Xanuunka Coronavirus oo sare u qaaday tirada dadka doonaya diyaaradaha khaaska ah

Diyaarad Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Diyaarad Khaas ah

Shirkadaha duulimaadyada khaaska ah ayaa sheegay inay aad u bateen dadka wax ka weydiinaya diyaaradaha sida gaarka ah loo kireysto tan iyo markii uu dillaacay xanuunka coronavirus.

Iyadoo ay shirkadaha duulimaadyada caadiga ah ay yareeyeen safarradooda Shiinaha, ayaa waxaa hadda go'doonsan dad badan uu ku sugan gudaha iyo dibedda waddankaasi.

Dadka maalqabeenka ah ayaa billaabay inay kireystaan diyaarado khaas ah si ay u tagaan goobaha ay doonayaan, walow kharashka ku baxaya uu aad u badan yahay.

Hase yeeshee shirkado badan ayaa iska diiday dalabaadkaasi maadaama ay jirto xayiraad dhanka socdaalka ah iyo iyagoo la' diyaarado goobahaasi u duulla.

Sameecadaha dhagaha la gashado oo ku qarxay haweenay diyaarad saarnayd

Qoys masaafurin ka badbaaday iyaga oo diyaaraddii wadday ay duushay

Duuliye geeriyooday isagoo wada diyaarad

Darin Voyles oo ka tirsan shirkadda Paramount Business Jets ayaa sheegay inay aad u bateen dalabaadka duulimaadyada khaaska ah, balse aysan awoodin inay fuliyaan.

"Qaar badan oo kamid ah shirkadaha duulimaadyada khaaska ah ayaan dooneyn inay diyaarado iyo shaqaale u diraan dhul-weynaha Shiinaha, maadaama ay taasi khatar gelin karto caafimaadka shaqaalaha iyo in marka ay soo laabtaan la karantiilayo muddo laba todobaad ah,"

Shirkadda MyJet Asia ee fadhigeedu yahay Singapore ayaa sheegtay in bishii la soo dhaafay ay heshay dalabaad boqolkiiba 90 ka badan kuwii hore. "Dad badan ayaa Shiinaha ka soo baxay xilligii sanadka cusub ee dalkaasi, waxaana ay hadda doonayaan inay dib ugu laabtaan," ayuu yiri Logan Ravishkansar oo ah madaxa shirkaddaasi.

Qaar badan oo dadkaasi kamid ah ayaa doonaya inay ka degaan magaalooyinka Beijing, Shanghai iyo Hong Kong.

"Balse wey xaddidan yihiin magaalooyinka aan ka degi karno, shirkadaha ma oggola inaay qaadanno diyaaradahooda xitaa dalabaadka sarreeya awgood," ayuu hadalkiisa raaciyay Ravishkansar.

Dhanka kale waxaa jira dad badan oo ku go'doonsan gudaha Shiinaha kuwaasoo doonaya in halkaasi laga daadgureeyo.

Diyaaradaha aadka u yar ee qaada labada ilaa afarta qof ee rakaabka ah ayaa saacaddii waxaa lagu kireeyaa 2,400 oo doolar sida ay sheegtay shirkadda Paramount Business Jets, halka kuwa dhexdhexaadka ah ee qaada sideed ilaa tobanka qof ee rakaabka ah saacaddii lagu kireeyo 6,000 oo dollar.

Mowduucyada la xiriira