'Anigoo aamusan ayaan iska sugayaa iyado adduunkeygu uu burburayo'

. Lahaanshaha sawirka Nikita Deshpande/BBC
Image caption Rikat Hashmi waxay sheegeysaa inay aad uga walwalsan tahay mustaqbalkeeda

Rikat Hashmi, oo ah gabar muslimad ah oo wax ka barata magaalada Delhi, waxay sharraxeysaa sababta ay walwal badan uga dareemeyso mustaqbalkeeda ku aaddan in iyadoo muslim ah ay ku noolaato Hindiya.

Sida muslimiin badan oo ku sugan Hindiya, waxaan hadda maalin kasta ka fikiraa waxa uu mustaqbalkeennu noqon doono.

Ma la ii diidi doonaa shaqo iyadoo la eegayo diinteyda? Ma la iga saari doonaa gurigeyga? Ma waxaa i dili doona dadweyne igu goobta? Cabsidan waligeed ma dhammaan doontaa?

"Iska dulqaado", ayey hooyadey i dhahday ka dib markii uu habeen qalalaase ka dhacay jaamacaddeyda- Jamia Millia Islamia - oo ku taalla magaalada caasimadda ah.

Arday ayaa la garaacay, sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa lagu tuuray iyagoo ku dhex jira musqulaha, waxaana argagax loo galiyay si ay u joojiyaan mudaharaadyadooda ka dhanka ah sharciga dhalashada ee muranka abuuray.

Sharciga - oo ah isbaddalka lagu sameeyay xeerka helitaanka dhalashada - wuxuu waddada u xaarayaa in dhalasho la siiyo dadka kasoo cararay saddex waddan oo kala ah Bangladesh, Pakistan iyo Afghanistan. Laakiin wuxuu magangalyo siinayaa oo kaliya dadka aan muslimiinta ahayn ee sida sharci darrada ah kusoo galaya Hindiya.

Waxaa dadka lasoo dhaweynayo laga reebay kuwa muslimiinta ah, arrintaasina waa cunsuriyadda sababtay mudaharaadka ardayda.

Laakiin maxay tahay sababta ay boolisku u weerareen ardaydaas?

Waxay sheegeen in sababtu ay tahay maadaama ay ardaydaas dab qabadsiiyeen gawaari, laakiin aaway caddeynta naloo hayo?

Boolisku waxay sheegeen inaan rasaas lagu ridin dhalinyarada, marka haddey sidaas run tahay, maxaa ku dhacay dadka dhaawaca ah ee isbitaallada yaalla?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ardayda jaamacadda Jamia Millia Islamia fiyo booliska oo ismari la'

Aniga waxaan waxbarashada heerka labaad ka sameynayaan jaamacadda Jamia, waxaana goob joog u ahaa mudaharaadyo nabadeed oo dhacay intii aan halkan ku sugnaa.

Kama aanan qeyb qaadanin mudaharaadkii dhacay maalintii Axadda, kaasoo markii dambe qalalaase isku baddalay. Laakiin waxay dhibaato iga soo gaartay howlgalkii ay boolisku sameeyeen markii uu dibadbaxa dhammaaday ka dib, maadaama ay ciidamadu si toos ah u weerarayeen ardayda.

Waxaan xasuustaa anigoo cabsi weyn dareemaya markii ay boolisku soo aadeen qolalkii aan seexaneynay. Waxaan daminnay nalalka annagoo isku dayeyna inaan isqarinno. Habeenkii wuu gudbay nasiib ayaana u yeelannay inaan badbaadno.

Laakiin arrinta caddaatay waxay tahay: micno ma laha haddii aad hadashid iyo haddii kaleba, waayo dadka la bartilmaameedsanayo waa annagoo ah muslimiinta Hindiya.

Waxaan xasuustaa inaan hurdada uga soo toosi jiray codadka heesaha ay qaadaan dadka Hinduuga ah, anigoo carruur ah.

Annagoo mislim ah waxaan ahayn qoyska kaliya ee daggan xaafad ay ka buuxeen dadka Hinduuga ah, taasoo ku taalla gobolka bariga ee Orissa.

Mar walba waxaan si wadajir ah ula dabaaldagi jirnay munaasabadahooda - waxay gacmaha cillaan ii marin jireen munaasabadaha Ciidaha, aniga iyo walaalaheyna waxaan aadi jirnay feestooyinkooda.

Qaar ka mid ah saaxiibbadeyda Hinduuga ah waxay gurigeenna u imaan jireen inay cunaan bariiska loo yaqaanno biriyaaniga oo lagu daray basbaas, kaasoo ka mid ah cuntooyinka laga kariyo guryaha muslimiinta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mudaharaadyada looga soo horjeedo sharciga dhalashada waxay ku fideen guud ahaan Hindiya

Ma jirin masaajid ay muslimiinta leeyihiin oo ku yaallay xaafaddeenna, laakiin aabahay dhib kuma uusan qabin taas, maadaama uusan si wanaagsan diinta ugu dhaqmi jirin.

Hooyadeyna waxay shanta salaadood ku tukan jirtay guriga dhexdiisa.

Waxaan dhigan jiray iskuul ay ardaydiisa oo dhan yihiin Hinduu, waligeyna ma dareemin farqi diimeed oo noo dhaxeeyay.

Hal mar ayuu qof saaxiib aan ahayn i weydiiyay sheeko ku saabsan in muslimiintu aysan maalin kasta qubeysanin. Waan ku qoslay, waxaana ku dhahay, "anigu waxaan ahay Muslim, maalin kastana waan qubeystaa".

Diintu waxay qeyb ka ahayd nolosheenna, laakiin ilaa hadda waligey ma dareemin in diintu ay saameyn ku yeelaneyso dhalashadeyda.

Ciidamo awood leh ayaa doonaya inay na kala qeybiyaan, anigana ma hubo sida aan mar kale u xamili karo xaalad noocaas ah.

Run ahaantii, waxaan ku soconnaa inaan noqonno dadka nolosha heerka hoose ku nool ee mar walba ay cabsida dariska la tahay.

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa dadweynaha ka codsaday inay xasiloonida dhowraan inta lagu guda jiro dibadbaxyada ka dhanka ah sharciga dhalashada. Wuxuu yiri: "Kani waa wakhtiga loo baahan yahay in nabadda la ilaaliyo, oo midnimada iyo walaalnimada la dhowro".

Maalin ka hor, isagoo kumannaan qof la hadlayay ayuu yiri: "Dadka hantida gubaya waxaa laga arki karaa kaamirooyin, waxaana lagu aqoonsan karaa dharka ay xiran yihiin".

Si toos ah uma uusan qeexin laakiin way iska caddahay inuu u muuqday qof tilmaayaya dadka weerarrada lagu bartilmaameedsan in diintooda lagu aqoonsan karo.

Taas ulama jeedo in arrintani ay tahay mid dusha sare laga garanayo. Aniga waxaan xijaab xirashada billaabay markii aan ahaa 16 jir.

Maanta oo aan ahay 22 jir, waxaan u taaganahay inaan ka dhiidhiyo cunsuriyadda ka dhanka ah diinteyda iyo inaan ka hadlo sharciyada noocaas ah.

Hindiya waxaa ku nool muslimiin ay tiradoodu gaareyso 200 oo milyan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad gaaraya qiyaastii 1.9 milyan oo ku sugan gobolka Assam ayaa laga qaaday dhalashadii

Walwalku wuu sii kordhayaa. Kor uma hadli karno, arrimuhuna way sii xumaanayaan iyadoo uu soo socdo sharci kale oo dhammaan dadka ku nool waddanka ay ku caddeynayaan dhalashadooda.

Wasiirka arrimaha guriyeynta wuxuu ballan qaaday in waddanka tirakoob laga sameyn doono ka hor inta aan la gaarin doorashada sannadka 2024-ka.

Laakiin wali waxaa jirta rajo.

Codadka taageerada ah ee kasoo baxaya waddanka qeybihiisa kala duwan ayaa ka sarreeya kuwa naceybka ah.

Hadda, anigoo aamusan ayaan sugayaa, xilli uu adduunkeygu burburayo.

Waxaa la iga soo badbaadiyay qolkii aan jaamacadda ka seexanayay waxaana la igu khasbay inaan fasax galo. Waxbarashadeydii way hakatay. Ma safri karo si aan u soo arko qoyskeyga oo ku nool magaalo kale. Sababtoo ah dibadbaxyadu halkaas ayey kasii hurayaan.

Sidaas darteed waxaan iska fadhiyaa guriga uu leeyahay qof wakiil iga ah, waxaana soo xasuustaa hadalkii hooyadey ee ahaa: "Dulqaad samee awoodna yeelo".

Mowduucyada la xiriira