Maxay arday badan oo reer Japan ah u diidaan iskuullada?

Children playing in Tamagawa Free School Lahaanshaha sawirka Stephane Bureau du Colombier

Dalka Japan waxaa kusoo badanaya carruurta diideysa inay iskuullada aadaan, waa arrin dhibaato ah oo lagu magacaabay "futuko".

Maadaama tirada carruurta dugsi diidka ah ay sii badaneyso marba marka ka dambeysa, waxay dadku isweydiinayaan in arrintan ay sababeyso qabka ay Iskuullada u shaqeeyaan, mise inuu yahay dhib ka socda ardayda dhankooda.

Wiil toban sano jir ah oo lagu magacaabo Yuta Ito wuxuu sugayay isbuuca fasaxa feestada sannadlaha ah ee dalkaas, si uu waalidiintiisa ugu sheego waxa uu dareemayay iyo waliba inuusan dooneynin inuu sii wado aaditaanka iskuulka.

Muddo bilooyin ah ayuu dhiganayay iskuulka hoose, isagoo maalin kasta loogu dirayay si khasab. Waxaa lagu qashqashaadi jiray iskuulka dhexdiisa, mar walbana wuxuu la dagaallami jiray carruurta ay isku fasalka yihiin.

Waalidiintiisa waxay heysteen saddex arrimood oo ay kala doortaan: Inay wiilkooda Yuta u diraan xarun la talin ah, iyagoo rajeynaya inay xaaladdu hagaagto, in ay guriga ugu keenaan macallin wax bara, ama in ay u diraan iskuul bilaash ah. Waxay doorteen qodobka ugu dambeeya.

Hadda Yuta inta uu iskuulka joogo wuxuu sameeya wax kasta oo uu rabo - sidii horena wuu ka farxad badan yahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ardayda dugsiga hoose ee dalka Japan

Yuta waa mid ka mid ah ardayda dalka Japan ee ay wasaaradda waxbarashada ee waddankaas ku qeexday "futuko", oo ah eray loo adeegsado ardayda aan 30 maalmood oo xiriir ah iskuulka dhiganin iyagoo xaalad caafimaad awgeed aan uga joojin ama mid dhaqaale toona.

Eraygan waxaa laga bixiyay fasiraado badann, sida; iskuul gambis, iskuul naceyb ama waxbarasho diid.

Fikirka ku saabsan futoko wuxuu isbaddalayay tobannaankii sano ee lasoo dhaafay. Wixii ka horreeyay 1992-kii, waxaa arrintaas loo yaqaannay magaca "tokokyoshi", oo macnihiisu yahay iskuul diiditaan. Laakiin 1997-kii wuxuu eraygan isu baddalay qaab sidii hore ka yara khafiifsan oo ah "futuko", oo micnaheedu yahay iskuulka oo la gooyo.

17-kii bishii October, dowladda waxay shaacisay in ka maqnaashaha iskuulka ee ardayda dugsiga hoose ay gaartay heer aysan horay u gaarin. Waxay sheegeen in arday gaareysa 164,528 ay sanadkii 2018-kii iskuulladooda ka maqnaanayeen wax ka badan 30 maalmood. Tiradaas oo sii korortay ayaa sanadkii 2017-kii ahayd 144,031.

Lahaanshaha sawirka Stephane Bureau du Colombier
Image caption Eey fasalka kula jira arday wax ka baraneysa mid ka mid ah iskuullada bilaashka ah

IBarnaamijka la xiriira iskuullada bilaashka ah wuxuu billowday sanadihii 1980-meeyadii, waxayna ujeeddada loo billaabay ahayd in wax laga qabto goysmada iskuullada ee sii badaneysay.

Sidaas darteed waxaa la helay iskuullo xornimo leh oo shuruucdooda ay ka sahlan yihiin kuwa kale.

Waxay iskuulladaas ka mid noqdeen kuwa laga oggol yahay waddanka, waxaana sidoo kale la dhaqan galiyay in waalidiinta qaarkood ay ilmahooda guriga wax ku baran karaan.

Tirada ardayda dhigaya iskuullada bilaashka ah waxay sii kordheysay sannadihii ay jireen. 1992-dii waxay ardayda iskuulladaas wax ka barata ahaayeen 7,424, halka 2017-kii ay ka noqdeen 20,346.

Arrinta kale ee walwalka weyn ka abuurtay dalka Japan waxay ahayd inay soo bateen ardayda isdisha. Sanadkii 2018-kii, ardayda isku dishay dalka Japan waxay ahaayeen kuwii ugu badnaa muddo 30 sano gudahood ah, waxayna noqdeen 332 arday.

Sanadkii 2016-kii, koroka tirada ardayda isdisha waxay dowladda Japan ku khasabtay inay meel mariso sharci looga hortagayo idilitaanka, waxaana wax laga baddalay qaabka ay iskuullada u shaqeeyaan.

Lahaanshaha sawirka Stephane Bureau du Colombier
Image caption Iskuullada bilaashka ah waxay sameystaan sharciyadooda gaarka ah

Marka maxay ardayda Japan u diidaan iskuullada?

Dhibaatooyin dhinaca qoyska ah, kuwo shakhsi ahaaneed oo ay la jiraan kuwo dhinaca saaxiibbada ah iyo waliba qashqashaad ama dhib ay ardayda dhexdooda isku geystaan ayaa ah sababaha ugu waaweyn, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay wasaaradda waxbarashada.

Sida guud, ardayda iskuulka isaga baxa waxay sheegaan inaysan la joogi karin ardayda kale ama xitaa macallimiinta.

Taasi waa arrinta ku dhacday gabar lagu magacaabo Tomoe Morihashi.

"Farxad ma dareemeynin marka aan dad badan ku dhex jiray", ayey tiri gabadhan 12 jirka ah, waxayna intaas sii raacisay; "Nolosha iskuulka waa mid xanuun badan".

Culeysyo kale oo ay ardayda dareemaan ayaa ka imaada dhinaca shuruucda dugsiyada.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Iskuullo badan oo ku yaalla dalka Japan waxay aad u xakameeyaan hab dhaqanka ardayda iyo sida ay u labistaan. Waxaa carruurta lagu khasbaa inay madoobeeyaan timahoodqa casuuska ah. Qaarkoodna looma oggolaado inay jaakado xirtaan, xitaa marka uu qabow jiro.

Sharciyada adag ee ka jira iskuullada waxay soo billowdeen 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, waxaana looga jawaabayay dhibka ardayda dhexdooda ay isu geystaan.

Waxaa shuruucda noocaas ah xoogaa la khafiifiyay 1990-meeyadii, balse waxay aad usii dhaqan galeen sannadihii ugu dmabeeyay.

Hadda Tomoe waxay la mid tahay Yuta, waxayna wax ka barataa mid ka mid ah iskuullada bilaashka ah ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tokyo.

Iskuulladaas ardaydu uma xirtaan wax direys gaar u ah, waxayna xor u yihiin dharka ay u qaadanayaan. Sidaas waxaa dhigaya qorshe say isku afgarteen waalidiinta iyo maamulka iskuullada. Waxaa sidoo kale ardayda lagu dhiirrigaliyaa inay sameystaan xirfadaha ay jecel yihiin.