Coronavirus: Dalka keliya ee Yurub ee aan ka walwalsaneyn

Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko

Qaaradda Yurub hadda waxay xudun u noqotay xanuunka corona, balse waxaa jira dal katirsan qaaradaas oo aan ka walwalsaneyn xanuunka faraha ba'an ku haya adduunka.

Dowladda dalka Belarus, ma aysan soo rogin wax tallaabo ah oo looga hortagayo xanuunka, waxaana uu qaaday wado ka duwan tallaabooyiinka ay qaadeen dalalka deriska la ah sida Ruushka iyo Ukraine.

Dalka Ukraine oo xuduud ay wadaagaan waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, dhanka Ruushka, waxaa la xiray dhammaan iskoollada, waxaana la baajiyay kulamada dadweynaha, sidoo kalena waxaa la hakiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa; Laakiin dalka Belarus waxwalba waa cadi oo sidoodii ayay u socdaan.

Xuduudaha way furan yihiin, dadku sidii caadiga ahayd ayay u shaqo tagaan, waxbarashadana waa loo dareeraa, mana jirta wax cabsi oo laga qabo xanuunka.

'Waxba ha qalqalin!'

Madaxweynaha dalkaas Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo sameeyo tallaabooyiin looga hortagayo faafidda xanuunka corona.

Madaxweynaha ayaa mar uu la kulmayay safiirka Shiinaha ee dalkaas u fadhiya wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in dadka aysan qalqalin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lukashenko wuxuu sheegay in tacabka beeraha oo wanaagsanaada looga hortagi karo xanuunka

Madaxweyne Lukashenko ayaa sheegay in cagacagafta ay daawo u tahay, hadalkaas oo uu ula jeeday in dedaalka beeraleyd uu yahay kan keliya ee lagu daweyn karo xanuunka, inkastoo aan la ogeyn suurtagalnimada arrintaas ayaa haddana waxay hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaas.

Dad badan oo u dhashay dalkaas ayaa ka walaacsan faafidda fayraska corona, sababtoo ah waxay ka war hayaan sida dalalka kale ee caalamka ay ula daalaa-dhacayaan.

Belarus ma aanay xirin shaneemooyinka, tiyaatarada, waxaan sidoo kale wali dalkaas ka socda horyaalka kubada cagta oo inbadan oo caalmaka laga joojiyay.

Balse gudaha dalkaas waxaa ka bilawday wacyigelin ku aadan xanuunka oo loo jeedinayo dadka, gaar ahaan dadka da'da ah.

Madaxweyne Lukashenko wuxuu marwalba ku celceliyaa in aysan jirin wax laga walwalo, maadaama sida uu sheegay la baarayo dhammaan dadka adduunka uga yimaada dalkiisa.

"Saddex iyo ilaa afar qof ayaa maalinkiiba laga helaan xanuunka, waana la karantiilaa, laba asbuuc kadibna waa la fasaxaa," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in walwalka iyo dhibaatooyiinka maskaxda ee laga dhaxlayo arrintan ay tahay mid khatar ah oo ka daran fayraska, wuxuuna intaa raaciyay in uu ciidamada sirdoonka ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadka faafinaya xanuunka.

Belarus waxaa illaa iyo hadda lagu arkay 86 kiis oo fayraska corona ah, laba qofna way u dhinteen.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Cudurka Corona Virus ayaa waxaa wali uu fara ba,an u ku hayaa 5 qaradood ee caalamka.

Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay caabuqa Corona in uu yahay mid halis ku ah aadanaha, islamarkana ay tahay in bina'adamka dhammaan ay la dagaalamaan.

Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeyay in jawaab uu bixiyo dalal gaar ah aysan ku filnayn la dagaalanka cudurka islamarkana ay muhim tahay in la isu garabsado.

Waxaa uu khudbad ka jeedinayay kulan xarigga looga jarayay lacag dhan balaayiin doolar oo loogu talagalay in lagu kaabo dalalka u nugul cudurkan, kuwaasi oo aan xitaa heli Karin adeega asaasiga ah ee caafimaadka.

Hay'adda caafimaadka aduunka ayaa dhankeeda sheegtay baahidda loo qabo in cudurkan baaritaankiisa iyo karantiilka dadka uu haleelo la sii xoojiyo.

Dalka Mareykanka waxaa imika la xaqiijiyay guud ahaan dalkaasi in ka badan 60,000 oo kiis islamarkana kala bar kiisaskaasi waxaa laga helay magaalada New York.

Spain waxaa imika la diwaangaliyay islamarkana ay tirada dhimashada ka sare martay tiradii Shinaha ugu dhimatay caabuqan Corona.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan