Wararkii ugu dambeeyay ee caabuqa Corona oo fara ba'an ku haya caalamka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Waxaa wali fara' ba'an ku haya caalamka cabuqa Corona oo galaaftay noolasha dad badan.

Cudurka ayaa u muuqda in aysan jirin qaarad uusan gaarin.

Min Mareykanka, Eeshiya, Latin Amerika, Afrika ilaa dalalka Yurub ayuu fara ba'an ku haya cudurkan.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa waxaa looga dhawaqay xaalad degdeg ah si loo xakameeyo caabuqa Corona .

Dalka Liibiya waxaa ay saraakiisha caafimaadka dalkaasi ku dhawaaqeen in kiiskii ugu horeeyay ee cudurkasi la xaqiijiyay.

Magaalada New York waxay xudun u noqotay cudurkan Corona oo waa magaalada laga helay Kiisaska ugu badan dalkaasi Mareykanka.

Madaxwaynaha Barazil waxaa uu saraakiisha gobolo ka mid ah dalkaasi ku eedeyay in ay qaadayaan tallaabooyiin xad dhaaf ah oo ay ku xakamaynayaan cudurka Corona.

Dalka Taliyaaniga waxaa sii koradhay tirada Dhimashada, balse waxaa hoos u dhacay kiisaska cusub ee cudurka.

Saamaynta uu cudurka ku yeeshay ciyaaraha

Caabuqa Corona Virus ayaa sababay in la baajiyo ciyaaro muhim ah oo isugu jira kuwa fudud iyo ciyaaraha kubadda cagta.

Waxaa ugu wayn ciyaaraha ilaa iyo imika dib loo dhigay qabashadooda ciyaaraha Olambikada oo lagu waday in ay ka qabsoomaan dalka Japan.

Waxaa sidoo kale dib loo dhigay tartanka ciyaaraha koobka kubadda cagta ee dalalka Yurub.

Ciyaarihii Ingiriiska iyo Scotland ayaa iyaguna la joojiyay ilaa bisha April ee soo socota.

Mowduucyada la xiriira