Qulqulatooyinka diimeed ee Itoobiya ka dhacay maxay salka ku hayaan?

Qariidadda Itoobiya

Maalinti shalay ahayd magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarada oo ku taalla waqooyiga dalka Itoobiya waxaa lagu gubay masaajiddo dhowr ah waxaana la boobay hantida ay lahaayeen dadka muslimiinta ee looga tirada badan yahay waqooyiga dalkaasi.

Dad ku nool magaalada mootaa oo u warramaya BBC waxay sheegeen in dhibaatooyin badan loo geystay gooba lagu cibaadeysto iyo goobo ganacsi oo ay muslimiinta leeyihiin.

Warbaahinta deegaanka Amxaarada oo soo xigatay guddoomiyaha golaha sare ee arrimaha islamka ee deegaanka Amxaarada Shekh Saciid Axmed waxay sheegtay in afar masaajid la gubay dukaanno iyo goobo ganacsi oo ay dadka muslimiinta lahaayeenna la boobay.

Dada goob joog u ahaa dhacdadaaasi waxay BBC u sheegeen xilli ay dadka Kirishtanka ay kaniisad ku taallo Motaa ku cibaadeysanayeen dhisamaha kaniisadda qaac aad u badan u ka baxay dabna uu ka kacay.

Dabki kaniisadda ka kacay marki la damiyeyna ay dhalinyarada magaaladaasi oo careysan ay u dhaqaaqeen iney masaajidda dab qabadsiiyaan goobaha ganacsigana ay boobaan iyaga oo sheegaya kaniisada gubatay iney muslimiinta gubeen.

Maamulka Kaniisadda gubatayna waxay sheegeen iney sheegi karin dabka kaniisadda qabsaday waxa uu ka dhashay oo ay baaritaan wadaan dibna ay ka sheegi doonaan waxyaabihi sababay iney kaniisadda gubato balse ay sheegi karin iney muslimiinta sida la sheegay ay gubeen.

Masaajidda la gubay mid ka mid ah oo ay muslimiin badan xilligaasi ku sugnaayeen oo bam gacmeed lagu tuurayna waxa la shegay iney dad ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Bariyahan dambe waxa isa soo tarayayey khilaafka diimeed ee u dhaxeeya muslimiinta iyo kirishtanka ku wada nool dalkaasi Itoobiya iyada oo ay horay u jireen masaajiddo iyo kaniisado ay labada dhinacba isaka gubeen.

Booliska deegaanka Amxaaradana waxay sheegeen xaaladda iney hadda deggan tahay ciddi falalkaasi ka dambeeysay si sharciga loo horkeeni lahaana ay ka shaqeyn hayaan.

Xaaji Yuunis Idiris oo ka tirsan golaha maamulka magaalada Mootaa wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay waxa sababay in masaajidda la gubo.

"Waxaa si gaar ah loo beegsanayey oo dab la qabadsiinayey dukaanno iyo goobo ganacsi oo ay muslimiinta lahaayeen waana la boobayey marka sababta inta ay booliska baaritaan ku sameeynayaan oo ay ku sal gaarayan ma rabo inaan ka sii hordhaca" ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka MOTTA CITY COMMUNICATION OFFICE

Madaxa waaxda ka hortagga dambiyada ee booliska deegaanka Amxaarada Jamaal Makonnin wuxuu sheegay iney booolis ahaan ka shaqeeyn hayaaan sidi ay shacabka u dajin lahaayeen dhibki dhacayna uu u soo noqon ciddi falkaasi sharci darrada ee dhacay ka dambeeysayna shariga loo horkeeni lahaa."

"Ilaa hadda ma jirto cid falkaasi looga shakiyey oo loo soo xiray" ayuu yiri Jamaal.

BBC oo isku dayday iney la xiriirto duqa magaalada Mootaa uu dhibka ka dhacay iyo hoggaanka nabadgalyada ee deegaankaasi uma suuragelin. oo waxay u shegeen iney shirar xaaladda lagu dajinayo ku mashquulsan yihiin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan