Muranka Masar iyo Itoobiya: Khilaafka Webiga Nile

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Itoobiya ayaa biyo xireen u sameysaneysa wabiga Nile

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan mustaqbalka mashruuca quwadda korontada biyaha laga dhaliyo ee Webiga Nile laga fulinayo ayaa ka billowday magaalada Washington, ee dalka Mareykanka.

Sanadkii la soo dhaafay kulan kama dambeys ah oo loo qabtay 15-ka bishan January ayaa lagu doonayay in lagu xalliyo xurgufta muddada dheer u dhaxaysa labada dal, balse wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadalladaas oo qabsoomay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa is afgaranwaa ku soo dhammaaday.

Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha.

Dhismaha biyo-xireenkan ayaa sanadkii 2011-kii laga billaabay Webiga Blue Nile ee waqooyiga dhulalka sare ee Itoobiya, kaasoo biyihiisa ay 85% ka yimaadaan wabiga Nile.

Si kastaba, biyo-xireenkan ayaa khilaaf ka dhex abuuray Masar iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Suudaan oo dhex u gashay, murankaas oo ay dadku qaar ka baqayaan inuu dagaal horseedo, Mareykanka ayaana haatan dhexdhexaadinaya.

Maxay arrintu khilaaf u dhalisay?

Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar ay ka baqayso in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

Xarumaha korontada laga dhaliyo biyaha uma baahna biyo, balse sida degdegga ah ee ay Itoobiya u buuxineyso keydka biyo-xireenka ayaa saameyn doona hab u socoshada biyaha webiga.

Haddii ay muddo dheer qaadato buuxinta keydka biyo-xireenka, oo lagu wado in qaadkiisu uu noqdo 74 bilyan kiyuubik mitir, waxaa yaraaneysa saameynta uu heerka qulqulka webiga ku yeelanayo.

Itoobiya ayaa dooneysa in dhismaha biyo-xireenka ay ku soo afjarto lix sano gudahood.

Wasiirka Biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa bishii September ee sanadkii hore sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo in biyo-xireenka uu buuxiyo xilli-roobaadka xiga (July), isla markaana ay billaabi doonaan dhalinta korontada bisha December ee sanadkan 2020.

Balse Masar ayaa soo jeedisay in xilli dheer ay qaadato buuxinta biyo-xireenka - si aysan hoos ugu dhicin biyaha webiga, gaar ahaanna marka ay socoto wejiga hore ee buuxinta.

Wadahadallo u dhaxeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka ayaa miro-dhali waayay in ka badan afar sano - Mareykanka ayaase haatan isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo.

Kaddib wadahadalladii toddobaakdii hore, Mr Seleshi ayaa Masar ku eedeeyay inaysan dooneyn in heshiis la gaaro.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wasiirka biyaha ee Itoobiya ayaa sheegay in buuxinta biyaha ay billaabayaan bisha July

"Uma maleynayo markii ay Masaaridu halkan yimaadeen inay u yimaadeen in heshiis la gaaro," Mr Seleshi ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

"Waxay haddana la yimaadeen qorshe cusub oo buuxinta biyo-xireenka ah. Waqtiga ay doonayaan inay qaadato buuxinta biyo-xireenka waa 12 ilaa 21 sano.

"Tani maaha mid la aqbali karo," ayuu yiri.

Wasiirka Biyaha Masar Mohamed Abdel Aty, ayaa isagana sheegay in labada dhinac ay xoogaa is-afgarasho ah gaareen.

Maxay Masar u murugeysan tahay?

Masar waxay 90% biyaheeda ka heshaa Webiga Nile. Waxay mar walba sheegi jirtay in haddii ay biyaha Nile u socdaan si habsami leh ay dalkaasi ka caawin doonto sidii xal loogu heli lahaa biyo yaraanta ka jirta.

Heshiis la galay xilligii gumeysiga ayaa Masar iyo Suudaan xaq u siinaya ku dhowaad dhammaan biyaha Nile. Iyadoo heshiiskaas uu sidoo kale Masar codka qayaxan u siinayo inay ka hortimaaddo mashaariic walba oo ay wataan dalalka kale ee uu qeyb ka maro webiga, kuwaas oo saameyn kara biyaheeda.

Itoobiya ayaa sheegtay inuusan gacmaha ka xiri karin heshiis tobnaan sano kahor ahaa waxayna dhismaha biyo-xireenka billowday bishii March ee sanadkii 2011-kii, iyadoo aan Masar kala tashan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Biyaha wabiyaha Nile ayaa ka soo burqada magaalada Masar ku taalla ee Aswan oo qiyaastii 920km (570 miles) dhinaca koonfureed ka xigta caasimadda Qaahira

Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee uu qabo dalka waqooyiga Afrika ku yaalla waa in haddii ay yaraadaan biyaha Nile, ay taasi saameyn karto Harada Nasser, oo ah keyd ku yaalla meel ka dambeysa biyo-xireenka Aswan ee Masar, oo laga dhaliyo inta badan korontada Masar.

