Christchurch: 56,000 oo qori oo lagu qabtay New Zealand weerarkii masaajidda kaddib

Hubka ay New Zealand ka soo uruurisay shacabka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hubka ay New Zealand ka soo uruurisay shacabka

Dowladda Nwzealand ayaa sheegtay iney lix bilood gudahooda shacabka kaga soo uruurisay in ka badan 56,000 oo qori.

Tallabada ay dowladda New Zealand hubka ku soo uruurineyso ayaa timid kaddib marki uu dhacay weerarki Christchurch ee lagu dilay 51 qof oo muslimiin ah, waxayna dowladdu gabi ahaanba shacabka ka manuucday istciamaalka iyo haysashada hubka.

Xayiraadda hubkana waxaa ansixiyey baarlamaanka dalkaasi 15-ki bisha March waxyar un kaddib marki uu dhacay weerarki Christchurch ee New Zealand.

Waxaana weerarkaasi dacwad looga soo oogay Brenton Tarrant oo Autralia u dhashay oo aaminsan sarreynta midabka caddaanka.

Xayiraaddaasi malagu guuleystay?

Hirgelinta xayiraadda hubka ee New Zealnd waxay billaabatay bishi April.

Hubka ay dowladda ka soo uruurisay shacabka waxay mulkiilayaasha hubka ay magdhaw ahaan ugu celisay 95% qiimaha asal ahaan ay hubka ku soo iibsadeen.

Barnaamijkan hub uruurrinta New Zealand wuxuu ku egyahay 20-ka bisha December.

Wasiirka booliska dalkaasi wuxuu yiri: "inaan shacabka ka soo ururinno in ka badan 50,000 oo qori ay tahay arrin wanaagsan."

Afhayeen u hadasha koox u ololeysa ka hortagga hubka sharci darrada ah Nocole McKee oo u warrantay wargeyska New Zealand Herald McKee waxay sheegtay iney aaminsan tahay dalka New Zealnd iney shacabka gacantiisa ku jiraan hubka dalka laga mamnuucay oo gaaraya 170,000 oo qori.

Mar ay ka hadleysay dadka hubka haystana waxay sheegtay: "Dadka qaar hubkooda wey qarsanayaan, qaar waxay aaminsan yihiin iney isku difaacayaan, qaar si wanaagsan u isticmaalana wey jiraan marka ma garanaya sida ay wax u socdaan."

2016-kina booliska New Zealand hubka sharciga ah ee shacabka gacantiisa ku jira waxay ku qayaaseen 1.2 milyan oo qori, taasoo u dhiganta afarti qofba qof ka mid ah inuu qori haysto.

Christchurch maxaa ka dhacay?

15-ka Bishii April, Brenton Tarrant ayaa weerara masaajidka Al Noor ee ku yaalla iyo xarruun islaami ah ee Lin Wood oo ku taalla Christcurch.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ninka weerarka geeystay

Waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay 51 qof, 40 qofna uu damcay inuu dilo inuu fal argagixso geystay.

Image caption Dadkii la laayey iyaga oo masaajid ku dukanaya

50 qof ayaa lagu dilay weerarra loo geystay muslimiin iyada oo qaar kalana ay ku dhaawacmeen laba masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch taariikhdu markay ahayd 15-ka March.

Nin weerarkaasi geystayna wuxuu ku hubeysnaa qori darandoorri u dhaca isaga oo qoriga wax ka beddelay si uu rasaas badan u qaato.

Maxkamadda dacwadda eedeysanaha weyday waxay ku weyday dhammaan dacwadihi lagu soo oogay iyada oo markale dacwaddiisa dib u eegis lagu sameeynaya sanadka soo socda.

Dacwadaasi miyey sababi kartaa in dalka uu ka bilawdo ururo argagixiso ah?

Tan iyo markii ay dhaceen weeraradii 15-kii Maarso, waxaa jiratay dood adag oo ku saabsan waxa isbedeli doono oo laga faa'iidayo marka la xukumo ninkaan geeystay falkaasi arxan darrada ah.

Waxaa maxkamadda laga hor cadeeyay in ninkaan uu ku lug lahaa fal aragagiso oo aysan niyad kaliya ka ahayn.

Sidaasi darteed ayna u badantahay in dalka ay ka biloowdaan ururo ama shakhsiyaad aamisan fikradaha xagjirnimada.

Sidee ayay dawladda New Zealand uga falcisay markii uu dhacay weerarka misaajiddada?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jacinda Ardern

Ra'iisal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa caalamka u dirtay baaq ku aaddan cunsurinimada, iyada oo soo jeedisay in lala dagaalammo fikirka cunsuriyadnimada ka dib weerarkii loo gaystay laba masaajid oo ku yaala Christchurch.

Mid ka mid ah waraysiyadii ay BBC-da siisay ayaa waxay ku sheegtay inay ka soo hor jeeddo fikirka ah in cunsuriyadnimada ay horseeday dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo badanaya.

50 qof ayaa naftooda ku waayay tobonnaan kalana waa ay ku dhaawcmeen weerar Jimcihii lagu qaaday laba masaajid oo ku yaalla dalkaas.

Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand

-Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da'diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano.

-Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha.

-Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo.

- Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub farobadan

balse waxaa dib loo soo cusbooneysiiyay isku day lagu doonayo in la xakameeyo adeegsiga hubka ee wadanka New-Zealand, ka dib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee uu nin hubeysan ku qaaday masaajid lagu tukanayay.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Christchurch

Mowduucyada la xiriira