Coronavirus: Soomaalida qurbaha oo dadkooda gaarsiiya sheekooyinka argagaxa leh

Undated handout photo issued by Bishara Maye of her husband bus driver Nadir Nur with his 10-month-old daughter, Sahra Nadir. Nur died in the UK after testing positive for coronavirus

Xigashada Sawirka, Bishara Maye

Qoraalka sawirka,

Nadiir Nuur oo wadi jiray mid ka mid ah basaska London, oo la sawiran gabadhiisa, ayaa dhintay kaddib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus

Presentational white space

Taxanaheenna warqadaha aynu ka helno weriyayaasha Afrikaanka ah ayaa Ismaaciil Caynaanshe waxa uu ku eegayaa saamayn xanuunka coronavirus uu ku hayo bulshada Soomaalida ee ku nool magaalada London.

Astaamaha shirkadda Dahabshiil, ee Soomaalida ee lacagaha xawisha, ayaa ah mid lagu yaqaan qaar ka mid ah waddooyinka magaalada London.

Astaantan cagaarka iyo caddaanka isugu jirta ayaa waxaa lagu soo dhajiyaa goobaha internetka iyo dukaammada ku yaal waddooyinka ay dadka ka buuxaan ee xaafadaha Camden, Mile End iyo Shepherd's Bush.

Bulshada Soomaalida ee London waa mid ka mid ah qurbajoogta ugu ballaaran ee dibadda ku nool halkaas oo ay si joogta ah u tagaan dukaamada ku yaal si ay lacag ugu diraan qoysaskooda jooga dalka.

Waxaa la marayaa waqti xasaasi ah oo ay ku jiraan dadka ku nool dalkaas weli ka soo kabsanaya tobannaan sanadood oo colaad ah.

Kharashkii muhiimka ahaa oo la waayay

Waxaa la qiyaasaa in Soomaalida ay sanadwalba dibadaha ka soo diraan in ka badan $1 bilyan oo doolar - taas oo ka badan kharashka Soomaaliya ay ku hesho sida gargaarka ah.

Hasayeeshee dhibaatada coronavirus ayaa waxa ay saameyn ku reebtay kharashkaasi muhiimka ahaa.

Cudurkan safmarka ah ayaa waxa uu gudaha UK ku galaaftay nolosha in ka badan 16,500 oo qof, dhibaato weyn oo dhaqaale iyo mid bini'aadamnimo ayuuna gaarsiiyay bulshada Soomaalida ee halkan ku nool.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka,

The family of Ismail Mohamed Abdulwahabm who died at 13, could not attend his funeral

Dadka dhintay waxaa ka mid ah dad kala duwan oo Soomaali ah, sida Nuuradiin Nuur, oo ah 48-jir wadi jiray bas kaas oo la sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsanaa. Waxa uu ka tagay gabar 10 bilood jirtay iyo afar canug oo kale.

Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab, oo 13-jir ahaa oo ku noolaan jiray Koonfurta London, kaligii ayuu cudurka coronavirus ugu dhintay isbitaal ku yaal London. Qoyskiisa ayaanay xitaa u suuragelin inay ka qeybgalaan aaskiisa, maadaama si qasab ah loo galiyay karantiil.

Dhinaca kale dadka da'da ah ee uu cudurka galaaftay waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi, ninkii aasaasay musikada casriga ah ee Soomaalida, kaas oo ku dhintay magaalada London kaddib markii uu ku dhacay cudurka coronavirus isagoo ay da'diisu aheyd 91.

Suuragal mahan in la helo tirada rasmiga ah ee Soomaalida ee ku nool magaalada London.

Sida uu sheegay xafiiska Istaatistikada Qaranka ee UK waxaa 2018 guud ahaan dalka ku noolaa 108,000 oo qof oo Soomaali ah oo Soomaaliya ku dhashay.

Hasayeeshee hay'addaas waxa ay diiwaangelisay oo kaliya dadka Soomaaliya ku dhashay ee ma aanay xisaabin dadka qowmiyadda Soomaalida ee UK ku nool kuwaas oo ka kala yimid dalalka Yurub sida Netherlands iyo Sweden.

Qiyaasta ugu badan ayaa waxa ay muujinaysaa in ku dhawaad 250,000 oo qof ay ku nool yihiin UK, taas oo ah tirada ugu badan ee London ku nool.

