Coronavirus: Sida wararka beenta u faafaan

Graphic of social media and virus

Waxaa jiro macluumaad aad u badan oo marin habaabin ah oo lagu dhex wareejinayo baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira coronavirus - laga soo billaabo talo caafimaad oo aan waxba ka jirin illaa qorshe beenaad dowladda loo saarinayo.

Halkan ka akhriso sida hal farriin ay u baahday.

Waa tiro talooyin iyo waxa la sameyn karo ah - qaar waa run, kuwana waxay u badan tahay in dhibaato lagala kulmo - waxaana la iskula wadaagayaa Facebook, WhatsApp, Twitter iyo meelo kale.

Waxaa loogu magacdaray "Adeerka haysta shahaadada Master-ka" oo isku sheegtay isha macluumaadka. Taas waxay gaartay Facebook-ga uu leeyahay odey 84 sano jir ah oo Britain deggan illaa barta Instagram-ka ee soojeediyaha Barnaamij telefishin oo ka baxa Ghana, waxayna u sii gudubtay Bogaggag Facebook Catholic-ga India iyo meelaha looga hadlo coronavirus, WhatsApp group-yo iyo Twitter-ka.

Marka ugu horeysa ee aad eegto waxay u muuqataa farriin sax ah, sababtoo ah waxaa lagu xiray meelaha wararka saxda ah laga helo: dhakhtar, machad, ama qof si fiican wax u bartay".

Farriintii ugu horreysay

Markii ugu horeysay ee aan ogaanay in farriintan la dhigay Facebook waxay ahayd 7-dii February. Waxaa lagu baahiyay bog lagu magacaabo Happy People oo ku dhowaad 2,000 oo qof ay ku xiran yihiin.

Farriinta waxay dheheysay: "Qof aan isku fasal nahay adeerkii, oo haysta shahaadada Master-ka, oo ka shaqeeya cisbitaalka Shenzhen, ayaa loo diray inuu baaro fayraska oof-wareenka. Hadda ayuu isoo wacay wuxuuna iga codsaday in asxaabteyda aan la sii wadaago..."

Lahaanshaha sawirka Facebook

Talooyinka la socday farriintaas waa marin habaabin ama been. Mid ka mid ah waxay ahayd in fayraska "aadan qabin haddii sankaaga ay wax ka socdaan".

Sida ay sheegeen hay'adaha xaqiijiya arrimana ee Full Fact iyo Snopes, oo soo xigtay maamullada arrimaha caafimaadka sida xarunta xakameynta cudurrada Mareykanka (CDC) iyo Lancet; haddii sanka uu diif ka socdo waa arrin aan badnayn - balse waa lagu arkay qaar ka mid ah bukaanada coronavirus.

Farriinta waxay sidoo kale dadka kula talineysay in ay "biyo kulul cabaan" iyo "in ay isku deyaan cabitaanka barafka". Laakiin hadda ma jirto caddeyn rasmi ah oo muujineysa in waxyaabahan ay ka hortagayaan ama daweynayaan coronavirus.

"Taas wax lagu taageeri karo ma jirto," ayuu yiri Alex Kasprak oo ka tirsan Snopes. "Waa xaalad xun in taas la arko, waa mid khatar wayn ah."

Waxaan isku deynay inaan la xiriirno qofka farriintaas baahiyay; ma uusan soo jawaabin.

Farriinta way baahday

Talooyiinkaas beenta ah waxaa aad loo sii faafiyay dhowr maalmood ka dib, waxaa sii baahiyay nin lagu magacaabo Glen oo India ku sugan. Wuxuu dhex dhigay dhowr Facebook group-yo oo ay ka mid yihiin kuwa mad'habka masiixiyadda ee Catholic-ga.

Farriintii hore ee 7-dii February ayaa la soo cusbooneysiiyay waxaana lagu daray macluumaad dheeraad ah. In kastoo farriinta cusub ay dheheysay "Qof aan isku fasal nahay adeerkii, wuxuu haystaa shahaadada Master-ka... hadda ayuu isoo wacay wuxuuna iga codsaday in aan asxaabteyda la wadaago...", Glen waa hubaal in aan la soo wicin.

Wuxuu sheegay in farriinta "lala soo wadaagay isagana uu sii baahiyay".

