Coronavirus: "Ruux kasta oo Muqdisho ku dhinta waxaan ka baareynaa calaamadaha coronavirus"

  • Cabdishakuur Casoowe
  • Nairobi
.

Xigashada Sawirka, WHO

Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus.

Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya.

Laakiin tallaabadan ayaa su'aalo badan la iska weydiinayaa sida ay suurtagal ku noqoneyso, xilli la ogyahay in dad badan ay magaalada ugu dhintaan xanuunno kala duwan, intooda badanna ay ku geeriyoodaan guryahooda ama meelo ka baxsan isbitaallada.

Qaar ka mid ah su'aalahn ayaan weydiinnay, Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir.

Iyadoo sharraxeysa amarrada lasoo rogay ayey tiri: "Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas".

Qoraalka sawirka,

Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in dadku aysan dhag jalaq u siinin talooyinka la xiriira ka hortagga coronavirus

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood.

"Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel maanta naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo", ayey tiri.

Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn "lama aasi karo qof meyd ah".

isku darka kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa hadda laga helay Soomaaliya, walina ma jirto cid ilaa hadda la xaqiijiyay inay cudurkaas ugu geeriyootay gudaha Soomaaliya.

Maanta waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah.

Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka,

Fowsiya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka ee Soomaalia

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo inay qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadashay Warbaahinta ku hadashada afka dowladda ayaa sheegtay in hadda wixiii ka dambeeya dadka lagu tuhmo in ay qabaa xanuunka coronavirus lagu baari doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibediisa.

Arrintan ayey wasaaraddu ku micneysay in hadda ay heshay qalab casri ah oo cudurkaas lagu baari karo.

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqday inay raacaan talooyinka caafimaad.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada uu saameynta ugu yar ku yeeshay Covid-19 ee ku yaalla bariga Afrika. Dhammaan dalalka dariska la ah ayaa laga soo tabiyay kiisas badan oo Covid-19 ah.