Kooxda IS oo la sheegay in ay ku sii xoogeysanayso gudaha Ciraaq

Daacish

Xigashada Sawirka, AFP

Waxaa soo ifbaxaya ifafaalo muujinaya in kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish ay dib isu soo abaabuleyso gudaha dalka Ciraaq, laba sano ka dib markii guud ahaan laga qabsaday dhulkoodii ugu dambeeyay ee ay maamuli jirtay dalkaasi. Saraakiisha sirdoonka Kurdiyiinta iyo kuwa reer galbeedka ayaa BBC-da u sheegay in hawlgallada kooxdaasi ee Ciraaq ay yihiin kuwo aan la fahmi karin waxaana sii kordhayay weerarada kooxdaasi ee dalkaasi Ciraaq.

Sida uu sheegayo Lahur Talabany oo ah sarkaal sare oo ka tirsan waaxda ka hortagga argagixisada ee Kurdiyiinta, mintidiinta kooxdan ayaa hadda ka xirfad badan kana khatar badan ururka Al-Qaacida.

"Waxay leeyihiin farsamooyin fiican, taatiko wanaagsan iyo dhaqaale aad u badan," ayuu yiri. "Waxay awoodaan in ay iibsadaan gawaari, hub, sahay cunto iyo qalab kale. Teknooloji ahaan, waa kuwo horumarsan. Waa ay adag tahay sidii looga saari lahaa dalkaasi."

Lahur Talabany wuxuu sheegay in kooxdaasi muddadii 12-ka bilood ahayd ee la soo dhaafay ay dib uga soo kabanaysay burburkii soo gaaray.

Waxaa sida uu sheegaya soo baxay Daacish aan dooneyn in ay dhul qabsato si ay uga badbaado in duulaan lagu soo qaado. Taa badalkeedna - sidii kuwii ka horreeyay ee Al-Qaacida - mintidiinta kooxdan waxay billaabeen in ay ku dhuumaaleystaan buuraha Hamrin ee dalkaasi Ciraaq.

Waxa uu sheegay in "meeshaasi ay haatan tahay xarunta kooxdaasi ISIS." "Waa dhul buuroley ah oo ay aad ugu adag tahay ciidanka milatariga Ciraaq in ay gudaha u galaan. Waxaa halkaasi ku yaal meelo badan oo ay ku dhuumaaleystaan iyo godad tiro badan."

Waxa uu sheegay in haatan kooxdaasi la baxday Dowladda Islaamka ay ka faa'iideysanayso xasillooni darrada haatan ka jirta caasimada Ciraaq ee Baqdaad, waxa ayna ka faa'iideysan doontaa dadyowga Sunniyiinta ahi - oo ah bulsho laga tiro badan yahay.

Mintidiinta kooxdan ayaa sidoo kale ka faa'iideysanaya xiriirka cakiran ee ka dhexeeya xukuumadda Baqdaad iyo maamulka gobolka Kurdistan ee ka dhashay aftidii madax-bannaanida Kurdiyiinta ee sanadkii 2017.

Haatan waxaa jira dhul ballaaran oo aysan cid ka Talisa aysan jirin oo u dhaxeeya dhulka ay Kurdiyiinta maamulaan iyo meelaha kale ee ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan. Waxaana sid uu sheegayo Talabany halkaa haatan roondeynayo mintidiin ka tirsan kooxdaasi Daacish.

Sida laga soo xigtay warbixinnada sirdoonka Kurdiyiinta Peshmerga-ka loo yaqaan, waxaa dhawaan kooxdaasi Daacish ku soo biiray ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka soo talaabay dhanka xadka dalka deriska ah ee Suuriya, waxaana dagaalyahannadaasi ku jira qaar ajaanib ah oo xiran suumanka is-miidaaminta loogu tala galay.

Saraakiisha sirdoonka Kurdiyiinta ayaa dagaalyahannada kooxdani Daacish ku qiyaasaya ilaa 10,000, iyadoo 4,000 ilaa 5,000 oo dagaalyahanno iyo tiro kale oo intaa ka badan oo aan hubeysnayn ay ku sugan yihiin gudaha dalka Ciraaq.

Beesha caalamku ayay tahay in ay aad uga walaacdo arrintan, sida uu sheegay Lahur Talabany. Waxa uu yiri: "Inta ay ku ammaan helayaan halkan, waxaa jiri doono hawlgallo badan oo ay mintidiinta kooxdan ka fulin doonaan dhul ka baxsan Ciraaq iyo Suuriya."

Taliyaha ugu sareeya milatariga Mareykanka ee jooga dalka Ciraaq ayaa sheegaya in Daacish ay isku dayayso in ay dib isu soo abaabusho balse ay wajahayso dhibaato xooggan.

Sarreeye Gaas, William Seely, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta ay haatan sifiican ugu diyaar garoobeen kooxdaasi si ka duwan sidii sanadkii 2014, xilligaasi oo Daacish ay gacanta ku dhigtay sedex meelood meel dalkaasi Ciraaq isla markaana ay la wareegtay Mowsul, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi, iyada oo aan wax iska cabin ah la kulmin.