Lahaanshaha sawirka Facebook

Macluumaadka dheeraadka ah ee lagu soo daray waxaa ka mid ahaa kuwo sax ah sida in gacmaha la iska dhaqo, taas oo aasaas u ah ka hortagga.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa talooyin been cad ah oo marin habaabin ah. Waxay ka hadashay sida uu xanuunka ku sii bato oo faah-faahsan. Laakiin dhaqaatiirta waxay sheegayaan in astaamaha coronavirus ay kala duwan yihiin, aysanna jirin wax rasmi ah oo qeexaya sida uu jirka ugu faafo.

Farriintii way sii baahday

Muddo isbuucyo ah, waxay ahayd mid ku baaheysay meelo iska caadi ah. Laakiin 27-kii February, nin 84 sano jir ah oo lahaan jiray xarun farshaxan oo lagu magacaabo Peter ayaa ka dhigay mid aad u sii baahda.

Farriinta Peter waxay la mid ahayd tii Glen, balse waxaa mar kale la socday macluumaad cusub - kuwaas oo qaar kood ay been iyo marin habaabin ahaayeen.

Peter markii uu soo dhigay bartiisa farriinta si degdeg ah ayey aad ugu faaftay, taas oo dhalisay in xaqiijin ay ku sameeyaan hay'ado sida Full Fact iyo Snopes. Labada hay'adoodba waxay qoreen macluumaad faah-faahsan oo sheegashada ay uga fal-celiyeen, iyagoo soo xiganaya hay'ado waaweyn sida WHO, CDC NHS iyo kuwo kale.

Tusaale ahaan, mid ka mid ah talooyinka la socday farriinta beenta ah waxay ahayd in "fayraska uu neceb yahay kuleylka qorraxda", balse ilaa iyo hadda caddeyn looma hayo in iftiinka qorraxda uu ku dhinto fayraska, kiisas ayaana laga soo sheegay dalal badan oo hadda uu kuleyl ka jiro.

Lahaanshaha sawirka WHO

Peter, oo deggan Koonfurta England, wuxuu tirtiray qeybta marin habaabinta ahayd, balse waxayba ahayd xilli ay sii faafiyeen in ka badan 350,000 oo qof.

Markii ay BBC-da la xiriirtay, Peter ma sheegin meesha dhabta ah ee farriinta uu ka helay, balse wuxuu sheegay in xilligaas uu ku kalsoonaa meesha uu macluumaadkaas ka helay.

Farriintii way is bedeshay

In kastoo Peter uu dib u saxay farriinta, haddana farriintii hore ayaa si degdeg ah u baahday iyadoo la beddelay. Qaarkood waxaa lagu sii daray macluumaad been ah.

Meesha macluumadka laga helay ayaa sidoo kale la bedelay. Farriimihii la cusbooneysiiyay, kuwaas oo ka gudbay Facebook oo gaaray WhatsApp iyo Twitter, waxay "adeerkii Master-ka haystay" noqotay "xubin ka tirsan guddiga cisbitaalka Stanford" iyo xitaa saaxiibkey walaashiis, saaxiibkey walaalkii oo ka mid ah guddiga cisbitaalka Stanford". Sidoo kale waxaa jiray akhbaaraad loo tiiriyay "dhakhtar Japan u dhashay" iyo "khabiir Taiwan u dhashay" - iyo waxyaabo kale oo badan.

Farriimaha lagu xusay Satnford, waxay Facebook ka soo muuqdeen in ka badan 100 goor - degdegga ay u faaftay waxay sababtay in jaamacadda ay warbixin soo saarto oo ay ku beenisay arrintaas.

Farriintii luqado kale ayaa lagu turjumay

Ka dib farriinta waxay sii gaartay daafaha caalamka - waxaa sii faafiyay dad caan ah, sida qof barnaamij soo jeediye ka ah TV Ghana laga leeyahay, jilaa American ah iyo kumannaan dad iska caadi ah.

Haweeney American ah ayaa bog Facebook oo lagu magacaabo Coronavirus Updates gelisay - waa bog ka mid ah kumannaanka meel ee diiradda lagu saarayo fayraska corona.

Farriintan cusub waxaa loo tiiriyay "Saaxiib adeerkii oo militariga ka mid ah".

Lahaanshaha sawirka Facebook

Markale, farriimaha qaarkood waxaa la soo raaciyay macluumad sax ah - balse waxaa ka buuxay talooyin dhibaato geysan kara.

