Idris Elba ayaa la siiyay dhalashada waddanka Sierra Leone

Idris Elba Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Idris Elba wuxuu sheegay in dhalashada ay tahay "sharaftii ugu weyneyd ee uu heli karay"

Jilaaga caanka ah ee reer Britain, Idris Elba ayaa la siiyay dhalashada waddanka uu kasoo jeedo aabihiis ee Sierra Leone.

Xiddiggan ayaa Arbacadii ka dagay magaalada caasimadda ah ee Freetown, waana safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagay waddankaas.

Elba ayaa wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Umaru Fofana ku yiri "in dhalasho la iga siiyo waddankeyga waxay ii tahay sharaftii ugu weyneyd ee aan heli karay".

"Ma ihi nin ku cusub Afrika: Waan imaan jiray Afrika, guulo ayaan u horseeday Afrika, laakiin Sierra Leone waa waddan dareen gaar ah igu leh oo ay waalidiinteyda kasoo jeedaan", ayuu yiri.

"Soo dhaweynta la ii sameeyay waxay ahayd mid cajiib ah, waxaana aad ugu farxay horumarka ay sameyneyso Sierra Leone".

'Filimada iyo Afrika'

Atooraha jilay filimkii musalsalka ahaa ee la magac baxay "The Avengers" ayaa sheegay inuu damacsan yahay sidii uu maalgashi uga sameyn lahaa waaxda dalxiiska ee Afrika, laakiin wuxuu sidoo kale ka hadlay inuu filimadiisana ka shaqeyn doono sidii uu Afrika ugu xoojin lahaa.

"America ama England kaliya hoy uma noqon karaan hammigeyga. Afrika ayaa hoy u noqon karta riyadeyda, waxaana jeclahay inaan howlaheyga halkan ka billaabo, sidaana kuma sameyn karo America", ayuu yiri.

Elba wuxuu ku dhashay magaalada London bishii September ee sanadkii 1972-kii. Aabihiis oo geeriyooday wuxuu kusoo koray Sierra Leone, hooyadiisna waxay kasoo jeeddaa waddanka Ghana.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Idiris Elba ayaa markii ugu horreysay tagay waddanka uu aabihiis kasoo jeedo

Wargeyska People magazine ayaa sanadkii 2018-kii waxa uu Elba ku tilmaamay ninka ugu soo jiidashada badan caalamka.

Waxaa aad loogu ammaanaa sida cajiibka ah ee uu u jilo filimadiisa.

Horay wuxuu sidoo kale u matalay Nelson Mandela, mar uu ka qeyb qaadanayay filim looga hadlayay taariikhdii xornima doonka.

Elba waxaa kale oo uu atoore ka noqday filimo dhowr ah oo ay sameysay shirkadda Netflix , sida: child soldiers, Beasts of No Nation oo lagu duubay waddanka Ghana.

Dalka Sierra Leone burburiyay dagaallo sokeeye oo ka dhacay intii u dhaxeysay 1991 iyo 2002.

Sidoo kale intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016, ku dhawaad 4,000 oo qof ayaa ugu dhimatay cudurka Ebola oo ka dillaacay, kaasoo burbur xoog lehna u geystay dhaqaalaha dalkaas.

Mowduucyada la xiriira