9 jirka noqonaya qofkii ugu da'da yaraa dunida ee jaamacad ka qalinjabiya ayaa ka hadlaya sida ay ugu suurtagashay

Bisha soo socota ayuu jaamacad ka qalin jabinayaa wiilka yar ee Laurent Simen Lahaanshaha sawirka EVN

Laurent marka uu dugsiga hoose galayey wuxuu ahaa afar jir. Hase yeeshee carruurta ay isku da'da yihiin iyaga oo aan dugsi sare dhammeynin ayuu Laurent jaamacad ka qalin jabinayaa.

Lix sano markuu jiray ayuu dugsi sare ku biiray, waxbarashada dugsiga sare ee ku qaadan lahayd lix sano wuxuu ku dhammeeyey 18 bilood.

Wiilkan yar marka uu muddo 6 bilood ah nastay wuxuu ku biiray jaamacad.

Laurent oo jaamacadda ku biiray sideed bilood ka hor, wuxuu ka qalin jabinayaa sagaal bilood kaddib wuxuuna ku qalinjabinayaa shahaadada koobaad ee cilmiga Injinineeriyadda Korontada (Electrical Engineer).

Wiilkan yar isaga laftiisa ma garanayo sababta keentay inuu sagaal bilood waxbarashada Injineerka Korontada uu kaga qalin jabiyo.

Wareysi uu BBC-da siiyayna wuxuu ku yiri: "Ma garanayo sababta guushan ii hoseedday".

Laurent isaga oo adeegsanaya teknooloojiyadaha casriga ah wuxuu jecel yahay inta badan inuu baaritaan ku sameeyo sida uu dadka u caawin karo.

Qalinjabintiisana wuxuu u allifay qalab sahlaya in la cabbiro dhaqdhaqaaqa maskaxda carruurta.

Lahaanshaha sawirka Laurent Simons

Laurent oo ka soo jeeda qoys Dhakhaatiir caafimaad ka kooban wuxuu qorsheynayaa shahaadadiisa seddexaad inuu ka dhigo dhakhtarnimo.

"Waxaan ku hamminayaa inaan sameeyo xubnaha jirka bani aadamka oo macmal ah, sida wadnaha, kalliyaha waxyaaba lagu baddali karo ama cimrigooda lagu dheereyn karo".

Wiilkan maskaxda qeyrul caadiga ah leh waxaa koriyey ayeydii iyo awoowgii,.

"Waxaan ogaannay in wiilkan yar uu hal abuur la yaab leh leeyahay", ayuu yiri aabbihii Alexander Simen.

Lahaanshaha sawirka Laurent Simons

Laurent marka uu waxbarashada dugsiga hoose billaabayey waxay macallimiintiisa qoyskiisa u sheegeen inuu yahay arday yaab leh.

Waxayna waaliddiintiisa isku dayayeen sababta keentay inuu wiilkan noqdo mid aad u maskax badan.

Waxaa aad u sarreysa awoodda xifdineed ee maskaxda wiilkan yar, marki cabbir lagu sameeyey awoodda qabashada maskaxdiisa (IQ) waxay noqotay 145, wuxuuna aad u jecel yahay maaddooyinka Xisaabta iyo Saayniska.

Waxay macallimiintiisa iyo waaliddiintiisaba isku raacen inuusan aad u xiiseynin luuqadaha.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Hal abuur da'yarta qurba joogta ah ku fahansiinaya suugaanta qaab ay fahmi karaan

"Isniinta casharrada caadiga ah marka uu fasalka ku qaato Talaadada wuxuu casharki la tagayaa qaybta Sheybaarka hal abuurka. Guriga marka uu tagana wuxuu akhrisanayaa 8 saacadood oo xiriir ah. Khamiistana macallinka ayuu codsi u gudbinayaa Jimcahana imtixaan ayaa laga qaadaa", ayuu yiri aabbihii oo xaaladda wiilkiisa ka warbixinayay.

Ardayda kale iney casharrada noocaasi ah xifdiyaan waxay ku qadaneysaa 9 - 12 usbuuc isagana wuxuu ku dhammeynayaa shan malmood oo keli ah.

Ardayda ay Laurent isku fasalka yihiin laba jibbaar ayey da' ahaan ka ka weyn yihiin, sidaa darteed wuxuu waxbarashada si gaar ah ugu qaataa fasal kale oo isaga si gaar ah loogu diyaariyey.

Lahaanshaha sawirka Laurent Simons

Aabbihiina wuxuu sheegay sida carruurta la da'da ah malaha wakhti uu ku ciyaaro, qoyskiisana wax cadaadis ah ma saaraan.

Bartiisa Instagram waxaa ku taxan oo taageero 35,000 oo qof. Wuxuuna saaxibbadii uu u sheegaa inuu Telefishin wareysi uu la yeeshay.

Ugu dambeyntiina wuxuu aabbihii yiri: "Laurent wax kasta oo uu yiraahdo waan sameynayaa weligii isaga oo aan samen ma joogin".