Itoobiya ayaa sheegtay in mid ka mid ah shuruudihii hore ee Masar ay ku xirtay heshiiska ay tahay in biyo-xireenka aanan lagu xiriirin biyo-xireenka Aswan.

Mr Seleshi ayaa BBC-da u sheegay in Masaarida uu u sharraxay inay "adag tahay in la isku xiriiriyo labo biyo-xireen".

Masar ayaa sidoo kale ka baqdin qabta in biyo-xireenku uu saameyn ku yeesho biyaha haatanba yar ee Nile, oo ah biyaha keliya ee ay isticmaalaadan dadweynaha Masar.

Waxay sidoo kale saameyn kartaa nolosha beeraleyda ku tiirsan biyaha Nile, oo u isticmaala si ay beerahooda ugu waraabsadaan.

Maxay Itoobiya u dooneysaa biyo-xireen sidaa u weyn?

Biyo-xreenkan oo ay ku kacayso $4bn (£3bn) wuxuu udub-dhexaad u yahay riyooyinka wax soo saar ee Itoobiya. Marka la dhammeystiro waxaa la filayaa in Itoobiya ay awood u yeelato inay dhaliso quwad baaxaddeedu tahay 6,000 megawatts.

Itoobiya waxaa ka jirta koronto yaraan baahsan, iyadoo 65% bulshadeeda aysan haysan koronto ku filan.

Tamarta laga dhaliyo waxay ku filnaan doontaa bulshada Itoobiya, iyadoo sidoo kalena u iibgeyn doonta dalalka deriska la ah.

Itoobiya ayaa sidoo kale biyo-xireenka u aragta arrin iyada u taalla oo aysan mas'uuliyaddeeda iyo go'aankeedaba cid kale khuseynin.

Mashruuca biyo-xireenka kuma tiirsana maalgelin dibadda ah wuxuuse ku tiirsan yahay lacagta dowladda iyo maalgelinno gaar ah oo mashruuca loogu talogalay.

Itoobiya ayaa cambaareysay waxa ay u arkeysay faragelin shisheeye oo mashruucdeeda lagu hayo.

Dal kale miyaa jira oo mashruucan ka faa`iidaya?

Haa. Dalalka deriska la ah Itoobiya ee Sudan, Suudaanta Koofureed, Kenya, Djibouti iyo Eritrea ayaa laga yaabaa inay ka faa`iidaan quwadda laga dhalin doono biyo-xireenka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Itoobiya ayaa rajeyneysa in biyo-xireenka la dhammeystiro sanadka 2020

Inta badan dalalkan ayaa waxaa haysata koronto yaraan baahsan.

Dalka Sudan waxaa faa`iido kale u ah in biyo-xireenka uu maamuli doono hab u socodka biyaha webiga - taas oo micnaheeda yahay in sanad walba ay sidii uun ahaan doonto.

Caadi ahaan dalkaas wuxuu la daalaa dhacayaa saameynta daadad ku fatahay bilihii August iyo September ee sanadkii hore.

Malaga yaabaa in muranka uu dagaal horseedo?

Waxaa jirtay cabsi laga qabo in dalalkan ay isku dhacaan haddii aan la xallin xurgufta u dhaxaysa.

Sanadkii 2013-kii, waxaa jiray warar sheegaya muuqaal si qarsoodi ah loo duubay oo muujinaya siyaasiyiinta Masar oo soo jeedinaya falal dagaal oo ka dhan ah Itoobiya, kuna saabsan dhismaha biyo-xireenka.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Masar ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacato biyaha Nile.

Bishii October ee sanadkii hore, Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xildhibaannada u sheegay inaysan jirin awood Itoobiya ka horjoogsan karta dhismaha biyo-xireenka.

In Mareykanku uu ku kala dhex jiro labada dal, waxay muujineysaa sida aysan arrinta u sahlaneyn, iyo sida loogu baahan yahay inay labada dal heshiiyaan.

Siduu haatan xaalku noqonayaa?

Tallaabada xigta ee wasiirrada biyaha iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkooda waa inay isku dayaan inay heshiis gaaraan kahor xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ah 15-ka bishan.

Xilliga waxaa la muddeeyay bishii November kaddib shir ay yeesheen dhinacyada is haya, Mareykanka iyo Bankiga Adduunka.

Lahaanshaha sawirka US president's office
Image caption Donald Trump ayaa rajeynaya in Mareykanku uu dallaal ka noqon karo heshiiska labada dal ee uu xulafada la yahay

Haddii aysan weli heshiis gaarin ilaa 15-ka bishan, waxay codsan doonaan dhexdhexaadiye kale, ama waxay arrinta u bandhigi doonaan madaxda sare, sidii lagu heshiiyay bishii November ee sanadkii hore.

Maalintii shalay ahayd, Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka codsaday madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa inuu sidoo kale gacan ka geysto muranka Itoobiya iyo Masar.

Mr Abiy ayaa sheegay in maaddaama uu noqonayo madaxa Midowga Afrika ee xiga, uu Ramaphosa gacan ka geysan karo in xurgufta lagu xalliyo si nabad ah.

Mowduucyada la xiriira