Wiilal u dhintay gudniin oo sababay in iskuullo la xiro

Gabar yar oo wajiga wax cad marsatay Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dowlada Koonfur Afrika ayaa xayirtay dhowr dugsi oo ay toddobaadyadi ugu dambeeyey wiilal ugu dhinteen gudniin iyaga oo ka qayb qaadanayay munaasabad ay iskuulladaas qabtaan sannadkasta.

Golaha diinta iyo dhaqanka ee dalkaas ayaa sheegay in dugsiyo waxbarasho oo ku yaalla Bariga Cape la xariyo sannado badan.

Wuxuu goluhu amar ku bixiyey ciddi masuulka ka ahayd dhimashada 20-kaa wiil ee ugu dambeeyey in la soo xiro.

Dadka gudniinka lagu sameeyo waxaa lagu hayaa deeganno miyi ah oo xaaladdooda aad u liidato.

Dadku Koonfur Afrika maxay isu gudaan?

Sannad walba tobannaan kun oo dhalinyaro ah oo da'doodu u dhaxeyso 15-17 sano jir, ayaa lagu hayaa goobo gaar ah oo miyiga ku yaalla waxayna bulshooyiinkaas aaminsan yihiin sida uu qofka ula qabsan lahaa bulshada, qof adagna uu u noqon lahaa.

Xaqiiqadu waa eegidda waxa ka dhaca goobaha sida qarsoodida ah carruurta loogu hayo.

Ukwaluka ama dhaqankan soo jireenka ah, waxaa loo arkaa inuu yahay qayb muhiim u ah nolosha wiilasha dhalinyarada ah ay soo maraan si ay u noqdaan qof dhammeystiran, waxaana caadooyiinka noocaasi ah aaminsan qowmiyadaha waaweyn ee dalka Koofur Afrika oo ay ka mid yihiin Xhosa iyo Ndebele.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dhalinyarada ka qayb qaadata dhaqanka ay qowmiyaddan leedahay, marka ay guriyahooda ku soo noqonayaan waxaa lagu soo dhaweyaa farxad iyo damaashaad ay u sameeynayaan bulshada iyo qoysaskooda.

Waxaana soo dhaweyntaas ay astaan u tahay inuu ninka dhalinyarada ah ee marxaladdaas ka soo gudba uu u gudbay nin dhammeystiran.

Balse mararka qaar dhaqamadaas ayaa siyaabo khaldan lo fuliyaa, oo waxaa dhacda iney dhalinyarada qaarkood ay gudniinka iyo darxumo kale oo ay la kulmaan ay u geeriyoodaan.

Sannadki hore waxaa isbitaallada loola cararay boollaal dhalinyara ah waxaana laga daweeey dhibaatooyinka xubinka taranka ka soo gaaray xilliga la gudayey, dhiig bax iyo xanuunna kale oo gudniinka la xiriira.

Maxaa gudniinka muddo gaar ah loogu qabtaa maxaase dhaca?

Munaasabadaha gudniinka wiilasha ee Koonfur Afrika waxay dhacaan laba xilli oo ku beegan bilaha June iyo December. Sababtu waxay tahay in iskuullad waxbarashada ay fasax yihiin, waxayna hawsha ku qaadata muddo bil ah.

Wiilasha yaryar ee qowmiyadda Xhosa oo da'doodu ay gaarto 15-17, qoyskooda waxay u diyaariyaan goobihi howlaha dhaqamiga ay ka dhici lahaayeen halkaasi oo ay gacanta ku hayaan "ingcibi" oo ah dhakhtarka dhaqameed ee gudniinka sameeya iyo "ikhankatha" oo ah kalkaaliso dhaqameed.

Gudniinka iyo Konfur Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty Images
  • In ka badan 400 oo wiil ayaa 2012-ka Koonfur Afrika u geeriyooday gudniinka
  • Xilliyada gudniinka nocaas ah la fuliyo waa June (xilliga jiilaalka) iyo December (xilliga xagaaga ah).
  • Tobannaan kun oo wiil ayaa sannad walba dhul miyi ah lagu gudaa iyada oo ay gudniinka sameeyaan dhaqaatiir dhaqameed
  • Wiilal ka badan 100 ayaa bishi June ee sannadkan, laga soo badbaadiyey goobihi sida gaarka ah gudniinka looga sameeyey
  • Dhiig bax, Nafaqa darro iyo dhaawacyo gudniinka ka soo gaara ayaa mararka qaar keena iney wiilal badan u dhintaan.

Xigasho: Waaxda Iskaashiga Dowliga iyo Arrimaha dhaqanka

Dhakhtar-dhaqameedka wuxuu filyaa gudniinka; kalkaalisadana waxay ku shaqo leedahay dabagalka xaaladda qof weliba iyo cunnadooda.

Haddii ay carruur u dhimanayaan maxaa caadadan loo mamnuuci waayey?

Gudniinka dhaqanka ah ee Koonfur Afrika aya waa mid ay jiilal badan ku soo dhaqmayeen, wuxuuna u yahay dhaxal. Waxay bulshadu u aragtaa inuu dhaqan iyo caado soo jireen ah yahay.

dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay mid xilliga lagu soo dhaqmi jiray laga soo gudbay isla-markaana uu yahay dhaqan halistiisa leh. dastuurka Koonfur Afrika wuxuu dhigayaa in cid weliba ey xaq u leedahay iney meel mariso dhaqanka iyo caadooyinka soo jireenka ah.

Dhimashada maxaa sababa?

Inta badan dhimashada wiilasha gudniinkan lagu sameeyo waxaa keena dhiig bax, dhaawacyo gudniinka ka soo gaaro ka dibna sii xumeeya xaaladda caafimaad ee ka dhalata daryeel xumo iyo marka ay bukoodaan oo aysan helin adeeg caafimaad oo ku filan.

Bishi June iskuullo aan sharciyeysneyn oo ku yaallay Bariga gobolka Cape ayaa laga soo badbadiyey wiilal ka badan 100.

Dowladda maxay ula wareegi weyday gudniinka?

Xaruumaha caafimaadka ee ay dowladdu gacanta ku hayso waxay dhowaan billaabeen iney adeegga gudniinka wiilasha bixiyaan iyaga oo shacabka ugu soo bandhigyo fursad ay kaga maarmaan gudniinka dhaqameed oo halis badan, balse bulshada qaar ayaa u arko inay gudniinka casriga ah uu yahay mid laga soo min guuriyey reer galbeedka oo dhaqankooda lagu baabi'inayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Door kasta oo ay dowladda Kooonfur Afrika ka qaadato joojinta dhaqankaasna ma noqonin mid ay bulshada soo dhaweyso maadaamaa ay odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwa si weyn ay bulshada u maqasho isla-markaana ay si weyn weli ugu dhaggan yihiin dhaqankoodan.

Caadada gudniinka dhaqamiga ee dalka Koonfur Afrika looga dhaqmo ayaana noqon doono mid sii jira oo ay bulshada dalkaasi ku dhaqanto.

Iyada oo aan weli jawaabo ku filan loo helin su'aalaha faraha badan ee ka dhashay gudniinkaasi dhaqamiga ah aan jawaabo loo helin, dad badanna ay aaminsan yihiin iney wiilasha yaryar si fudu ku dhiman iyada oo la doonaya oo keli iney caadadaasi soo maraan si ay nin dhammeystiran ay u noqdan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan