Soomaaliya oo ay suurtagal tahay in deymaha laga cafiyo bilaha soo socda

Bangiga dhexe ee Soomaaliya
Image caption Bangiga dhexe ee Soomaaliya

Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo IMF iyo bangiga Adduunka ayaa aqbalay in Soomaaliya ay gaartay heer ay u qalanto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Guddiyada fulinta ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka ayaa shiray 12-kii iyo 13-kii bishan February, si ay u eegaan in Soomaaliya ay u qalanto in deymaha lagu leeyahay laga dabbaro, iyadoo markaas loo oggolaanayo in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto barnaamij loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay, kaasoo loo yaqaanno HIPC.

Tallaabadan ayaa noqoneysa horumar weyn oo loogu tallaabsaday cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, kuwaasoo lagu qiyaasay lacago dhan $5.3 billion oo doolarka Mareykanka ah, dabayaaqadii sanadkii 2018-kii, sida ay sheegtay IMF-ta.

Kaddib markii uu soo idlaaday shirkii 12-ka bisha, Kristalina Georgieva, agaasimaha guud ee IMF ahana ku simaha guddoomiyaha ayaa tiri: "Go'aanka uu maanta golaha fulinta ee IMF ku gaaray in Soomaaliya ay u qalanto ka cafinta deymaha waa arrin taariikhi ah. Waxay caddeyneysaa sida loo aqoonsaday in Soomaaliya dadaal dhab ah u sameysay isbaddalada dhinaca dhaqaalaha iyo shuruudihii looga baahnaa ee ay kormeerka ku heysay IMF".

"In Soomaaliya laga caawiyo inay gaarto guul deymaha looga cafiyo si markaas ay fursado kale ugu hesho dhaqaalaha ka taageeri kara yareynta faqriga waa howl mudnaan gaar ah u leh IMF", ayey tiri.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Sidoo kale madaxweyaha Bangiga Adduunka oo David Malpass, oo hadlayay kaddib shirkii dhacay 13-kii bishan ayaa bogaadin u jeediyay Soomaaliya.

"Maanta waxay Soomaaliya qaadday tallaabo muhiim ah oo u sahleysa inay dib u billowdo dhaqaalihii ay ka heli jirtay hay'adaha caalamiga ah ee deymaha bixiya, oo ay ku jirto IDA, kaasoo ah sanduuq aan ugu talagalnay dalalka saboolka ah. Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa inay isbadallo dhinaca horumarka ah sameysay, taasoo wax badan ka qaban karta hoos u dhigista faqriga", ayuu yiri Mr Malpass

Goormaa la filayaa in go'aanka kama dambeysta ah lasoo saaro?

Soomaaliya oo deymaha intooda badan lagu yeeshay xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee burburtay 1991-kii ayaa dadaal dheer ugu jirtay sidii looga cafin lahaa deymahaas oo gaaray heer xad-dhaaf ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka kasoo baxay hay'adahan caalamiga ah.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdi raxmaan Ducaale Beyle

Cabdi raxmaan Ducaale Beyle, oo ah wasiirka maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay IMF-ta iyo Bangiga Adduunka uu yahay mid guul u ah Soomaaliya.

"Sadax Sano ee la soo dhaafay ayuu socday wadahadalka deynta cafinta Soomalaiya oo soo maray Afar Weji, mid walbana ay ku xirnaayeen shuruudo muhiimaddoodu ahayd dib u habeynta hay'adaha dhaqaalaha Dalka" ayuu yiri Beyle.

Wasiirka ayaa dhinaca kale faahfaahiyay goorta la filayo in lagu dhawaaqo go'aanka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya.

"Saddex qeybood ayaa lacago nagu leh, Waxaa hormuud u ah IMF, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa horumarinta Afrika, iyaga ayaana dariiqa deyn cafiska sameeyay. Markii saddexdooda la isku wada qabto waa hal qeyb, labada dhinac ee kale ee deymaha ku leh Soomaaliya waa qolada la yiraahdo Paris Clup iyo kuwa saddexaad oo loo yaqaanno non Paris Club. Ilaa bisha March ayaa la filayaa in lasoo saaro go'aanka kama dambeysta ah ee deynta looga cafinayo Soomaaliya", ayuu yiri asiirka.

Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ah u xusul duubayay inay u hoggaansamaan shuruudaha lagu xiray, si ay ugu qalmaan in deymaha laga dul qaado.

Dulsaarka Deynta kordhiyay

Image caption Dulsaarka deymaha Soomaaliya lagu leeyahay ayaa sii kordhaya

Bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Magaalada Washington kulamo kula yeeshay saraakiil ka socotay Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.

Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa horay BBC-da ugu sheegay in deymahaas intooda badan ay dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre qaadatay intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.

"Waxaa deynta inteeda badan la qaatay markii ay dowladdii Siyaad barre u wareegtay hannaanka hanti goosadka, wuxuu madaxweynuhu heshiisyo lasoo galay bangiga adduunka iyo hay'adda lacagta ee IMF, waxaana dalka la keenay mashruucyo ay ka mid ahaayeen horumarinta beeraha, ka faa'iideysiga xeebaha iyo kuwo kale", ayuu yidhi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: "Lacagta deyn ahaanta loo qaatay waxaa ka badan dulsaarkeeda, 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa kusii kordhayay dulsaar, mas'uuliyiinta dowladda ma aysan sheegin wajiyada ay kala leedahay deynta laga cafinayo iyo nooca ay tahay".

Shuruudaha lagu xiray in deynta la cafiyo

Dhanka kale Caalin ayaa sheegay in cafinta deynta ay ka horreeyaan tallaabooyin laga doonayo in dowladaha ay qaadaan.

"Shuruudaha ugu horreeya ee adduunyadu ay martay, tusaale ahaan waddanka Afqaanistaan, oo deynta qeyb ka mid ah laga cafiyay, waxaa ka mid ah in musuqmaasuqa la xaddido, in la helo dastuur uu waddanka leeyahay oo uu ku cadyahay hannaanka canshuuraha, iyo in waxa lagaa cafinayo ay tahay qeyb ka mid ah, qeybta kalena lagaa rabo inaad awood u yeelatid, ma jirto deyn dhammaanteed la wada cafinayo", ayuu yidhi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan