Tiro booliis ah oo loo xirey ninkii balanbaalista

. Lahaanshaha sawirka Reuters

Illaa 53 sargaal oo ka tirsan booliiska dalka Mexico ayaa loo xirxiray, su'aalana laga weediinayaa nin daryeela balanbaalista oo la' la'yahay wax ka badan mudo todobaad ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen dhammaan ciidankii booliiska ee ku sugnaa magaalada Ocampo ee uu ku noolaa Mr Gomez oo la la'yahay.

Ninkan oo ku caanbaxa arrimaha daryeelka deegaanka, islamarkaasna lahaa goob lagu xanaaneeyo balanbaalista, Homero Gómez ayaa la la'yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay muddo todobaad ka badan.

Ninkan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ee dalka Mexico ayaa lagu la'yahay gobolka ay kooxaha maafiyada daroogada ku badanyihiin ee Michoacán.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka baqdin qaba in ninkan ay dileen ama afduubteen kooxaha dhirta jara si looga sameeyo alwaaxa.

Markii dad ugu war dambaysay waxa ay ahayd 13-kii Janaayo, sanadkan.

Dad badan oo ka hor yimid falalkooda ayay kooxahan daroogada dileen muddooyinkii lasoo dhaafay.

Mr Gomez oo 50 jir ah ayaa ah xirfadle dhanka beeraha ah, wuxuuna maamulaa xarunta El Rosario ee lagu daryeelo balanbaalista.

Degelkiisa Twitter ayaa fariin uu soo dhigay waxa uu dadka ku casuumay in ay soo booqdaan xaruntiisa.

Malaayiin balanbaalis ah ayaa sanad kasta xiliyada qaar isaga kala hayaama dalalka Canada, Maraykanka iyo Canada.

Gomez ayaa aad ugu bogay balanbaalista barabaraha leh, taas oo masaafo dheer usoo jarta dalka Mexico si ay halkaas ugu dhasha ama ugu hawo gedisato, waxayna balanbaalista muhiim u tahay taranka geedaha iyo noocyada dhirta ee kale.

Cilmi baarayaal ayaa ogaaday in balanbaalista ay isticmaasho jiheeye tamarta cadceedda ku shaqeeya oo dabiici ah si ay usoo garato halka ay ku wajahantahay marka ay duulayso.

Marka ay Mexico gaarto waxaa hal geed oo kaliya lagu arki karaa tobonaan kun oo balanbaalis ah.

Illaa 200 qof ayaa hadda qeyb ka ah baadi goobka loogu jiro ninkan oo uu taleefoonkiisa shaqaynayay maalmo kadib markii la waayay, fariimana laga soo dirayay.

Mowduucyada la xiriira