Sawirro: Xabsiyada Soomaaliya iyo xilligan coronavirus
Xabsiyada waxay ka mid yihiin meelaha laga baqayo inuu ku faafo fayraska safmarka ah ee Covid-19.

Ciriiriga iyo nadaafad-darada waa xaaladaha uu ku faafi karo coronavirus. Tallaabooyiinka sida kala fogaanshaha waa kuwa aan macquul ahayn in laga hirgeliyo xabsiyada.
Nin waardiye ah oo fadhiya illinka laga soo galo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
Si nadaafadda loo hagaajiyo, gaarigan xamuulka ah wuxuu Xabsiga Dhexe ee Muqdisho geeyay oomo, saabuun, caagagga qashinka iyo qalabka farxalka.
Caagado leh tubooyiin oo lagu farxasho ayaa laga dhex sameeyay Xabsiga Muqdisho.
Shaqaalaha Xabsiga ayaa tallaabooyiin taxadar leh qaadaya maadaama ay si fudud xanuunka ku geyn karaa xabsiga oo mararka qaar ay dibadda uga baxaan.
Haddii Fayraska Covid-19 uu gaaro xabsiyada, wuxuu sababi karaa Musiibo ba'an. Hay'adda ICRC ayaa bilowday in ay geyso xabsiyada agabka nadaafadda si maxaabiista iyo askarta ay u adeegsadaan. Sawirkan waa xabsiga Baydhabo.
Kabtan Xasan Cali Xasan wuxuu dhaqanayaa gacmaha xilli uu sii galayay Xabsiga Dhexe ee Baydhabo. Goobo gacmaha lagu dhaqdo ayaa laga sameeyay nawaaxiga Xabsiga si looga hortago xanuunka Covid-19.
Sarkaalka arrimaha ka hortagga ee ICRC; Muxumed Cabdi Diriye oo saraakiisha xabsiga u sharaxaya qaababka ugu muhiimsan ee looga hortago Covid-19 si la isaga ilaaliyo inuu faafo. Astaamo muujinaya ka hortagga ayaa lagu dhejiyay hareeraha Xabsiga Baydhabo.
Maxbuus ku tuganaya gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.