaha saldhigga militari ee Imaaraatka uu ka dhisanayo berbera in uu carqalad ku yahay cuna-qabateynta hubka".

Guddiga khubarada ah "wuxuu ogaaday in Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uu si joogto ah u diiday in uu jawaab wax ku ool ah ka bixiyo su'aalihii Korjoogtada Qaramada Midoobey ay ku dalbadeen macluumaadka dhabta ah ee qalabka la geeyay iyo qandaraaska maamulka saldhigga".

Guddiga oo sheegay in ay booqdeen Somaliland, bishii February ee 2019, waxay tilmaameen in "la diiday dalalbkoodii ahaa in saldhigga ay tagaan".

Muuqaallo dayax-gacmeed oo la qaaday bishii September ee 2018 iyo bishii August ee 2019, waxay muujiyaan in dhismaha saldhigga militari uu si aan cadi ahayn ku socdo, sida dhameystirka waddada diyaaradaha iyo dib u habeynta qalabka difaaca.

Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, weli kama aysan halin warbixintan Golaha Amniga loo gudbiyay ee ka hadleysa cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan