Xasuusta dagaalkii Biafra ee Nigeria oo dad badan ay door bidayaan in la illoobo

Africa, Nigeria civil war, Biafra, at the front line, young officer ordering an attack. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Presentational white space

Geerida in ka badan 1 malyan oo qof, oo ku dhimatay dagaalkii sokeeye ee Nigeria, oo dhammaaday 50 sano ka hor waxay cambaar ama bar madow ku tahay taariikhda dalkaas.

Marka si guud looga hadlayo dadka reer Nigeria, dagaalkaas oo ka qarxay abuurista dowladdii Biafra, waxay u arkaan nasiib darro soo martay waddanka oo ku habboon in la iska illoobo, laakiin dadka kasoo jeeda qowmiyadda Igbo, oo u dagaallamay inay maamulka la wareegaan, waxay dhacdadaas u tahay mid lagu aqoonsado.

Sanadkii 1967-kii, markii ay dhaceen labo afgambi iyo qalalaase sababay in qiyaastii 1 malyan oo qowmiyadda Igbo ah ay ku laabtaan koonfurta-bari ee Nigeria, jamhuuriyadda Biafra waxay ku dhawaaqday gooni u goosad, iyadoo uu hoggaaminayay 33 jir milatariga ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Emeka Odumegwu Ojukwu.

Dowladda Nigeria ayaa durba ku dhawaaqday dagaal, ka dib 30 bilood oo uu dagaalkaas socdayna, Biafra way isdhiibtay. 15-kii bishii January ee sanadkii 1970-kii ayuu dagaalkii u istaagay si rasmi ah.

Go'aankii ay dowladda soo saartay ee ahaa "in aysan jirin cid dagaalkaas ku guuleysatay ama ku guul darreysatay" ayaa laga yaabaa inuu dad badan illowsiiyay xasuusta musiibadaas, laakiin dadka reer Nigeria ee asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda Ifbo ayaa kusoo koray iyagoo sheekooyinka noocaas ah ka dhageysanaya dadkii noolaa xilligii uu dagaalkaas socday.

Saddex ka mid ah dadkii kasoo qeyb qaatay ayaa jiilalka xigay la wadaagayay xasuustooda.

'Waxaan isu maleyneynay inaan nahay dad wax indhasarcaadiya'

Christopher Ejike Ago, askari

Ninkan xilliga uu dagaalka qarxayay wuxuu markaas uun ka qalinjabiyay iskuul uu ka dhiganayay naxwaha ingiriiska, wuxuuna billaabay tababar dhinaca caafimaadka xoolaha ah oo uu ku qaadanayay jaamacadda Nigeria(UNN), si uu gacan kare ugu noqdo dhakhtar xoolaha daweeya.

Inta badan ardaydii uu yaqaannay waxay ku biireen dagaalka.

Lahaanshaha sawirka Christopher Ejike Ago
Image caption Christopher Ejike Ago, waa 76 jir kasoo qeyb galay dagaalkii sokeeye ee Nigeria

Isaga laftiisa wuxuu ka mid noqday ciidamadii xukuumadda Biafran, kuwaasoo uu jaajuus u noqday.

"Ciidamada dowladda Nigeria ee nala dagaallamayay waxay ahaayeen askar tababar fiican leh... annagana labo maalmood ayaa tababar naloo sameeyay, dagaalka ayaana nalagu dhex tuuray", ayuu yiri Christopher Ejike Ago.

"Waxaan u maleyneynay inaan nahay dad indhasarcaad wax ku sameeua," ayuu yiri Mr Ago, oo hadda 76 jir ah.

Lahaanshaha sawirka Mirrorpix

Bishii January ee sanadkii 1966-kii, qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee milatariga Nigeria, oo badankood ay asal ahaan kasoo jeedeen qowmiyadda Igbo, ayaa dilay siyaasiyiin waaweyn intii lagu guda jiray afgambigii ka dhacay waddankan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika.

Dadka la khaarajiyay waxaa ka mid ahaa Ahmadu Bello, oo ahaa hoggaamiye si weyn looga yaqaannay, oo kasoo jeeday waqooyiga Nigeria.

Arrintaas waxay sababtay xasuus bilo socday oo loo geysanayay dadka reer Igbo ee ku noolaa dhinaca Waqooyi. Tobannaan kun oo ruux ayaa la dilay halka qiyaastii hal malyan oo kalena ay u carareen gobolka markaas loo yaqaannay Bariga.

Dhacdooyinkan waxay horseedeen in dadka kasoo jeeda qowmiyadda Igbo ay go'aansadaan gooni u goosad.

Sanadkii ugu horreeyay ee dagaalka, dowladda Nigeria waxay qabsatay magaalo xeebeedka Port Harcourt, waxayna hirgalisay go'aamin adeegyada cuntada looga jaray maamulka Biafra.

Lahaanshaha sawirka Evening Standard
Image caption Ciidamada Nigeria oo lagu arkay mid ka mid ah magaalooyinkii ugu muhiimsanaa Biafra, Port Harcourt, sanadkii 1968

Mr Ago wuxuu xasuustaa in saameynta ka dhalatay cunaqabateyntaas ay ay ciidamadii Biafra ku khasabtay inay jiirka cunaan.

Wuxuu sidoo kale xasuustaa in sanadkii ugu dambeeyay ee dagaalka ay ciidankii uu ku jiray marba meel u guurayeen iyagoo ka baxsanaya ciidamada Nigeria ee ka adkaanayay.

"Mar uu dagaalka bartamaha marayay, dadka reer Biafra waxay gaarayeen guulo cajiib ah, kuwaasoo xitaa nasiinayay rajo ah in aan lasii dagaallami karno dowladda Nigeria, ilaa inta aan caawinaad dibadda ah ka heleyno", ayuu yiri.

Laakiin dabayaaqadii 1969-kii ayey rajadii oo dhan kasoo idlaatay.

Dhacdooyinkii dagaalkii Biafra

  • January 1966 - Dowladdii Nigeria waxaa lagu afgambiyay wax markaas loo arkayay "inqilaabkii Igbo" kaasoo ay hoggaaminayeen saraakiil milatariga ka tirsan oo heer hoose ah.
  • January 1966 - Labo-xiddigle korneyl Odumegwu-Ojukwu ayaa ayaa loo magacaabay gobarnatoore milatari ah oo xukuma gobolka bariga
  • July 1966 - waxaa dhacay inqilaab labaad oo uu abaabulay Murtala Muhammed, Labo-xiddigle korneyl Yakubu Gowon ayaana noqday madaxweyne
  • June to October 1966 - Qalalaase ka dhacay dhinaca waqooyiga ayaa lagu bartilmaameedsanayay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Igbo, dad badan ayaana laga dilay halka ilaa hal malyan oo kalena lagu khasbay inay u barakacaan koonfurta-bari ee Nigeria
  • May 1967 - Ojukwu ayaa ku dhawaaqay madax-bannaanida jamhuuriyadda Biafra
  • July 1967 - Dagaal ayaa billowday
  • October 1967 - Waxaa lala wareegay caasimaddaii Biafra ee Enugu
  • May 1968 - Dowladda Nigeria waxay qabsatay magaalada saliidda qaniga ku ah ee Port Harcourt
  • April 1969 - Umuahia, oo ahayd caasimaddii cusbeyd ee jamhuuriyadda Biafra ayey la wareegeen ciidamada dowladda Nigeria
  • January 1970 - Ojukwu ayaa ka cararay Nigeria
  • January 1970 - Biafra ayaa isdhiibtay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gaajadu waxay dishay dad badan, intii uu dagaalka socday

Mr Ago markii dambe wuu isaga baxay ciidanka, isagoo billaabay inuu raadiyo qoyskiisa.

Wuxuu sheegay in saaxiibbadiis iyo ardaydii ay isku jaamacadda ahaayeen badankood lagu dilay dagaalka.

Laakiin qoyskiisu waxay aad ugu farxeen aragtidiisa, maadaama ay u maleynayeen inuu ku dhintay dagaalka. Waxaa kale oo ay ku farxeen inuu u yimid isagoo raashin u wada.

Dadkii taageersanaa jamhuuriyadda Biafra ee ay rasaasta iyo bambooyinka dileen waxaa ka badnaa kuwii u geeriyooday jaagada.

'Waxay heysteen mindiyo iyo baangado oo kaliya'

Felix Nwankwo Oragwu, seynisyahan

Ninkan wuxuu maaddada physics-ka ka dhigayay jaamacadda UNN, markii uu dagaalka sokeeye billaabanayay.

