Coronavirus: "Cudur danba kama lihin ee dhibaato ka wayn baa na haysato"

  • Bella Sheegow
  • BBC Somali, Muqdisho
Dad badan ayaa weli isugu taga goobaha fadhi ku dirirka ah ee Muqdisho iyo inta badan Soomaaliya
Qoraalka sawirka,

Dad badan ayaa weli isugu taga goobaha fadhi ku dirirka ah ee Muqdisho iyo inta badan Soomaaliya

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo la xiriirta foojignaan la'aanta ka muuqata bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Mugdisho, inkastoo ay dawladada soo rogtay xayiraado lagu xakameynaayo faafitaanka xanuunka corona fayras.

Soomaaliya waxaa laga soo sheegay illaa 8 kiis, waxaana lagana cabsi qabo in ay tirada sii korodho maadaama aysan dad badan qaadanaynin wacyi galinta laga siinaayo khatarta uu leeyahay fayraska COVID-19.

Waa mid ka mid ah boosteejooyinka laga raaco garaarida oo ku taalo wadada maka al mukarama oo wadnaha magaalada muqdisho. Waxaa ka jiro mashquul badan.

Inkastoo Soomaaliya laga helay dhawr kiis oo coronavirus ah, haddana waxaa muuqata in wali aysan bulshada sameen wax kala fogaanshiyo ah, inkastoo ay dawlada wado wacyi galin iyo dadaalo ay uga hortagayso wax keeni kara inuu cudurka faafo, balse waxaa muuqata in qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada muqdisho aanay cabsi xooggan ka qabin faafitaanka coronavirus.

Mid ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa yiri: "Dadka kama walwalsana coronavirus sababtoo ah dhibaatooyiin ka waaweyn ayaan maalin kastaa halkan ku wajahnaa. dadka haddii ay maqlaan cudur danba kama lahan".

Qoraalka sawirka,

Jidadka magaalada weli sidii ayey u saxmad badan yihiin.

"Maalin kasta waxaan helaa laba illaa seddax dollar, marka guriga ma joogi karo," ayuu yiri qof kale oo ku nool magaalada Muqdisho.

Wuxuu intaa ku daray: "Dalalka kale waxay shacabka taageero ka helaan dowladda, halkan dowladda waxba nooma qabaneyso. Xitaa ma heleyno wax aan liqno".

Meelaha ugu badan ee bulshada isugu timaado waa suuqyada ay ka shaqeystaan dad danyar ah oo maalinkasta raadiya wuxuu ay ku quudin lahaayeen naftooda iyo carruurtooda. Badankoodu way ku adag tahay in ay marar badan farxashaan ama ay helaan dawo ay jeemiska ku dilaan. Sidoo kale in lakala fogaado waa mid aad u adag.

Xanibaadayada ay dowlada kuso rogtay duullimaadka ayaa saamayn xoogan ku yeeshay shirkadaha diyaaradaha ka shaqeeya. Cabdixafiid Cabdulahi Daud oo in ka badan 10 sano ganacsigaan ku jiray ayaa ii sheegay in qasaarihi ugu waynaa abid uu soo gaaray.

"Si xun ayay noo saameysay xannibaadda. Ka hor xayiraadda, waxaan jarijirnay tikityo badan. Waxaan heli jirnay 10-30 kun oo dollar maalintii, balse maanta hal tikit xitaa ma iibino.

Wixii ay aragtay Bella Sheegow

Waxaan booqday suuqa xamarwayne, oo ka mid ah suuqyada ugu waawayn ee magaalada muqdishu.

Nolosha si caadi ah ayay u socotaa, kumannaan qof ayaana isugu taga halkaas.

Inkastoo xanuunka coronavirus, oo wadamo badan oo aduunka ah uu cabsi ku haayo, haddana waxaa muuqata in taas aanay ka jirin magaalada muqdisho.

Intii aan suuqaan dhex soconay ma eynaan arag wax walwal ah oo ay dadka ka qabaan fayraska ama arrin astaan u noqon karta ka hortag inuu faafo Covid-19.

Dawlada soomaaliya waxay soo rogtay amaro ah in duullimaadyada dal iyo dibadba la joojiyo, goobaha waxbarashadana la xiro, balse wali xannibaad dhanka is dhex socodka bulshada ah lamasamayn, bandowna lama soo rogin, sida ay sameeyeen wadamo badan sida kuwa deriska la ah Soomaaliya.

Isku deyga Jaamacadaha

Waxaa jiro dadaalo yar oo ay wadaan qaar ka mid ah dadwaynaha, sida tababar la siisayo arday dhigato jaamacadda Salaam ee magaalada Muqdisho oo la baray sidii ay ula tacaali lahaayeen dadka uu ku dhaco fayraska Covid-19, bulshadana wacyi galin uga siin layeen xannuunka iyo khatartiisa.

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah ardeyda jaamacadaha ayaa loo tababarayaa sidii ay ula tacaali lahaayeen bukaanada coronavirus

Waxay noqon kartaa shaqo culus oo ay wajahaan ardeyda iyo daqaatiirta magaalada Muqdisho.

Dr Maxamed Bashiir wuxuu ka mid yahay dadka tababarka bixinaya: "Waxaan ardeyda bareynaa sida loola tacaalo bukaannada qaba fayraska corona iyo sida wacyigelin loo sameeyo bulshadana loo baro waxa uu yahay xanuunkan.

"Waxay gacan ka geysanayaan caawinta bukaannada ku jira xarumaha karantiilka, maadaama uu xanuunkan dhibaato wayn u horseeday caalamka".

Iyadoo dadka soomaliya ku nool lagu qiyaasay inay yihin dad ka badan 12 milyan kuwaas oo badankooda ay ku caqliyeysteen dowlad la'aan, haddana waxay u nugul yihiin xanuunada faafa ee safmarka ah, maadaama hanaanka caafimaadka uusan xoogganeyn.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka aadka ugu nugul xanuunkan oo fara ba'an ku haayo aduunka. In kastoo la xiray Iskuullada, shaqadana laga fasaxay qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda, haddana waxay Muqdisho u muuqataa in dadka loo soo fasaxay socodka jidadka iyo isu imaatinnada muqaayadaha weli fiuran.