Ka hadalka sixirka muxuu u baddelaa shucuurta dadka Nigeria?

Sxirooleyaasha Afrikaanka ah waxay sixirka u adeegsanadaan qeybo ka mid ah xayawaanka iyo bini'aadamka
Image caption Sxirooleyaasha Afrikaanka ah waxay sixirka u adeegsanadaan qeybo ka mid ah xayawaanka iyo bini'aadamka

Weriyaasha reer Nigeria iyo qoraa Adaobi Tricia Nwaubani ayaa soo werinaya sida ay mowduucyada sixirka u baddelaan shucuurta dadka dalkaas.

Caro badan ayaa ka dhalatay markii bishii la soo dhaafay ay Jaamacadda Nigeria ku dhawaaqday iney qabanayso shir ku saabsan sixirka.

Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ardeyda ayaa billaabay dibedbaxyo ay ku dalbanayeen in la joojiyo munaasabaddaas.

Qowmiyad kasta oo ku nool dalkaas Nigeria waxay magacyo gaar u bixiyaan ragga iyo haweenka la aaminsan yahay iney xiriir la leeyihiin sixirooleyaasha si ay dadka kale u dhibaateeyaan.

Dalka Nigeria waxaa ka jira sharci mamnuucaya sixirka, oo qofki lagu helo dambigaasna uu muteysanayo ciqaab xabsiyeed inkastoo wararka laga soo tabiyo sixirka ay kala duwan yihiin, inta badan warbaahinta ayaa soo tabisa dadka lagu soo eedeeyo sixirka in la jirdilo amaba la dilo.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay cambareeyaan dilka loo geeysto dadka sixirka lagu soo eedeeyo sababtoo ah waxay sheegayaan in la dilo carruur iyo haween oo aan waxba galabsan.

Waxyaabaha sixirka laga aaminsan yahay ee Nigeria

  • In awoodda sixirka ay habeenkii duusho ayna gaari karto meelo fog-fog
  • In sixirka uu bini'aadamka u badali karo xayawaano, shibiro iyo yaxaas
  • Inuu sababo dhimasho deg-deg ah iyo cudurro
  • Inuu keeno dabeylo xog badan,abaar iyo musiibooyin kale

Bilowgii sagaashameeyadii, magaalada Benin ee goobolka Edo waxaa lagu qaban rabay shir caalami ah oo sixirka ku saabsan kaasi oo la filayay iney ka soo qeyb galaan 10,000 oo sixirooleyaal ah oo kala socday dunida daafeheeda.

Baadari Benson Idahosa ayaa telefishinka qaranka ka sheegay in la joojiyo shirka sixirooleyaasha ee xilligaasi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxaana ugu dambeyntii la joojiyay shirkaas, wuxuuna baadari Idahosa sheegay in sixirooleyaasha caalamiga ah ay usuuro geli weysay iney helaan dal ku galka ama fiisaha Nigeria, iyada oo dowladdii uu xilligaas hoggaaminayay milatariga ka dhaadhiciyay inuu safaaradaha Nigeria aysan dal ku gal siinin sixirooleyaashaas.

Lahaanshaha sawirka B.I.C. Ijeomah

Is jiid jiid dheer ka dib waxaa ugu dambeyntii la qabtay shirka oo laba maalmood socday balse waxaa la bedelay mowdhuucii shirka kaasi oo lagu bedelay kala duwanaanshaha hab dhaqanka bini'aadamka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan