Ninkii imaamka reer Uganda aroosadda looga dhigay oo maxkamad lasoo taagay

Lahaanshaha sawirka Lipstickalley
Image caption Imaamka ayaa dhawaan xiriirka loo jaray, waxaana ku socday baaritaanno

Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa waddanka Uganda ayaa soo tabiyay in maxkamad lasoo taagay nin dumar isku ekeysiiyay oo "aroosad ahaan loogu guuriyay" imaam reer Uganda ah.

Ninkan ayaa lagu soo oogay "dacwad qeyrul caadi ah" iyo sidoo kale kiis xatooyo ah.

Richard Tumushabe ayaa aqoonsigiisa la fashilay ka dib markii ay boolisku fahmeen, iyagoo usoo xiray tuhun la xiriira inuu telefishin ka xaday guri daris la ah aqalkii aroosad ahaanta loo dajiyay, sida uu wargeysku sheegay.

Lahaanshaha sawirka Dailyexclusive
Image caption Sheekh Mutunba

Sheekh Mohammed Mutumba, oo ah imaamka "la khiyaanay" ayaa lagu soo warramay inuu aad u argagaxay markii uu ogaaday in qofkii uu u heystay xaaskiisa Swabullah Nabukeera, uu yahay nin.

Sheekh Mutunba - oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xaafadda Kyampisi, oo qiyaastii 100km (62 miles) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Kampala - ayuu wargeysku sheegay inuusan gogol la wadaagin qofka uu u heystay xaaskiisa cusub, ka dib markii ninka haweeneyda iskadhigayay uu u sheegay inuu caado qabo.

Mr Tumushabe lama weydiinin inuu dambigiisa qirto markii maxkamadda la hor-geeyay maalintii Talaadada.

Waxaa booliska loo oggolaaday inay xabsiga kusii hayaan ilaa inta uu mar kale maxkamadda hortagayo 24-ka bishan January.

Garsoore Allen Akello ayaa u sheegay Mr Tumushabe inuu fursad u heysto codsashada in damiin lagu sii daayo.

Kiiskan ayaa ugu dambeyn loo sii gudbin doonaa maxkamadda sare, sida uu xaakinka sheegay.

Sheekh Mutumba, oo laga hakiyay howlihiisii wadaadnimada, ayaan ku sugneyn maxkamadda, sida uu tabiyay wargeyska Daily Monitor.

Mowduucyada la xiriira