Kenya ma waxay dhiseysaa buundooyin aan jiho lahayn?

Mid ka mid ah taageerayaasha mucaaradka oo booliska ku wajahaya mudaharaad xilligaas ka socday Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qalalaase ayaa billowday markii ay soo baxeen natiijooyinkii doorashadii Kenya ka dhacday sanadkii 2017-kii

Musalsalkeenna aan ku magacownay Warqadaha laga soo qoray Afrika, ayuu wariye Waihiga Mwaura diiradda ku saaray su'aal ku saabsan in buundo loo sameyn karo kala qeybsanaanta Kenya.

Kow iyo labaatan bilood ka hor, hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ahaa siyaasiga ugu weyn ee ay iska soo horjeedeen, ayaa isgacan qaaday.

Waxay si dhab ah iskugu salaameen warbaahinta hortooda, waxaana tallaabadaas loo bixiyay magaca ah "isgacanqaadkii".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isgacanqaadkii dhexmaray Kenyatta (bidix) iyo Raila Odinga (midig) wuxuu soo afjaray ismariwaa siyaasadeed oo taagnaa

Arrintaas ayaa soo afjartay xiisado iyo muran siyaasadeed oo salka ku hayay natiijadii doorashada madaxweynaha, taasoo mar walba abuureysay kalaqeybsanaan uu dhiig ku daato oo ka dhacda Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay inay si wadajir ah u xalliyaan dhibaatada keeneysay xasilooni darrada.

Howshan, oo lagu magacaabay hannaanka dhistaanka buundooyinka(BBI), ayaa lagu eegay sagaal arrimood - oo ay ka mid yihiin colaadda qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo maamul wadaagga - waxaana la aaminsan yahay inay kuwaas yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ay Kenya wajahday tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay sanadkii 1963-kii.

'Wax-barista waalidiinta'

Ka dib markii muddo 18 ah lagu wareegayay waddankan ku yaalla bariga Afrika, guddigii loo xilsaaray BBI-du waxay soo saareen warbixin lagu muujiyay natiijada soo baxday iyo talooyin la socday.

Mr Odinga ayaa munaasabad lagu daahfurayay warbixinta laga soo diyaariyay BBI-da ka sheegay in ka hor inta aan howshaas la billaabin uu waddanku qarka u saarnaa inuu ka dhaco gabi dheer.

Madaxweynaha oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri: "Waxaan ku jirnay xaalad aad u xun, waddan ahaan. Qaar ka mid ah bulshooyinka meel walba way kasoo xirantay".

Labadan hoggaamiye ayaa soo dhaweeyay warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga BBI-da.

Qaar ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee lagu soo jeediyay BBI-da:

  • In maamulka waddanka lagu soo daro xilka Ra'iisul Wasaaraha, si awood qeybsi loo helo
  • In 47-ka ismaamul ee Kenya la siiyo miisaaniyad ka badan tii ay horay u heli jireen, si loo sii ballaariyo dadaallada horumarinta
  • In la sameeyo gole wasiirro oo ay howshoodu tahay inay dabagal ku sameeyaan golaha wasiirrada ee xukuumadda qaran
  • In dadka soo gudbiya macluumaadka musuqmaasuqa la siiyo 5% ka mid ah hantida la dhunsanayay ee gacanta lagu soo dhigo

Soo jeedin kale oo ku jirtay talooyinka warbixinta ka koobneyd 156-da bog ayaa ahayd in waalidiinta loo sameeyo waxbarasho ku saabsan hannaanka fiican ee waalidnimada, "taasoo loo sameynayo dhammaan waalidiinta cusub, si ay u ogaadaan sida saxda ah ee loo koriyo carruurta iyo caawintoodaba".

Dadka qaarkiis ayaa soo dhaweeyay talooyinkan, waxayna ku tilmaameen kuwo mideynaya waddanka, dibna loogu dhisayo qaranka.

Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in warbixintaas aysan taageerin in canshuuraha lagu kordhiyo shacabka, sida horayba looga cabsi qabay.

'Saacadaha dheeriga ah ee shaqada waxba lagama qabanin'

Laakiin warbixintaas ayaa dhanka kale looga soo horjeestay qodobbada qaar.

