Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariir ku dhuftay Turkiga oo sii kordhaya

Dhul-gariirka ayaa sababay in guriyo badan ay burburaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhul-gariirka ayaa sababay in guriyo badan ay burburaan

Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqanaya gobolkii uu Jimcihii ku dhuftay dhul-gariirka si uu ula kulmo dadkii ku waxyeeloobay.

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay kuwaasi oo intooda badan ku noolaa gobolka Elazig.

Dhul-gariirka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 1200 oo qof.

Shaqaalaha gurmadka ayaa waxaa burburka hoostiisa ka soo badbaadiyeen dad gaaraya 40 qof.

Xukuumadda Turkiga ayaa uga digtay dadka in ay dib ugu laabtaan guryaha burburka uu soo gaaray.

Waxaa sidoo dadka uu dhul-gariirka saameeyay loo qaybiyay Teendhooyiin iyo qalabka kale ee qabowga looga gaashaanto.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.

Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay.

  1. Militariga Soomaaliya "uma diyaarsana dagaal"
  2. Mareykanka muxuu Kurdiyiinta u taageerayaa?
  3. Kurdiyiintu maxay yihiin?

Dhul-gariirkan oo ah kii ugu horreyay ee ku dhufta deegaankaasi ayaa waxaa uu dadka ku riday argagax xooggan waxaana la sheegay in xitaa laga dareemay dalalka dariska la ah sida Suuriya, Lubnaan iyo Iran.

Sida ay sheegtay Wasaaradda ka Hortagga Musooboyinka Turkiga, ka dib dhul gariirka waxaa la diiwaan galiyay oo la dareemay ilaa lixdan dhul garir oo yar-yar oo aan dhibaato geysan.

Waxay wasaaraddu sheegtay in ilaa 400 oo ah kooxahaa samatabxiyaasha ay haatan ku sii wajahan yihiin deegaanka musiibadu ku habsatay kuwaasi oo sida teendhooyin iyo sariiro loogu talagalay dadka halkasi ku barakacay.

Dhul-gariirka ayaanan ku cusubeyn Turkiga oo sannadkii 1999-kii waxaa galbeedka magaalada Izmit ku dhuftay dhul-gariir ay ku dhinteen ilaa 17, 000 oo qof.

Mowduucyada la xiriira