Feysal Cali Waraabe: 'Muuse wuxuu doonayaa xisbiya yaryar oo bilaa sharciya inuu sameysto'

Adeeggani hadda iyo wixii ka danbeeya ma jiro oo ma heli kartid

Xisbiyada mucaaradka Jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen Hargaysa ku dhaliilay hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ahaa maadaama oo ay isku afgaran waayeen habka dhisidda gudida doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo shirka Jaraa'id kaddib BBC u warramay wuxuu sheegay " Hadalka madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in xisbiya cusub la furayo iyo arrima la xidhiidha uu yahay mid sharciga ka hor imanayo go'aankaasina uu uga gol leeyahay xisbiyada horay u jiray ee labada ah uu meesha ka saaro uu sameyso xisbiyo yaryar oo bilaa sharci ah inuu sameysto."

Wariyaha BBC Faaduma Macallin Abuukar ayuu u warramay.