Muxuu Putin ugu careysan yahay Poland?

Russian President Vladimir Putin (C) and Russian Defence Minister Sergei Shoigu (L) take part in the annual meeting of the Defence Ministry board,

Xigashada Sawirka, Sputnik/AFP

Qoraalka sawirka,

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa dhowaanahan cadaadis saarayay Poland

Dagaalka afka ah ee uu hoggaamiyaha Ruushka ku qaaday Poland ayaa ku qotoma taariikho hore oo tegay.

Toddobadii maalmood ee la soo dhaafay, wuxuu dalkaasi carrabaabay ugu yaraan shan jeer mar uu ka hadlayay shirar muhiim ah - kuwaasoo aan xitaa looga hadleynin taariikhda amaba siyaasadda dibadda.

Mar uu caro kala dul dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas, shir ay yeesheen 24-kii December, wuxuu safiirka Poland ee Jarmalka ku tilmaamay inuu yahay "wasakh iyo doofaar ka soo horjeeda Yuhuudda".

Labo saacadood kaddib, mar kale ayuu isla arrintaas uga hadlay shir uu la yeeshay xubno baarlamaanka ka tirsan. Afhayeenka Aqalka Hoose ee Ruushka ee Duma, Vyacheslav Volodin ayaa u mahad celiyay Putin wuxuuna raalligelin ka codsaday Poland.

Maalintii xigtay, Madaxweyne Putin ayaa shirkiisii dhammaadka sanadka la yeeshay ganacsatada Ruushka. Sida laga soo xigtay Wargeyska Forbes ee Ruushka, "wuxuu shirkaasi uga yaabsaday dad badan kaddib markii uu si qoto dheer uga hadlay bilowgii Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo doorkii Poland.

Wuxuu sidoo kale qorsheynayaa inuu maqaal ka qoro arrintaas. Balse maxay tahay ujeeddada ka dambeysa?

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Kulanka uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsatada ayaa ka dhacay Aqalka Kremlin

Cambaareynta Vladimir Putin ee Poland ayaa daba socota qaraarka baarlamaanka ee Yurub taasoo lagu cambaareynayo Midowga Soviet iyo Nazi Germany ama markii uu qarxay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Midowga Soviet ayaa waxaa dhowr jeer lagu cambaareeyay in Poland ay ku lammaanisay Nazi Germany sababo la xiriira heshiiskii ku aaddanaa taageerada Hitler (heshiiskaas oo loo yaqaannay Molotov-Ribbentrop).

Balse maxay tahay sababta uu Putin uga careysan yahay eedeymaha loo jeedinayo dal aananba haatan jirin?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Heshiiskii Jarmalka iyo Soviet-ka ee waxaa la kala saxiixday sanadkii 1939

Guusha USSR ee dagaalkii Labaad ee Adduunka waa mid in ka badan 70 sano weli taagan, ilaa iyo haatanna waa loo dabaal degaa. Sidoo kale waa mid muhiim u ah in madaxweyne Putin uu u adeegsado siyaasaddiisa arrimaha dibadda inuu ka guuleystay taliskii Soviet-ka. Sidaas daraaddeed aqalka Kremlin ayaa mar walba u arka cambaareynta la xiriirta guusha mid Ruushka weerar ku ah.