Xaaladda Soomaalida ku sugan magaaladii uu Corona ka soo billowday ee Wuhan

.

Xigashada Sawirka, STR

Magaalada Wuhan oo ah goobtii uu ka soo billaabmay cudurka Corona ee faraha ba'an ku haya guud ahaan dunida ayaa imika laga qaaday xayiraadii saarnayd.

Markii ugu horeysay muddo bilooyiin ah, dadka ayaa loo ogolaaday in ay ka baxaan magaalada ku taalla dalka Shiinaha ee Wuhan, oo ah goobtii uu ka soo billaabmay cudurka Corona.

Xukuumadda Shiinaha ayaa ku tilmaantay muddaddii ay xayiraadda socotay waqti guul la soo hoyiyay.

Hadaba waa sidee xaalada Wuhan?

Markii uu magaalada Wuhan ka bilaabmay cudurka ayaa waxaa markii dowladda Shiinaha joojisay dhaqdhaqaaqa shacabka, balse markii uu cudurka soo ritay dad badan ayaa waxay dowladda ku soo rogtay magaaladaasi Xayiraad guud.

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha iyo guud ahaan dalkaasi waxaa ku sugan Dad Soomali ah oo intooda badan halkaasi Jaamacado ka dhigta.

Cabdi Casiis Fatxi Cali waxa uu ka mid yahay ardeyda dhigata jaamacadda magaalada Hankou ee ku talla magaalada wuhan waxaa uuna BBC uga waramay sida ay xaaladu tahay.

Waxaa uu sheegay Cabdi casiis in xaladdii ay dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku jirtay magaalada Wuhan ay wax badan imika iska badaleen.

Waxaa uu intaa ku daray in goobaha ganacsiga iyo suuqyada inta badan dib loo furay magaalada wuhan.

" Dukaamadii ,Supermarket-yada iyo Miqayadihii ayaa la furay , waxaa kale oo ka mid ah bixitaanka dadka qaar in imika loo ogolaada ," ayuu yiri Cabdi Casiis.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka la hubinayo caafimaadkoodka ka hor inta aan loo ogolaan in dibadda ay u baxaan.

" Warqad gooni ah ayaa la siinayaa dadka waxa meel lagu hayay oo ay ku jireen ugu yaraan bil ama labo bilood si loo hubiyo inay cudurkii qabaan ka dib ayaa banaanka laguu ogolaanayaa oo warqad lagu siinaya ," ayuu yiri Cabdi Casiis.

Cabdi Casiis Fatxi Cali ayaa dhanka kale sheegay in dadka u dhashay Shiinaha iyo dadka ajnabiga ah si yaabo kala duwan ay dowladda ula dhaqmayso.

" Dadka Shiinaha u dhashay xaaladooda caafimaad waxaa uu ugu xiran yahay taleefoonka oo waxaa jirta mashiin ay gacanta marinayaan laakiin inaga dadka ajnabiga ah warqadaas ayaa nala waydiinayaan ," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Gawaari ka soo baxaysa magaalada Wuhan

Magaalada Wuhan waxaa lagu soo rogay xayiraadii ugu adkeyd caalamka taasi oo ay dowladda Shiinaha Sheegtay in guulo laga gaaray.

Magaalada Wuhan oo ah caasimadda gobolka Hubei waxaa laga helay in ka badan 50,000 oo kiis. Waxaana cudurka magaaladsaasi ugu dhintay dad ka badan 3,000 oo qof.

Hase yeeshee, tirada dadka cusub ee cudurka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya ayaa marba marka ka dambeysay hoos u soo dhaceysay.

Cudurka Corona ayaa bilooyiin markii uu ka jiray dalka Shiinaha islamarkana ay dad badan ku dhinteen ayuu cudurka ku faafay guud ahaan caalamka.

Xogtii ugu dambeysay ee ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins, ayaa muujinaysa in guud ahaan caalamka uu cudurka soo ritay 1.5 milyan oo qof.

Cudurka Corona ayaa sidoo kale waxaa guud ahaan caalamka ugu dhintay 90,000 oo qof.