Waxaa jiray dhowr mowjadood oo muhaajiriin Soomaali ah:

  • Qarnigii 19-aad, qaar ka mid ah badmaaxayaashii Soomaalida ayaa waxa ay dageen London, kaddib markii ay ka soo dageen magaalooyinka dekadaha sida Cardiff iyo Liverpool.
  • Wixii ka dambeeyay 1991, kumannaan qof ayaa waxa ay isaga soo carareen dagaalka sokeeye.
  • 2000-na waxaa dhacay mowjaddii labaad ee soogalootiga, tusaale ahaan 20,000 oo Soomaali Holandees ah ayaa waxa ay soo gaareen 2000 - tiradaas oo aheyd saddex meelood oo meel Soomaalida ku nooleyd Netherlands.

Cudurka macaanka iyo dhiigkarka

Waxaa jira sababo badan oo Soomaalida sida bulshada kale ee laga tirada badan yahay ee UK ay ugu muuqanayaan inuu si ba'an u saameeyay fayraska.

Gudaha UK, Soomaali badan oo da' ah ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay xanuuno ay hore u qabeen sida cudurka macaanka iyo dhiigkarka. Badanaa waxa ay ku nool yihiin meel ay dad badan deggan yihiin, oo ay dad badan jiilal kala duwan ah ayey isugu dhex nool yihiin halkaas oo ay deggan yihiin goobaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee magaalooyinka waa weyn.

Sidoo kale waxaad akhrisan kartaa:

Soomaalida ku nool magaalada London waxa ay qabtaan shaqooyin muhiim ah, walow lacag badan aanan la siin, taas oo haatan ka dhigaysa kuwo dayacan inta ay socoto dhibaatada cudurka coronavirus.

Waxa ay qeyb ka yihiin shaqaalaha muhaajiriinta ee London: kuwaas oo isugu jira shaqaalaha daryeelka, kalkaaliyaaasha, darawallada basaska iyo kuwa ka shaqeeya nadaafadda kuwaas oo ah shaqooyin halis badan oo badanaa aanan lahayn qandaraasyo joogto ah.

Covid-19 waxa uu bannaanka soo dhigay farqiga dhaqaale iyo bulsho ee ka jira magaalada London.

Tan iyo markii ay xadidaaddu bilaabatayna, inta badan dukaamada London, oo ay ku jiraan kuwa Dahabshiil, albaabada ayaa la isugu dhuftay, Soomaali bandanna waa ay la qabsan waayeen maadaama aanay hubin qaabka lacago loogu diri karo qaraabada iyadoo la adeegsanayo barnaamijyada internetka iyo taleefanka.

Xigashada Sawirka, @NAJIVISUALS

Qoraalka sawirka,

Boqorkii Cuudka Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo London ku dhintay isagoo ay da'diisu aheyd 91 kaddib markii uu ku dhacay cudurka coronavirus

Dhawaan ayaa waxaan la hadlay haweeney da' ah oo aynu qaraabo nahay taas oo walaaca hayay uu ahaa in aanay lacag u dirin qoyskeeda maadaama la xiray dukaamadii ku yaalay gurigeeda agtiisa. Ugu dambayntii qof kale oo isla qaraabada ah ayaa gacan ka siiyay sidii ay lacagtaasi uga diri laheyd barnaamij dhanka internetka ah, taas oo aheyd wax aanay gebi ahaanba fahmin.

Lacagta la diro ayaa inta badan waxa ay u dhaxaysaa $150 iyo $300, taas oo ah cadadka ay bishiiba qoysaska u diraan middaas oo wax badan u qabata qoysaskaas.

Dadka ayaa lacagtaas u isticmaala kharashaadka maalintiiba reerahooda ku baxa: sida inay cunto ku iibsadaan, kirada isaga bixiyaan ama ay dawooyin ku soo iibsadaan.

Hasayeeshee cadaadiska ah in lacag loo diro Soomaaliya ayaa saameyn reebi karta dadka saboolka ah ee ku nool mid ka mid ah magaalooyinka ugu qaalsan dunida.

Haatan dadka qaar waxaa ku dhacday shaqo la'aan kaddib markii labaabada la iskugu dhuftay ganacsiyadooda marka sidaa darteed cadaadisku waa uu sii xogeysanayaa.

Dad badan ayaa waxa ay shaqo la'aan ahaan muddo dheer oo waxay sannadaha soo socda wajihi doonaan xaalad dhaqaale oo aad u dag.

Dhanka kale dadka reer London xaaladdooda wey adag tahay sababtoo ah qaraabadoodii ma fahansiin karaan xaaladda taagan sababtoo ah waxa ay barteen biilkii loo diri jiray.

Soomaaliya waxayba haatan la daalaa dhacaysaa dhibaatooyinka xanuunka coronavirus, iyo sidoo kale daadad iyo ayax waxaana haatan taasi ugu darsantay dhaqaalihii ka so gali jiray dibadda oo hoos u dhacaya.

Fayraskan ma ahan musiiba ku habsatay waddooyinka London oo kaliya balse sidoo kale waddooyinka magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso.