Maxaa loo fasiran karaa dhexdhexaadnimada Soomaaliya ee muranka Itoobiya iyo Masar?

Ethiopia's Grand Renaissance Dam under construction on the river Nile Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption The Grand Renaissance Dam is a source of national pride for Ethiopia

Jaamacadda Carabta, oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carbeed ayaa dhawaan soo saartay qaraar ay ku cambaareyneyso dowladda Itoobiya oo ku gacan seyrtay dhexdhexaadinta uu Mareykanka ka muranka biyo xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso qeyb ka mid ah Wabiga Nile.

Hase ahaatee Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, oo in muddo ahba soo jiitamayay, haddana u muuqda inuu meel xasaasi ah taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegay ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in xal rasmi ah loo helo muranka.

"Khilaafka wabiga Nile, Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhexdhexaad, waxayna ku baaqday in dalalkaas ay khilaafkooda xalliyaan, haddii loo baahdana Soomaaliya waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo heli lahaa xalka khilaafkaas iyo isu soo dhawaanshaha dalalka ay arrintan khuseyso. Marka kaalinteennu waa dhexdhexaadnimo iyo suurtagalinta in khilaafkaasi uu soo afjarmo," ayuu yiri Cawad.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

Itoobiya iyo Masar ayaa isku mari la' dhammeystirka biyo xireen weyn oo ay dowladda uu Ra'iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed ka dhiseyo dhinaceeda.

Mowjad cusub oo khilaafka ah ayaa soo laba kacleysay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, kaddib markii ay Itoobiya ka baaqay shir heshiis lagu kala saxiixan lahaa oo ka dhacayay magaalada Washington.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu qaatay door uusan ku lahayn arrinta, uuna ka gudbay kaalintiisii ahayd dhexdhexaadnimada.

Arrintan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhameystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo.

Itoobiya waxay Soomaaliya ka dalbatay inay mowqifkeeda caddeyso

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta "The Reporter" ku sheegay in aysan dhag jalaq u siineynin cambaareynta ka timid Jaamacadda Carabta, ayna u arkaan inay garab taagan yihiin Masar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka dalbatay Soomaaliya iyo Jabuuti inay caddeystaan mowqifkooda.

"Wada xiriir dhinaca warqadaha ah oo na dhex maray waxay ku sheegeen in qaraarka Jaamacadda Carabta uusan ahayn mid ka turjimaya xal u helista dhibaatada balse uu uga sii darayo xaaladda," ayuu yiri Gedu.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xallin karin qaabkaas, waxaana aaminsan nahay in dalalka kale ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay raaci doonaan waddadaas".

Lahaanshaha sawirka The Reporter
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew

Mar uu ka hadlayay goorta laga yaabo inay wadaxaajoodyada dib u billowdaan ayuu sheegay in Itoobiya aysan dhankeeda aaminsaneyn inay istaageen wadaxaajoodyada.

Itoobiya ayaa dooneysa inay sii amba qaaddo dhismaha biyo xireenka, iyadoo shacabkeeda dhaqaale uruurin ka sameyneysa haddii ay heli weyso taageero dhaqaale oo caalami ah.

Haddii Itoobiya ay dhameystirto biyo xireenkaas waxaa uu noqonayaa biyo xireenka ugu weyn qaaradda Afrika ee koronto lag dhaliyo, waxaana Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah ay ka heli doonaan koronto awood leh.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa dooneyso inay buuxiso biyo xireenka marka la gaaro bisha June ee sanadkan, balse dalka Masar oo ku tiirsan biyaha wabiga ayaa walaac ka muujisay dhismaha biyo xireenkaas, waxayna mas'uuliyiinta dalkaas sheegeen inay tallaabadan saameyn karto qulqulka biyaha Wabiga.

Mashruuca dhismaha biyo xireenka ayaa soo billowday sanadkii 2011-ka, Qaahira ayaana mar walba muujineysay walaac ku aaddan khatarta kasoo wajihi karta baahida dhinaca biyaha.

Masar waxay raadineysaa taageerada dalalka Gobolka iyo kuwa quwadaha waaweyn, si Itoobiya looga hor istaago mashruucaas.

Maxaa loo fasiran karaa dhexdhexaadnimada Soomaaliya?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wabiga Nile wuxuu dhex maraa magaalada Aswan oo qiyaastii 920km (570 meyl) dhinaca koonfureed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Qaahira

Barfasoor Afyare Cabdi Cilmi oo culuunta amniga ka dhiga Jaamacadda Qatar, ayaa BBC-da u sheegay in hadda taageerada ay Masar ka heli jirtay gobolka Geeska Afrika ay sidii hore iska baddaleyso.

"Marka si guud loo qiimeeyo arrinta waxaa soo baxeysa natiijo ah in uu isbaddalay wajiga uu lahaan jiray murankii mudadada dheer u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya. Hadda waxaa muuqata in ay isbaddaleen mowqifyada dalalkii ay Masar maalgashiga ku sameysan jirtay ama taageerada ka kasban jirtay ee gobolka, gaar ahaan dalalka muslimiinta ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan. Sababtu ha noqoto noocey doonto, laakiin waxaad mooddaa in Masar hadda looga adkaanayo Geeska Afrika," ayuu yiri Afyare.

Mar uu sharraxaad ka bixinayay waxa uu ka dhigan yahay hadalka Soomaaliya ayuu yiri: "Xogta dhabta ah ee la xiriirta sababta ay dowladda Soomaaliya u baddashay go'aankeedii hore ee ay ku garab taagnaan jirtay Masar iyo waxa ay dalkaas ku qoonsatay, ama ay Itoobiya kaga baddalaneyso go'aanka noocaas ah, waxaa la weydiinayaa madaxda dowladda. Laakiin marka si guud loo indha-indheeyo waxaa ii muuqda in Masar ay dabacday oo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd gobolka iyo dalalka ku teedsan badda Cas, caalamka Islaamka oo ay markii hore Sacuudiga kula tartami jirtayna waxaa uga awood roonaaday dalal kale".

Mowduucyada la xiriira