Dadkii cambaareeyay qaarkood ayaa sheegay in markii uu dhacay qalalaasihii doorashadii 2007-dii la soo saaray warbixinno kala duwan, guddiyadii loo xilsaarayna ay eegayeen waxyaabaha sababay qalalaasaha, iyagoo farta ku fiiqay dhulalka sharcidarrada lagu heysto iyo sidoo kale dambiyada la xiriira dhaqaalaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Shaqaalaha Kenya, gaar ahaan waardiyeyaasha ayaa shaqeeya saacado badan, iyagoo mushaar yarna qaata

"Maxaa boorka looga jafi waayay warqadihii hore intii lacag dhan 10bilyan oo doolar lagu bixin lahaa soo saarista warbixin cusub", sidaas waxaa yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Patrick Munene.

Warbixintan ayaa timid xilli ay dowladdu wajaheysay dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah - wasiirka maaliyadda ayaana qorsheynayay barnaamijyo lagu yareyn karo kharashka la isticmaalo.

Wariyaha BBC-da waxaa si gaar ah u saameeyay dareenka uu muujiyay nin ka mid ah waardiyeyaashii xarunta lagu qabtay munaasabaddii lagu soo bandhigay warbixinta BBI-da.

Ninka waardiyaha ah ayaa wariyaha weydiiyay inuu u sheego waxa ay ka hadashay warbixintu, si kooban ayuuna ugu sharraxay.

Markaas ka dib ayuu ka cawday in dhammaan waxyaabaha uu maqlay aysan ku jirin sidii loo xallin lahaa caqabadda markaas isaga heysatay - oo ah in uu saacado badan shaqeeyo(12 saacadood, 6 bari isbuucii), mushaar aad u yarna la siiyo.

"Shaqo mushaarkeeda uu yahay $131 doolar waxaa lagu helaa si dhif ah, goobaha qaarna waa lagu ciqaabayaa haddii aad shaqada uga maqnaatid xanuun", ayuu yiri

Mucaaradka arrintoodu waa sidee?

Daahfuritaanka rasmiga ah ee warbixinta BBI-da ayaa sababay su'aalo badan oo la iskaweydiinayay sida uu yahay hannaanka dimuqraaddiyadda ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu aad ula faraxsanaa Mr Odinga, uuna ula sheekeysanayay si ka badan sida uu ula sheekeysanayay xubnaha xisbigiisa gaarka ah - taasina waxay dhalisay su'aalo badan oo mar kale la galinayo halka uu maray codkii mucaaradka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Uhuru iyo Raila ayaa si wadajir ah uga qeyb galay daafhurkii warbixinta BBI-da

Muddo sannad gudihiis ah, oo ku wakhtiyeysan markii ay isgacan qaadeen labada hoggaamiye ee ugu waaweyn siyaasadda Kenya, dad badan waxay aaminsan yihiin inuu meesha ka baxay islaxisaabtan badan oo horay u jiray.

Tusaale ahaa, waxaa arrimaha aan meesha ay ku dambeeyeen la ogeyn ka mid ah musuqmaasuqii uu soo bandhigay guddoomiyaha bangiga dhexe ee lagu eedeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, kaasoo xilkiisa ku waayay arrimahaas dartood.

Markii uu madaxa caddaaladda horaantii bishan ku eedeeyay dowladda inay si ula kac ah cadaadis ugu saareyso "yareynta miisaaniyaddooda", hoggaamiyeyaasha siyaasaddu way ka gaabsadeen inay arrintaas ka hadlaan.

Markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in bangiga dhexe ee dhiigga uu ka sii dhammaanayo keydka dhiigga, dowladdana lagu dhaliilay inay iibisio, ma jirin siyaasiyiin ka tirsan garabka mucaaradka oo baaritaan ku dhaqaaqay.

Talooyinka lagu soo jeediyay BBI-da waxaa horyaalla waddo dheer, ka hor inta aan la dhaqan galinin, waxaana xitaa laga yaabaa in afti qaran loo qaado.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

Goobaha kale ee BBC-da

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

BBC-du mas'uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda