Soleimani: Gantaallo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka

Baroor diiqyada magaalada Karbala loogu sameeynayay Qassem Soleimani iyo Abu Mahdi al-Muhandis Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baroor diiqyada magaalada Karbala loogu sameeynayay Qassem Soleimani iyo Abu Mahdi al-Muhandis

Dhowr qarax ayaa gilgilay agagaarka magaalada Baqdaad saacado uun ka dib baroor-diiqii magaalada Baghdad loogu sameynayo janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis, kuwaasi oo khamiistii lagu dilay weerar uu Mareykanku fuliyay.

Qaraxayada ayaa waxaa lala beegsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, waxayna ilo wareedyo laga helayo ciidamada ammaanka Ciraaq sheegayaan ineysan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay.

Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray iney aargoosi u sameyn doonaan dilkii Janaraal Qaasim Suleymaani oo uu Mareykanka u aqoonsanaa argagixiso.

Ma jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.

Ka dib baroor-diiqyadii Janaraalka loogu sameeyay Baqdaad iyo magaalooyinka barakeysan ee Muslimiinta shiyacada ayaa waxaa meydkiisa la geyn doonaa dalkiisa Iran.

Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale u baroor-diiqayay geeridii Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyaha ururka Kataib Hezbollah oo ay Iran baritaarto.

Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in ururka ay cidaamada ammaanka Ciraaq uga digeen ''iney gabi ahaanba ka fogaadaan xarumaha Mareykanka laga bilaabo galabka Axadda ah'', sidaasi waxaa soo weriyay Telefishinka al-Mayadeen.

Mareykanka oo ka jawaab celinaya hanjabaaddii Iran ee aargoosiga ayaa waxa uu 3,000 oo ciidan u diray bariga dhexe iyadoo sidoo kalena ay muwaadiniintooda ku boorriyeen iney isaga baxaan dalkaasi Ciraaq.

Sidee ayay Ciraaqiyiinta ugu baroor-diiqeen Suleeymaani?

Dad ku luuqaynayay "Mareykanku ha dhinto" ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Baqdaad kuwaasi oo kor ululayay calamada Ciraaq iyo kuwa maleeshiyada.

Baroordiiqeyaasha oo daba socday naxashka lagu siday meydka Janaraal Qaasim ayaa socod ka soo bilaabay mathaarka Al Muthana ilaa iyo albaabka Aagga Cagaaran waxayna dadkaasi qaarkood sideen sawirrada Suleeymaani, halka qaar kalana ay siteen sawirada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatollah Ali Khamenei.

Meydka ayaa markii dambe la geeyay magaalooyinka barakeysan ee Karbala iyo Najaf.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mourners surround a car carrying the coffin of Qasem Soleimani in Baghdad

Wararka ayaa sheegaya in meydadka Suleeymaani iyo afar kale oo Iiraaniyiin ah oo iyagana lagu dilay isla weerarkaasi loo duulin doono dalka Iran oo ku dhawaaqay saddex maalmood oo loogu baroor-diiqayo janaraalka la dilay.

Sidee ayay Iran uga falcelisay dilka janaraalkooda?

Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray in ''aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha'' ka dambeeyay weerarka,

62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qasem Soleimani: Kumuu ahaa janaraalka

Madaxweynaha Iran Xasan Rowxaani oo booqday qoyska Suleemaani oo deggan magaalada Tehran ayaa sheegay in janaraalka loo aargudi doono maalinta la jarayo gacmaha dhaadheer ee Mareykanka uu kula jiro gobolka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mid ka mid ah gabadha uu dhalay Suleeymaani ayaa madaxweyne Rowxaani weydiisay goorta aabeheed loo aargudayo

Khatar nooce ah ayaa ka dhalan karta dilka Janaraal Qaasim?

Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Taliyihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lagu dilay isla weerakaasi.

Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ''mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba'an,'' sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn.

Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka.

"Suleeymani waxa uu si hagar la'aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran," ayuu intaasi ku sii daray wasiirka.

Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan.

Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran.

Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ''Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso''.

Mowduucyada la xiriira