Boqolaal qof oo webi jiiray iyaga oo baxsad ah

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Boqolaal qof oo muhaajiriin ah ayaa jiiray webi ku yaala koonfurta dalka Mexico si ay u gaaraan dalka Maraykanka.

Dadkan oo ka yimid Honduras ayaa talaabadan qaatay kadib markii loo diiday in ay ka gudbaan buundo ka taloowda webiga Suchiate.

Ciidamada Mexico ayaa xiray inta badan waddooyinkii ay mari jireen dadka tahriibayaasha ah kadib cadaadis kaga yimid madaxweyne Trump.

Ciidamada Mexico ee ka hortaga rabshadaha oo hubeysan ayaa isku dayay in ay hor istaagaan dadkan tirada badan, balse waxa ay dadkii ku hoobteen webiba, waxayna ku gooyeen lugtooda si habqan ah.

Boqolaalkan qof ayaa waxa ay ka midyihiin kumanaan qof oo wada socota, kuwaas oo lagu magacaabay Rixladii Tahriibka, waxayna dhammaan doonayaan in ay lug ku gaaraan dalka Maraykanka.

Dowladda Mexico waxa ay sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay iska joogi karaan dalkeeda, kana shaqaysan karaan, balse aanan loo ogolaanayn in ay Maraykanka u gudbaan.

Balse dadka waxa ay aaminsanyihiin in la qiyaamayo, oo islamarka la diiwaangaliyo, la tarxiili doono.

Madaxweyne Trump ayaa aad ula tacaalay muhaajiriinta sharci darada ah.

Mowduucyada la xiriira