Hal maalin markuu madaxweyne ahaa ayuu is casilay isagoo naftiisa u baqaya

Cipriano Cassamá

Xigashada Sawirka, Dan Sanha

Qoraalka sawirka,

Cipriano Cassamá was speaker of parliament until he briefly became president

Mid ka mid ah labada madaxweyne ee looga dhawaaqay Guinea-Bissau ayaa xilkii iska casilay kaddib markii uu hal maalin oo qura xafiiska joogay, isagoo sheegay inay naftiisa khatar ku jirto.

Cipriano Cassamá waxaa xilka madaxweynaha u doortay xildhibaannada baarlamaanka, markii uu muran hareeyay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Mudaneyaasha doortay Mr Cassamá ayaa tallaabadaas qaaday iyagoo og in Janaraalkii hore ee Ciidamada dalkaas Umaro Cissoko Embaló horayba xilka madaxweynaha loogu dhaariyay xaflad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Bissau.

Dalka Guinea-Bissau ayey ilaa 9 isku day oo afgambi ah ka dhaceen tan iyo sanadkii 1980-kii.

Waddanka uu horay u gumeystay Boortaqiiska, oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale xuddun u ah ganacsiga kala dhoofinta daroogada laga keeno Konfurta Ameerika ee loo sii gudbiyo Qaaradda Yurub.

Arrintaas ayaa sababtay in loo bixiyo magac naaneys ah "Waddankii daroogada".

Waa maxay sababta ay Guinea-Bissau u yeelatay labo madaxweyne?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ciidamo ka socda dalalka gobolka ayaa sannado ku sugnaa Guinea-Bissau si ay uga hor tagaan dagaal ka dhaca halkaas

Doorashadii la qabtay dabayaaqadii sanadkii hore ayey ujeeddadeeda ahayd in laga gudbo taariikhdii lasoo dhaafay, laakiin waxay horseedday xasarado siyaasadeed oo hor leh.

Dalkan ayaa ah mid ay hoggaanka milatariga ku leeyihiin galaangal siyaasadeed oo aad u baaxad weyn.

Guddiga qaran ee doorashooyinka ayaa sheegay in Mr Embaló uu ku guueystay tartankii xilka madaxweynaha, uuna ka adkaaday Domingos Simoes Pereira.

Waxay sheegeen in Mr Embaló uu helay codad gaaraya 54% halka siyaasiga la loollamayayna uu helay 46%.

Doorashadaas oo muran weyn dhalisay ayaa dhacday 29-kii bishii December.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Taageerayaasha Mr Embaló oo dabaaldagaya kaddib markii lagu dhawaaqay inuu guusha helay

José Mário Vaz, oo ah madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday, ayaa xilka ku wareejiyay Mr Embaló kaddib markii xaflad la qabtay maalintii Khamiista.

Laakiin xisbiga PAIGC ee Mr Pereira, oo hormuud ka ahaa halgankii xornimada Guinea-Bissau isla markaana ahaa xisbiga kaliya ee sharciyeysnaa ilaa laga soo gaaro sanadkii 1990-kii, ayaa ku gacan seyray caleema saarka Mr Embaló, waxayna sheegeen in doorashada lagu shubtay.

Kaddibna waxay isticmaaleen aqlabiyadda ay ku leeyihiin baarlamaanka, waxayna madaxweyne ku meel gaar ah u dhaariyeen Mr Cassamá, oo ahaa afhayeenkii Baarlamaanka.

Xisbigan ayaa sheegay in arrintu ay sidaas ahaan doonto ilaa ay maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaas go'aan kasoo saareyso. Hase yeeshee

Hase yeeshee Mr Cassamá, ayaa shaaciyay inuu xilka loo dhiibay iska casilay.

Muxuu yiri Mr Cassamá?

Mr Cassamá wuxuu sheegay inaysan jirin waddo kale oo u furneyd, oo aan ka ahayn inuu xilka ka dago, maadaama uu helay hanjabaado loogu jeediyay "in la dili doono".

"Anigu ma lihi ilaalo... Nafteyda ayaa khatar ku jirta, qoyskeyga noloshoodana khatar ayey ku jirtaa, Nolosha dadka qarankanna khatar ayey ku jirtaa. Ma aqbali karo taas, waana sababta aan go'aankan u qaatay", ayuu yiri isagoo la hadlayay suxufiyiinta.

Mr Cassamá ma uusan magacaabin cidda ugu hanjabtay inay dili doonto.

Dhinaca kale Guinea-Bissau labo Ra'iisul Wasaare oo iska soo hor jeedda.

Maalintii Axadda, mid ka mid ah, oo lagu magacaabo Aristides Gomes, ayaa sheegay inay saraakiil ka tirsan milatariga ugu tageen gurigiisa ku yaalla magaalada Bissau, iyagoo sida uu sheegay isku dayaya inay ku khasbaan inuu is casilo.