Arday reer Congo ah: ‘Raashinka ayaan iska daayaa si aan u iibsado khadka internet-ka'

Rag isticmaalaya telefoonnada gacanta Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bonheur Malenga, oo ah arday jaamacadeed oo u dhashay waddanka Congo, ayaa is arkay maalin ka mid ah bishii lasoo dhaafay isagoo ka labalabeynaya inuu iibsado khadka lagu isticmaalo adeegga internet-ka.

"Maadaama aan gaajeysnaa, waxaa ii furneyd hal waddo oo ah inaan raashin iibsado ama inaan helo khad internet ah oo aan isticmaali karo 24 saacadood", ayuu ku yiri BBC-da.

27 jirkan oo baranaya cilmiga injineernimada ayaa dhaqaale ahaan ugu tiirsan waalidiintiisa - laakiin kharash ka badan sida caadiga ah ayuu isticmaali jiray, maadaama uu sameynayay cilmibaaristiisa sanadka ugu dambeeya ee Jaamacadda.

Wuxuu ku nool yahay magaalada Kinshasa, oo ah caasimadda Koongada Dimuqraaddiga ah, halkaasoo celcelis ahaan 26% ka mid ah dakhliga bishii dadka soo gala ay ku isticmaalaan helitaanka adeegga internet-ka ee lagu shubto telefoonnada.

"Anigoo nafteyda la hadlaya ayaan isdhahay inaad gaajo ku joogtid hal habeen iyo hal maalin kuma dhimaneysid. Sidaas darteed waxaan iska iibsaday khadka, waana iska seexday anigoo ay caloosheyda maran tahay", ayuu yiri Bonheur.

Mr Malenga ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiis ay wajahayaan labalabeyntaasoo kale.

DR Congo(Koongada Dimuqraaddiga ah) ayaa loo aqoonsaday inuu yahay waddanka ugu internet-ka qaalisan guud ahaan caalamka, sida lagu xusay warbixin ay sanadkan 2019-ka soo saartay hay'ad qiimeysa helitaanka adeegga internet-ka.

Hay'addan ayaa kharashka internet-ka ee uu qof walba xamili karo ku qeexday inuu yahay 2% ka mid ah dakhliga bishii oo uu qofku ku bixiyo 1GB.

'Maamulaha meheradda internet-ka laga isticmaalo ayaa qaatay kabaheygii'

Dhinaca kale ee waddanka, Eric Kasinga oo jooga meel in ka badan 2,000km (qiyaastii 1,240 miles) u jirta caasimadda Kinshasa, ayaa soo xasuustay xaalad ceeb badan oo ku dhacday dhowr sano ka hor.

Sida ay sameeyaan dad badan oo kale oo ku nool magaalada Bukavu, wuxuu tagay meherad laga isticmaalo adeegga internet-ka, si uu khadka u galo. Wuxuu jaamacad ka codsanayay waddanka Netherlands.

"Waxaan dareemay ceeb aad u weyn, taasoo aysan ahayn inuu qofna u galo sabab la xiriirta internet-ka", ayuu yiri.

"Xawaaraha internetka ayaa aad u hooseeyay, diiwaangalintii jaamacadda ayaana igu qaadatay 3 saacadood, halkii ay ka noqon lahayd 1 saac", ayuu yiri.

Laakiin wuxuu heystay lacag ku filan 1 saac oo kaliya.

Arrintii ayuu u sharraxay ninkii maamulka ka ahaa meheradda, isagoo rajeynayay in loo oggolaan doono inuu lacagta dib ka keeno.

Hase ahaatee, maamulihii ayaa billaabay inuu ku qeyliyo, isagoo dhahaya: "Internet-ka looguma talagalin dadka saboolka ah".

Si uu kharashka uga helo, maamulihii ayaa ka siibtay kabihii uu xirnaa Mr Kasinga, wuxuuna ku khasbay inuu kabo la'aan lugeeyo masaafo aad u dheer.

"Waxaan dareemay ceeb weyn", ayuu yiri.