Soo minguurin

"Adeer heysta shahaadaha master-ka" waa nooc gaar ah oo farriin faaftay ah - erayga hal-ku-dhigga ah ee loo adeegsadayna waa "soo min guurin". Tani micnaheedu waa in qof uu xogta soo qaato kaddibna sii faafiyo isla iyadii halkii uu qaab la wadaagis ah(share) ku faafin lahaa.

Taasi waxay farriin kasta ka dhigeysaa mid u eg asal: waxay u ekaaneysaa farriin uu qoray qof aad taqaannid, sida saaxiib ama qaraabo, waxayna taas kordhineysaa suurtagalnimada inaad aamintid.

Waxaa jiray farriimo badan oo asal u muuqday, qof walbana uu si gaar ah ugu daabacayay baraha bulshada.

Waxa uu Facebook sameynayo

Qoraallada marin habaabinta ah ee aan waxyaabaha beenta ah laga saarin, Facebook waxay ka qaadeysaa tallaabo, sida uu BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay shirkaddaas: "Qoraallada noocan ah waxay ku xad gudbayaan shuruucdeenna waana laga saaray meeshay".

"Si aan kala joogsi lahayn ayaan u shaqeynaa si aan u tirtirno qoraallada iyo sawirrada waxyeellada leh ama marin habaabinta ah ee ku saabsan coronavirus", ayuu yiri afhayeenka.

"Facebook waxay sidoo kale kaashaneysaa hay'adda caafimaadka qaran ee UK ee NHS si ay dadka ugu soo gudbiso macluumaadka saxda ah ee loo baahan yahay iyo talooyinka ola xiriira coronavirus", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shirkaddu waxay sidoo kale sameysay qaab ay ku ogaan karto xogaha ay ku jiraan waxyaabaha aan saxda ahayn ee isku midka ah.

Shirkadaha ugu waaweyn dhinaca tiknoolojiyadda ee Facebook, Microsoft, Google, Linkedin, Reddit, Twitter iyo YouTube ayaa dhammaantood wacad ku maray inay si wadajir ah iskula shaqeyn doonaan, si ay ula dagaallamaan macluumaadka marinhabaabinta ah ee ku saabsan coronavirus.

isku qasitaanka runta iyo waxa aan micnaha sameyneynin

Dadka faafinaya sheekada ku saabsan "adeerka mastar-ka heysta" - oo noocyo kala duwan loo sameeyay, ayaa wali sii badanaya - sida guudna kama aha inay tallaabo khaldan kas u sameynayaan: balse sida caadiga ah waxay aaminsan yihiin inay wax run ah faafinayaan.

Ama waxaaba laga yaabaa inaysan hubin xaqiiqada ku saabsan farriintaas, laakiin ay rumeysan yihiin inay si walbaba dadka kale caawinayaan, iyagoo ujeeddadoodu ay tahay in haddiiba uu warkan run yahay uu gaaro dad badan.

Marka si guud loo eego, dadkaas ma aha doqomo. Way sahlantahay in lagu duufsado haddii ay cabsi kugu jirto.

Saddex su'aalood oo la isweydiiyo ka hor inta aadan wax sii faafinin

  1. Isha xogtu ma waxay u muuqataa inay ka mid saaxiibkaas saaxiibkiis oo aadan adigu toos ula xiriiri karin? Markaas ka salgaar arrinta adigoo ogaanaya meesha ay kasoo farcantay sheekada - ama haba sii faafinin oo halkaas ku dhaaf. Inuu kuu soo diray qof aad ku kalsoontahay micnaheeda ma aha inuu isagu kasii helay qof uu yaqaanno.
  2. Xogta oo dhan ma u muuqataa mid run ah? Marka ay jiraan liisas dhaadheer way sahlantahay in wax walba oo ku jira la rumeysto, sidaas darteed waa inaad wada hubisid.
  3. Xogtu ma kicineysaa dareenkaaga - farxad, xanaaq ama cabsi? Xogta been abuurka ah waxay u faaftaa maadaama ay taabato dareenkeenna, marka taasi waxay astaan u noqon kartaa in laga yaabo inaysan run ahayn. Si qota dheer usii eeg.

Xigasho: Full Fact, Snopes, BBC Monitoring

Mowduucyada la xiriira