Maxay u baahan yihiin reer Beledweyne ka dib fatahaadaha?

Fatahaadaha Beledweyne Lahaanshaha sawirka Getty Images/MOHAMED ABDIWAHAB

Dad badan oo ka barakacay fatahaadaha webiga Shabeelle ee Beledweyne ayaa weli ku nool xeryo cooshado ka sameysan.

Mid ka mid ah xeryaha dadkaas ay ku nool yihiin waa Ceel-Jeelle oo duleedka magaalada ah. "halkaan waxaa na keenay biyo aan kasoo qaxnay. Alle ayaa mahadsan, waan ku nabad galnay", ayey tiri mid ka mid ah haweenka weli barakaca ah.

Ku dhawaad labo bilood ayey ku suganyihiin xeradaas, waxayna wajahayaan duruufo nololeed oo ay ugu horeeyaan hooy la'aan, biyo yari iyo xaalado caafimaad.

"Ninkii noo soo gurmanaaya ma diideyno; walaalo nosoo gurmanayo ayaa tihiin. Umaddii ayaa farahii ka badatay, maxaaba na soo garaaya", ayey tiri hooyadaas weli ka maqan gurigeeda oo biyaha ay barakiciyeen.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobeey, fatahaadihii ku dhuftay Soomaaliya waxaa ku barakacay illaa nus milyan qof. Illaa 200,000 oo ka mid ah waa carruur.

"Dhibaatada jidadka iyo musqulaha gaartay waa mid aad u muuqata. Biyaha fatahaadda iyo musqulaha ayaa isku qasmay, waxaa sidoo kale aad u wasaqoobay ceelasha afka bannaan ee biyaha laga helayay", ayey tiri hay'adda MSF oo warbixin soo saartay bishii hore dhammaaddkeeda.

Hay'adda ayaa intaa ku dartay: "Waxaan aad uga walaacsan nahay in si aan caadi ahayn ay sare ugu kacaan tirada dadka ay malaariyada soo ridaneyso iyo in ay dillaacaan xanuunada biyaha ka dhasha, sida daacuunka".

"Dadaallo fudud oo isku xiran oo ay sameeyaan hay'adaha gargaarka iyo maamulka gudaha ayaa loo baahan yahay si loo sii wado abaabulidda gargaarka iyo xaqiijinta in gargaarka uu xilli fiican gaaro dadka ugu nugul ee u baahan."

Waxaa gabaabsi sii noqonaya gurmadkii dadkan lala gaaray markii fatahaada ay cusbeyd balse baahidooda waa mid sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa.

"Daashashkaan ayaa noo waaban alxamdulilah; baladkii waa ku noqonweynay," ayuu yiri Cumar Muumin Guure oo ka mid ah dadka ku nool xerada Ceel-Jeelle.

Hadda biyaha wey ka baxeyn inta badan Xaafadaha magaalada Baladweyne laakiin raadkii ay ka tageen fatahaadaha ayaa sabab u ah in dadka ay ku laaban waayeen guryahooda.

Cumar wuxuu yiri: "Magaalada biyihii weey ka laabteen lakiin waxey xaafadaha oo dhan ku reebeen wasaq, musqulaha wey naga dumeen, guryihii dib looguma noqon karo alxamdulilah haddana fatahaado kale ayaa laga sii baqaayaa."

Dadkan waxay sheegayaan in ay u baahan yihiin in laga caawiyo sidii ay guryahooda dib ugu dhisan lahaayeen iyo in wax laga qabto xaaladaha caafimaadka.

Hay'adaha ayaa u arka in muhiim ay tahay in si degdeg ah loo nadiifiyo biyaha wasaqoobay, waxna laga qabto xaaladaha nadaafadda Beledweyne, iyo in dadka ay helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan si looga hortago in xanuuno ay dillaacaan ama ay fidaan.

Hay'adaha gargaarka ka shaqeeya ee Qaramada Midoobeey ka tirsan waxay sheegeen in roobabkii xoogga badnaa ee ka da'ay dalka ay sababeen barakac aad u badan.

Beledweyne oo keli ah waxaa ka baracakay illaa 270,000 oo qof, waana mid ka mid ah magaalooyiinka ay biyaha sida ba'an u saameeyeen.

Sameynta kuma koobna xaafadaha magaalada oo kaliya, balse inta badan goobaha waxbarshada iyo caafimaadka ayaa wali xiran.

Xarumaha ay biyaha saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ahaa cisbitaalka guud ee magaalada, iyo xarumaha caafimaad ee gaarka loo lahaa.

Hadda dadka qaar waxay ka baqayaan marxalad ka adag tii hore, iyo in dadka ku nool duleedka magaalada ay la daalaa dhacaayaan helida biyo iyo cuno ku filan.

Biyaha cisbitaalka galay waxay gaareen illaa hal mitir oo joogga dhismaha ah. Waxa keliya ee badbaaday wuxuu ahaa qeybta qalliinada oo goob yara taag ah ku yaalla.

Muddo kooban waxaa hakad galay in cisbitaalka lagu qaabilo dadka xanuunsan ee dawada u baahan. Korontadii ka maqnaydna waxay sababtay in dawada qaar ay halowdo.

MSF waxay bil ka hor sheegtay in "Heerarka nafaqo la'aanta ay sare u keceen ka hor fatahaadaha, ka dibna ay xaaladda ka sii dartay."

Sidoo kale "waxay doonayaan in ay dib u dhistaan guryihii ka dumay ama biyaha ay nugleeyeen iyo musqulaha ay fatahaadu saameysay.

Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey waxay sheegayaan in wali ay sugayaan $47.5M oo dollar oo ka mid aheyd $72.5M oo loogu tala galay in looga jawaabo fatahaadaha Soomaaliya.

Image caption Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale

laakiin Maamulka deegaanka ayaa qaba in hey'adaha ku dadaaleen sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada fatahaadaha Beledweyne ku soo noqnoqotay.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale, ayaa yiri: "Dhibaatadii way dhacday, hadii aan wax laga qaban oo xal waara aan la helin way soo noqoneysaa sannadkaa kiisa kale".

"Adduunyada ceeb ayey ku tahay in markaste malayiin dollar oo degdeg ah lagu bixiyo arrin ay ku filan tahay dhowr milyan", ayuu hadalka ku sii daray.

Jidadka oo burbursan iyo xaaladaha amniga aawadood meesha keli ah ee gargaarka lagu gaarsiin karo Beledweyne waa garoonka diyaaraha oo isagana mar walbo oo roob uu da'o xirmo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan