Muxuu yahay baska uu wiilka ku dhintay ee ay dalxiiseyaashu khatarta ugu bareeraan?

Baska ku dhex jira barafka

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan

Qoraalka sawirka,

Baskan waxaa lagu karantiilay meel u dhow wabiga lagu magacaabo Teklanika River

Ku dhawaad 30 sano ka hor, aqoonyahan da' yar oo Mareykan ah ayaa go'aansaday inuu wax walba oo uu ugu deeqo hay'ad samafal kaddibna uu duurka iska galo isagoo kaligiis ah, si uu uga fogaado nolosha caadiga ah.

Maadaama uu jaamacad dhammeeyay, wuxuu tallaabadaas qaaday markii la filayay inuu raadsado shaqo uu aqoontiisa ku helo.

Markii uu gaaray gobolka Alaska, wiilkan oo lagu magacaabi jiray Chris McCandless, wuxuu dhex dagay bas duurka lagu dayacay, oo ay badanaa hoy ahaan u isticmaali jireen dadka ugaarsatada ah.

Wuxuu ku noolaa noloshii uu ku riyoon jiray ee ahayd inuu dago meel ka baxsan dhulka caadiga ah, maadaama goobta uu baskaas yaallo ay tahay meel baraf ah.

Laakiin muddo afar bilood gudahood ah ayuu ku dhintay.

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Qoraalka sawirka,

Emile Hirsch wuxuu filimka qisada laga sameeyay ku matalayay Chris McCandless, filimkaasna waxaa la jilay sanadkii 2007

Qisadiisa waxaa laga sameeyay buug, kaddibna waxaa laga matalay Filim, labadoodana waxaa magac looga dhigay (Into the Wild = Galitaankii Duurka).

Buugga iyo filimka ayaa saameyn dhinaca maskaxda ah ku yeeshay dadka ka cararaya nolosha shaqada subixii la aado ee galabtii casar gaabadka laga soo laabto.

Qaarkood ayaa doonaya inay ka war doonaan nolosha duurka, halka kuwo kalena ay dalxiis ayaan u rabaan.

Kuwo badan oo ka mid ah dadkan ayaa isku daya inay gaaraan baskaas cajiibka ah ee uu bilihiisii ugu dambeeyay noloshiisa ku qaatay McCandless.

Laakiin inta aan la gaarin goobta uu baska yaallo, waxaa jira khataro badan oo kasoo horreeya.

Koox dalxiiseyaal ah ayaa isbuucan lasoo badbaadiyay iyagoo naftooda halis u galiyay sidii ay halkaas u tagi lahaayeen.

Inkastoo mas'uuliyiinta dowladda ay marar badan ka digaan, haddana dadka ayaa u muuqda kuwo ay ka go'antahay inay baska booqdaan.

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah dalxiiseyaasha waxay waxyaabo kale oo ay booqashada khatarta ah uga maarmaan

Baskan wuxuu yaallaa meel ku taalla bartamaha gobolka Alaska, gaar ahaan cirifka waqooyi ee xerada xayawaannada lagu xannaaneeyo ee Denali National Park.

Magaalada ugu dhow waxay u jirtaa 30 meyl oo u dhiganta qiyaastii 48 kiiloo mitir.

Dadka doonaya inay booqdaan baskan waxay ku khasban yihiin inay ka gudbaan wabiga sida dhakhsada badan u qulqula ee Teklanika

Labo qof ayaa horay ugu geeriyootay iyagoo wabigaas ka gudbaya si ay baska u gaaraan.

Dadkii ugu dambeeyay ee safarka lagu aado baskan ku dhintay waxaa ka mid ah haweeney xilligaas mar u dhow uun aqal gashay oo lagu magacaabi jiray Veramika Maikamava, taasoo 24 jir ahay.

Waxay geeriyootay bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay kaddib markii ay biyaha wabiga hafiyeen iyadoo isku dayeysa inay ka gudubto halkaas, xilli uu seygeedana la socday.