Coronavirus: Waa maxay kala fogaanshaha bulshada iyo inuu qofku is karantiilo?

Dadka waa in lagu baraarujiyo in ay kala fogaadaan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka waa in lagu baraarujiyo in ay kala fogaadaan

Dowladda UK ayaa qaadday tallaabo dheeri ah oo lagu xakameynayo faafitaanka fayraska corona.

Dukaamada iibiya waxyaabaha aan daruuriga ahayn ayaa la xirayaa, sidoo kale sheybaarrada, meelaha lagu cayaaro, goobaha jirdhiska iyo meelaha lagu cibaadeysto ayaa albaabada la isugu dhufanayaa.

Aroosyada ayaa sidoo kale la joojin doonaa balse waxaa la oggolaan doonaa oo keliya duugta.

Isu imaatinnada wax ka badan labo qof oo aan isku guri ka imaan ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa.

Waxa keli ah ee dadka loo oggolaan doono waa inay maalintii hal jimicsi iskood u sameeyaan amaba ay isla sameeyaan qof ay isku guri joogaan.

Sababaha kale ee la oggol yahay in guriga looga baxo waxaa ka mid ah:

  • Iibsashada waxyaabaha daruuriga ah, inkastoo xitaa taas la xaddidi doono
  • Baahi caafimaad amaba daryeelka qof nugul
  • In la aado shaqada, waa keliya haddii ay muhiim tahay

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in shaqaalaha muhiimka ah ay ka bixi karaan guriga si ay carruurtooda u geeyaan iskuulka, isla markaana ay carruurtu marba aadi karaan guryaha waaliddiintooda haddii ay kala tageen.

Maxaa adiga lagaa rabaa?

Haddii ay dadku bannaanka u baxaan - si ay cunto u soo iibsadaan tusaale ahaan - waa inay isu jirsadaan wax ka badan 2m (6.5ft).

Goobaha lagu qaxweeyo, maqaayadaha, baararka habeenkii, tiyaatarrada, shaleemooyinka iyo jiimyada ayaa goor hore loo sheegay inay albaabbada u laabaan ganacsigooda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah kala fogeynta bulshada si loo yareeyo faafitaanka fayraska.

Dadka lagu arko calaamadaha hargabka - sida qufac qallalan iyo qandho badan - ayaa lagu amray inay guriga isku karantiilaan si aysan dadka kale fayraska u qaadsiin.

Maxay kala fogaanta bulshada muhiim u tahay?

Kala fogaanta bulshada waa muhiim sababtoo ah coronavirus ayaa la kala qaadaa marka ay isu soo dhowaadaan qof qaba iyo mid kale oo aan qabin iyo qufaca ama hindhisada.

Dadka kale ayaa hawadaas ku neefsan kara, ama haddii aad taabato derbi uu fayrasku ku degay, kaddibna aad wejigaaga ku taabato gacmo aan la dhaqin.

Maxaa ka jira dalalka kale?

Dalalka qaar ayaa tallaabooyin ka adag kuwa UK qaaday si ay u hubiyaan inay dadku kala fogaadaan.

  • Dhammaan dalka Talyaaniga waxaa saarneyd xayiraad tan iyo 9 March.
  • Dhammaadkii toddobaadkan, gobolka Lombardy ee dalka Talyaaniga waxaa laga mamnuucay jimicsiga guryaha bannaankood lagu sameeyo
  • Dalka Spain, dadka ayaa laga mamnuucay inay guryaha ka baxaan, marka laga reebo inay soo iibsanayaan cunto, dawo amaba ay shaqo u socdaan
  • Dhowr gobol oo Mareykanka ka tirsan ayaa soo rogay xayiraado, iyadoo tobnaan milyan oo qof lagu amray inay guryaha joogaan
  • Dalka Biljamka, dhammaan dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha aan daruuriga ahayn ayaa la xiray, waxaana dadka loo sheegay inay guryaha joogaan illaa 5-ta April. Socodka iyo jimicsiga ayaa la oggol yahay, balse waa in la kala fogaado. Dhammaan isu imaatinnada bulshada ayaa la mamnuucay.
  • Faransiiska ayaa ku jira 15 maalmood oo xayiraad adag ah, iyadoo dadka laga doonayo inay caddeeyaan sababta aysan guriga u joogeynin. In ka badan 100,000 oo saraakiil booliis ah ayaana tallaabooyinkaasi xoojinaya, iyadoo qofkii sharciga jebiya lagu ganaaxayo in ka badan 135 euro (£126)
  • Isu imaatinnada wax ka badan labo qof ayaa laga mamnuucay Jarmalka. Gobolka Bavaria ee dalkaas, ayaa xayiraad buuxda ku soo rogay dadka deggan
  • Hindiya waxaa lagu soo rogay bandow saameynaya 1.3 bilyan oo qof oo ku nool waddankaas
  • South Afrika waxaa sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya illaa 21 maalmood.

Maxaa loola jeedaa inuu qofku is karantiilo?

Inuu qofku is karantiilo micnaheedu waa inuu guriga joogo oo uusan ka bixin, marka laga reebo inuu jimicsi sameynayo. Waa inuusan aadin shaqo, iskuulka amaba meelaha ay bulshadu isugu timaaddo.

Haddii ay suurtagal tahay, waa in aadan bannaanka xitaa u bixin oo aadan soo iibsan cunto ama waxyaabo kale. Haddii aadan awoodin in laguu keeno waxyaabaha aad u baahan tahay, waa inaad sameysaa wax walba oo aad ku yareyn karto inaad bulshada u dhowaato marka aad guriga ka baxdo.

Waa kuma qof ay tahay inuu is karantiilo?

Qof walba oo lagu arko calaamadaha coronavirus - xumad ka sarreysa 37.8C, qufac joogto ah amaba neefta oo dhibeysa - iyo qof walba oo ay isku guri ku nool yihiin qofka qaba calaamadahaas.

  • Haddii aad keligaa nooshahay, waa inaad guriga joogtaa muddo toddoba maalmood ah laga bilaabo maalinta aad isku aragtay calaamadaha
  • Haddii adiga, ama qof aad la nooshahay, uu isku arko camaaladaha, dhammaan dadka guriga jooga ayaa ku qasban inay 14 maalmood is karantiilaan si ay isaga eegaan calaamadaha Covid-19
  • Haddii uu qof kale xanuunsado inta muddadaas lagu jiro, is karantiilka toddobada maalmood ah ayaa markaas u bilaabaneysa. Tusaale ahaan, waxay sii socon kartaa saddex illaa 10 maalmood inta ay dhammaaneyso is karantiilka qofkaas
  • Balse qof walba oo xanuunsada maalinta 13-aad waxaa u bilaabaneysa toddobada maalmood ee is karantiilka, si loo eego haddii ay ku soo baxaan calaamadaha fayraska, kaddibna uu 20 maalmood guriga ugu nagaado

Qofka isku arka calaamadaha waa inuu ku sugnaadaa qol leh qalabka hawada dibadda u saara, iyo daaqado la furi karo, uuna ka fogaadaa dadka kale ee guriga la jooga.

Waa kuma qofka ay tahay inuusan dibadda u bixin?

Illaa 1.5 milyan oo qof oo qaba xaalado caafimaad oo daran ayaa la xiriiri doonta Waaxda Caafimaadka dalka UK waxaana loogu baaqay inaysan gebi ahaanba bannaanka u bixin muddo 12 toddobaad ah.

Dadka kale ee guriga iskula nool, iyo dadka daryeelka fidiya, ayaa bannaanka u bixi kara haddii ay joogteynayaan kala fogaanshaha bulshada.

Dadka ugu nugul waxaa ka mid ah:

  • Dadka qaba noocyada qaar ee kansarka
  • Bukaannada xubnaha lagu beeray
  • Dadka qaba cudurrada qaar
  • Dadka qaba xanuunnada neefmareenka ee daran
  • Dadka qaata daawooyinka qaar ee hoos u dhiga difaaca jirka
  • Haweenka uurka leh ee qaba wadno-xanuunka

Dowladda ayaa sheegtay inay maamullada, dukaamada iyo ciidamada hubeysan kala shaqeyn doonto hubinta inay helaan adeeg ku filan oo cunto iyo dawo ah.

Maxaa dhacaya haddii uu kula joogo qof nugul inta lagu jiro muddada is karantiilka?

Waa inaad ka fogaataa ugu yaraan 2mitir qofka nugul (sida haweeney uur leh, dadka da`da ah amaba qaba xaalado caafimaad) inta lagu jiro muddada is karantiilka.

Yareey waqti iskula qaadashada meelaha la wadaago, sida kushiinka dhexdiisa, qolalka oo dhammaanna ha noqdaan kuwo leh hawo fiican.

Qofka nugul haddii uu awoodo waa inuu isticmaalaa suuli kale oo u gaar ah. Haddii aysan taas suurtogal ahayn waa in suuliga si fiican loo nadiifiyaa mar walba oo la isticmaalo.

Dadka la nool qofka is karantiilay, waa inay aalaaba gacmaha iska dhaqaan iyagoo isticmaalaya saabuun.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan