Tababare ciyaaraha Afghanistan ayaa shegeysa in ay dalka ka carareyso kadib markii la toogtay eygeeda

Sahba Barakzai, iyo eygeeda Lahaanshaha sawirka Sahba Barakzai

Sahba Barakzai, xubnaha qoyskeeda iyo eygeeda oo lagu magacaabo Aseman ayaa Jimca kaste taga buuraha u dhaw gurigooda oo ku yaalla galbeedka Afghanistan.

Haseyeeshee Jimcihii hore ayaa waxaa ku habsatay arin murugo leh, kadib markii rag aan heybtooda la aqoon ay soo weerarreen qoyskaasi, kadibna toogasho ku dileen eyga yar ee ay jeclayd gabadhu.

Ragga weerarka geystay ayaa Sahba u sheegay in dumarka aanay mudneyn inay ey yeeshaan.

Balse Sabha ayaa ka walaacsan in raggaasi ay ujeedo kale lahaayeen oo ay diiddan yihiin gabdhaha ay barto isboortiska.

"Weli ma aan garan waxa ay doonayeen ragga na soo weerarray, balse waxaa suuragal ah in weerarka uu xiriir la leeyahay shaqadeeda," ayay Setayesh oo Sahba la dhalatay u sheegtay BBC-da. "Waa gabadhii ugu horreysay ee naadi ciyaarta karate-ga ah ku yeelata dalkan, arimahaasi oo mamnuuc ka ah halkan." Ayay hadalkeeda raacisay.

Sahba ayaa muddo toban sano ah carruurta magaalada Herat baraysay ciyaarta Karate-ga, marar badan ayaana loo hanjabay.

Waxa ay sidoo kale samaysay naadi baaskiil kaxaynta ah oo u gaar ah gabdhaha, tartankaasi oo tobanaan sano ka hor caan ka ahaa Afghanistan, ka hor inta aan laga mamnuucin shaqooyinka, iskuullada iyo inay ka baxaan guryahooda ayagoo aanu la socon muxramkooda.

Weerarka kadib, Sahba ayaa go'aansatay inay xirto xarumaheeda isboortiga, ayna u gudubto dhanka Iran halkaasi oo ay rajeyneyso inay ku badbaadi doonto.

Lahaanshaha sawirka Sahba Barakzai