Lahaanshaha sawirka Felix Nwankwo Oragwu
Image caption Felix Nwankwo Oragwu wuxuu hubka u sameyn jiray ciidankii Biafra

30-kii bilood ee uu dagaalka socday, wuxuu madax u ahaa koox seynisyahanno ah oo kasoo jeeda qowmiyadda Igbo, kuwaasoo sameynayay cilmibaaris iyo wax soo saar la xiriira dhinaca hubka.

Howshoodu waxay ahayd inay dhinaca farsamada hubka ka caawiyaan ciidamadii Biafra, oo uu hubka ku yaraa.

"Annaga la'aanteen, dagaalku wuxuu socon lahaa 30 saacadood oo kaliya", ayuu yiri Felix, oo hadda 85 jir ah.

"Markii uu dagaalka billowday, ma jirin wax hub ah oo ay reer Biafra heysteen ama bakhaar ugu jiray. Waxay heysteen mindiyo iyo baangado kaliya. Qori ma jirin, bambo ma jirin, waxba ma jirin", ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Felix Nwankwo Oragwu iyo seynisyahanno kale waxay hubka u sameyn jireen ciidankii Biafran

Caqabadihii ugu waaweynaa ee ay dadkii reer Biafra wajaheen waxaa ka mid ahaa dhaqaale darro, maadaama lacagta ay isticmaali jireen ay noqotay mid aan waxba goynin.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii kasoo jeeday qowmiyadda Igbo waxay ilaa hadda ka cawdaan in lagu gacan bidixeeyo siyaasadda Nigeria.

Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye dhammaaday, wali qof reer Igbo ah madaxweyne kama noqonin dalkaas.

'Wakhti cajiib ah'

Edna Nwanunobi, macallimad

Haweeneydan waxay maaddooyinka ingiriiska iyo Faransiiska ka dhigi jirtay dugsi sare oo ku yaallay magaalada Port Harcourt ee koonfurta Nigeria, halkaasoo uu dagaalka sokeeye ka billowday.

Halka ay UK ka taageersaneyd dowladdii Nigeria, Faransiisku wuxuu si weyn u garab taagnaa Jamhuuriyaddii la magac baxday Biafra.

Laakiin dadka reer Biafra waxay badanaa ku hadli jireen luuqadda Ingiriiska, sidaas awgeedna waxaa loo baahnaa dad af faransiiska yaqaanno oo turjumaanno noqda mar kasta oo ay saraakiisha Faransiiska soo booqdaan Mr Ojukwu.

Lahaanshaha sawirka Edna Nwanunobi
Image caption Edna Nwanunobi waxay turjumaan u ahayd maamulkii Biafra

Ms Nwanunobi waxay ku biirtay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Biafran, waxayna si toos ah ula shaqeyneysay Ojukwu.

"Wuxuu ahaa wakhti cajiib ah, qof walba waxaa lagu khasbayay inuu dadkiisa u keeno ciidamada", ayey tiri Mrs Nwanunobi, oo hadda 82 jir ah.

Waxay aad ula dhacsaneyd inay si toos ah ula shaqeyso hoggaamiyihii Biafra.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ojukwu waxaa loo sameeyay aas milatari oo dhammeystiran bishii March 2012

Ojukwu qudhiisu markii uu waddanka ka cararay wuxuu dibadda ku noolaa muddo 13 sano ah. Ka dib markii ay si rasmi ah cafis ugu fidisay dowladda Nigeria, wuxuu waddanka dib ugu laabtay sanadkii 1982-kii.

Dadweyne fara badan ayaa buux dhaafiyay magaalada uu kasoo jeeday ee Anambra, si ay usoo dhaweeyaan.

Wuxuu geeriyooday bishii November ee sanadkii 2011-kii, waxaana loo sameeyay aas milatari oo dhammeystiran, kaasoo uu ka qeyb galay madaxweynihii Nigeria ee xilligaas, Goodluck Jonathan, oo ay wehlinayeen hoggaamiyeyaal kale oo afrikaan ah.

Konton sano ka dib dagaalkii Biafra, Nigeria waxay wali ku dhibaatooneysaa sidii ay u ilaalin lahayd midnimada, taasoo aan khuseynin Igbo kaliya, balse xitaa kooxo kale ay saameynayaan.

Waxaa laga yaabaa in sababtan ay tahay waxa badanaa loo soo hadalqaadi la'yahay dagaalkaas.

Dowladda waxba kama faa'iideyso inay dadka reer Nigeria xasuusiso arrintii xilligaas dhacday, oo mar kalena la isku dayi karo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan