"Haybsooca damqashada uu leeyahay waxaad nala dareemi lahayd adiga oo saacada magaca nala wadaaga"

Beelaha la hayb sooco in aanan gabdhohooda la guursan, iyo in aan loo ogollaan guurka beelaha kale kuma koobna faquuqa haystaa.

Waxa ay ka xirxiran yihiin dhexgalka iyo la macaamilka bulshada ay la nool yihiin iyagoo ka warwarqaba inay maqlaan erayo niyadda kasii jabiya.

Taas ayaa loo aanaynayaa sababta ay nolosha beelaha la hayb soocaa loogu tilmaami karo mid ka hoosaysa Soomaalida kale.

Jaamac Khadar Gaws waxa uu guddoomiye ka ahaa toban sannadood qaybta ay beeshiisa oo kuwa la haybsooco ahi kaga nooshahay magaalada Hargeysa.

Weriyaha BBC ee magaalada Hargeysa Sadiiq Maxamed Burmad ayuu uga warramay dhacdooyin xanuun badan oo lagu faquuqay dhalinyaro beeshiisa ah oo guursaday gabdho beelaha kale kasoo jeeda oo ay is jeclaadeen.

Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhammeystiran.