Kashmir: Doog laba maroodi ku dul hirdamayaan

Dhallinyaro u dibadbaxaya Kashmiir Lahaanshaha sawirka AFP

Sannadkan 2019 wuxuu ahaa mid xiisado siyaasadeed ka qarxeen gobolka Kashmir ee ku yaal buuraleyda Himilaya ee ay isku haystaan Pakistan iyo Hindiya.

Waxay xaaladdu ka sii dartay bishii Ogost markii xukuumadda India ay wax ka bedeshay sharcigii qaybta ay ka taliso ee Kashmir oo ay gobolkaa ka dhigtay qayb si buuxda uga mid ah dalka ee ay dunida ka fajicisay.

laakiin Kashmir waa gobol dhibaatooyinka la qabsaday. Hindiya iyo Pakistan, saddex goor bay ku dagaalameen tan iyo markii ay gobannimada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska 1947. Pakistan na waxay taageertaa koox Islaamiyiin ah oo mudaba gobolka ka dagaalamaysay tan iyo 1980 waxaana ku dhintay 70,000 oo qof iyo dheeraad.

Maxaa 2019 aanu ugu fiicnayn gobolka?

Sannadkani wuxu ku bilaabmay weerarro lala xidhiidhiyey ururuka mitidka ah ee Pakistan taageerto ee la yidhaa Jaish-e-Muxammed (JeM). Bishii Feeberweri ayaa inan 22 jir ah oo ku noolaan jiray degmada Pulwama, laakiin la la'aa muddo sannad ah, wuxuu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku qarxiyey kolonyo miltari ah waxaanu ku dilay in ka badan 40 askari oo Hindi ah isna wuu ku dhintay.

Ururka JeM ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyadda weerarkaas oo waxay muuqaal laga duubay ninkii is qarxiyey ku baahiyeen internet-ka.

Weerarka Pulwama wuxuu keenay in markii ugu horraysay ay Hindiya weerar ku qaado goob xadkeeda ka baxsan oo gudaha Pakistan ah, tan iyo dagaalkii labada dal dhex maray ee 1971. Bishii Feeberweri, ayaa diyaaradaha dagaalka ee Hindiya duqeeyeen gobolka Balakot oo Hindiya ku sheegtay in ay ku taal goob ay ku tabobartaan JeM.

Hase ahaatee, xukuumadda Islamabad si dhakhso ah ayay ugu celisay duuliyihii ay ka qabatay Hindiya, waxaanay ku sheegta inay "niyad wanaag" ku muujinayso, laakiiin dad badan oo reer Pakistan ah ayaa u arkayey in ay ahayd isku day lagaga hor tagayey in xaaladdu sii cakiranto, maadaama aan milatariga dalku diyaar u ahayn dagaal.

Dhanka kale ra'iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, oo ah nin wadaniyadda Hindu-gu madax martay oo siyaasadiisu garabka midig tahay, ayaa u adeegsaday weerarradii Pulwama iyo Balakot labadaba, si uu taageero ugu helo doorasho soo dhawayd waxaanu ku guulaystay aqlabiyadda doorashadii sadex bilood ka dib dhacday.

Talaabadii uu bishii Ogost ku laalay ismaamul hoosaadkii Kashmir ayaa ka dhalatay guushaa uu gaadhay waxaanu baarlamanka kaga helay aqlabiyad aan la loodin karin.

Afhayeenka milatariga dalka ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ee xuduuda jooga, mooraalkoodu aad u sareeyo waxaanu warbaahinta ka sii daayey booqasho ay taliyeyaal sarsare ugu tageen ciidamada jooga halka ay isku hor fadhiyaan Hindiya iyo Pakistan.

Khilaafku siduu isku soo tarayey tobannaankii sano ee la soo dhaafay?

Ka hor xorriyaddii Hindiya 1947, Kashmir wuxuu ahaa gobol ay aqlabiyadiisa yihiin Muslimiinta laakiin waxaa xukumi jiray amiir Hindu ah. Markii Hindiya la kala qaybiyey ee dalka Muslimka ah ee Pakistan la sameeyey, amiirkii gobolkaa xukumayey wuu ka cagojiiday inuu dhinacna raaco, waxaanu door bidayey inuu xorriyad helo.

Dagaalkii ugu horreeyey wuxu bilaabmay markii Pakistan ciidan beeleedyo ay daba fadhidaa ay isku dayeen in ay ridaan amiirkii. Markii laga itaal roonaaday ayuu Amiirkii heshiis la galay Hindiya oo ah inuu ku biiray.

Hindiya oo waagaa uu xukumayey xisbiga cilmaaniga ah oo siyaasadiisu bidix dhexe tahay ee Congress Party, heshiiskii Amiirka iskuma halayn laakiin Juun 1948 ayay Qaramada Midoobay u gudbisay codsi ah in afti dadka laga qaado si ay reer Kashmir codkooda uga dhiibtaan saddex qodob oo ku jiray heshiiskii la gaadhay 1947.

Laakiin colaaddii labada dal dhex taalay ayaa suurto gelin weyday in ay ku heshiiyaan labada dal qodobada aftida lagu qaadayo.

Hindiya waxa ka hanoqaaday dimuqraadiyadda baarlamaaniga ah halka Pakistan xukunkii gacanta uu u galay milatariga oo taasi cawaaqib xun ku yeelatay khilaafkii Kashmir.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ma dhici kartaa in nooc cusub oo wadaniyad ahi soo baxo?

Dr Nazir Gilani oo ah qareen reer Kashmir ah oo madax u ah urur u ololeeya xuquuqda Kashmir oo fadhigiisu yahay UK, ayaa ku eedeeyey hoggaanka Pakistan in ay wiiqayso fursadaha ay Qaramada Midoobay qaraar kaga soo saari karto arrinta, sababtuna tahay in aanay fahamsanayn "sharciyada khuseeya arinta Kashmir"

Laakiin dad kale waxay leeyihiin in maamulka Pakistan uu iska dhaadhiciyey xalka keliya ee la aqbali karaa inuu yahay Kashmir oo Pakistan ka mid noqota. Aragtida Islaamnimada ku salaysan ee wadaniyadda dalkaas waxay sidoo kale aanay is qaadanayey aragtida ah in dadka Kashmir loo ogolaado in ay madaxbannaani ku dhisan wadaniyad cilmaani ah qaataan.

Su'aashu waxay hadaba tahay sidee sannadka dambe ee 2020 u noqon doonaa Hindiya, Pakistan iyo dadka reer Kashmir?

Zulfiqar Ali wuxuu qabaa in "dadka Kashmir ay garowsadeen in aanay hadda ka dib quwad shisheeye sugin si ay xorriyadooda u helaan. waxa kale oo jira ayuu yidhi in ay dareemeen in dhaqdhaqaaqa xorriyad doonku noqdo mid gebi ahaan tiiba ay dadka gobolku wadaan keligood oo aan dagaal ahayn".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan