"Mas halis ah oo nin macallin ah koofiyaddiisa ku jiray intii uu safrayay"

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Nin u dhashay waddanka Hindiya ayaa sheegay inuu si dirqi ah geeri uga badbaaday kaddib markii uu mooto u safrayay muddo 11 kiiloo mitir ah, isagoo koofiyaddii madaxa uu ku watay uu ugu dhex jiray Mas aad u halis badan.

K A Ranjith, oo ah macallin ka howlgala gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa sheegay inuu koofiyaddiisa iska bixiyay kaddib markii uu dhammeystay safarkiisii maalinlaha ahaa, markaasoo uu arkay maska ay suntiisa haliska tahay oo ku laalaaban gudaha koofiyadda, oo ah kuwa amaan ahaanta loo xirto marka mootooyinka la kaxeynayo.

Laakiin nasiib wanaag, maska ayaa markaas ahaa mid aan nooleyn, waxaana la sheegay inuu ku bakhtiyay cadaadiska koofiyadda iyo madaxa macallinka oo isu qabtay.

Ninkan ayaa islamarkiiba loola cararay isbitaalka ugu dhawaa, halkaasoo ay dhakhaatiirta ugu sheegeen inuusan maska wax qaniinyo ah u geysanin.

Mr Ranjith ayaa islamarkiiba dab qabadsiiyay koofiyaddiisii, isagoo soo iibsaday mid cusub.

Dabayaaqadii bishii March ee sanadkii hore, nin u dhashay islawaddankaasi Hindiya ayaa aad u argaxay kaddib markii uu la kulmay dhacdo tanoo kale ah, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas.

Bibhuti Bhusan Sahu, oo daggan meel u dhow magaalada Bhubaneswar ee bariga Hindiya ayaa koofiyaddii uu mootaka ku wadan jiray xirtay isagoo uu mas ugu jiray, xilli uu biyo soo dhaansanayay.

Ma jirin wax dhibaato ah oo ninkaas qudhiisa kasoo gaartay maska ugu dhuuntay koofiyadda.

Mowduucyada la xiriira