Ninkan aqoon-raadiska ahaa, oo hadda ka shaqeeya hay'ad u doodda xuquuqda xayawaanka, ayeysan mar dambe u suurtagalin inuu sii texraaco codsigiisii jaamacadda. Wuxuu isku dayay inuu isbuucaas dabayaaqadiisii dib usoo qaato kabihiisii, laakiin maamulihii meheradda internet-ka ayaaba goor hore sii iibiyay.

Image caption In la helo internet waxaa bishii July ee 2016 loo aqoonsaday mid ka mid ah qodobbada xuquuqda aadanaha ee ku xusan xeerka Qaramada Midoobay

DR Congo waa waddanka afaraad ee ugu shacabka badan qaaradda Afrika, dhul ahaan wuxuu la egyahay saddex meelood hal meel oo ka mid ah galbeedka qaaradda Yurub, waana waddan qani ku ah macdanta laga sameeyo telefoonnada casriga ah.

Haddana sidaas oo ay tahay, muwaadiniinta dalkaas waxaa aad ugu adag inay helaan adeegyada aasaasiga ah, sida caafimaad sax ah, biyo la cabo iyo koronto.

Dhankooda, in la helo adeegga internet-ka, oo bishii July ee sanadkii 2016-kii ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay xuquuq aasaasi ah, waxay ka tahay nolol heer sare ah oo aan la gaari karin.

Waaxda isgaarsiinta ee Congo ayaa dadka hela adeegga internet-ka ku qiyaastay kaliya 17% oo ka mid ah shacabka waddanka.

Kodjo Ndukuma, oo ah khabiir ku takhasusay xuquuqda adeegyada casriga ah, kana tirsan jaamacadda Kinshasa ee Université Pédagogique Nationale (UPN), ayaa sheegay in saddex arrimood oo waaweyn ay sabab u yihiin qiimaha sarreeya ee internet-ka.

1. Ma jiro qof og qiimaha saxda ah ee uu u qalmo

"Go'aaminta qiimaha waxaa loo cuskadaa inta ay la egtahay maalgalinta ay sameyso shirkadda isgaarsiinta, taasoo ku xiran inta ay la egtahay tirada dadka ah ee ku xiran", ayuu yiri.

"Maadaama aysan dowladda qiimo xaddidan sameynin, shirkaduhu waxay xor u yihiin inay sidey doonaan ka yeelaan qiimaha", ayuu yiri Barfasoor Kojdo.

2. Tartan la'aan ka jirta suuqa

Tirada dadka adeegga isgaarsiinta isticmaala oo badan iyo tirada shirkadaha bixiya adeeggaas oo hooseeyay sannado badan, ayaa meesha ka saartay tartankii suuqa.

"Waxa kaliya ee jira waa in shirkadaha faro ku tiriska ah ay ku heshiiyeen qiime cayiman, mana jirto cid ka hor istaagi karta", ayuu yiri Barfasoor Kojdo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay markii ay bishii April, 2016 shirkadaha isgaarsiinta ee Congo ku heshiiyeen inay qiimaha sare u qaadaan 500%.

3. Canshuur xad-dhaaf ah

"Shirkadaha Isgaarsiinta waxay bixiyaan canshuuro kala duwan oo ah heer qaran, heer gobol iyo mararka qaar heer maxalli ah", ayuu yiri barfasoorka.

"Iyaguna waxay lacagta sii dul saaraan macaamiishooda".

Dowladda ayaa wajaheysa cadaadis xooggan, ka dib markii ay dhaceen mudaharaadyo ay sameeyeen urur dhalinyaro ah oo loo yaqaanno La Lucha.

Intii u dhaxeysay bilihii March iyo October, kooxdaas ayaa qabatay 11 mudaharaad oo ka kala dhacay guud ahaan waddanka, iyagoo dalbanayay in hoos loo dhigo qiimaha adeegga internet-ka.

"Mas'uuliyiinta sharciyeynta oo aan la kulannay ayaa noo sheegay inay jiraan sharciyo xaddidaya faragalintooda iyo tallaabooyinka ay ka qaadi karaan shirkadaha isgaarsiinta", sidaas waxaa yiri Bienvenu Matumo, oo ka tirsan ururka La Lucha.

Goobaha kale ee BBC-da