Coronavirus: Muxuu guddoomiye Mursal ka yiri muddo xileedka dowladda oo la kordhiyo?

  • Cabdishakuur Casoowe
  • Nairobi
.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka,

Guddoomiye Mursal(bidix), madaxweyne Farmaajo(dhexda) iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre(midig)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka.

Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa.

"Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo".

"Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto", ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka,

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh

Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

"Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo", ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

'Baarlamaanku uma diyaar garoobayo inuu muddada kordhisto'

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhanka kale sheegay inuusan jiri doonin walaac ku aaddan in laga tashado muddo kororsi uu sameysto baarlamaanka, taasoo horseedi karta in waqtiga xil-heynta madaxweynaha lasii dheereeyo.

"Dastuurka ku meel gaarka ah markaad akhriso, qodobka 64-aad wuxuu sheegayaa in xil-heynta baarlamaanka ay tahay 4 sano, qodobka 91-aad markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro".

Coronavirus ma sababi karaa in dib loo dhigo Doorashada Soomaaliya?

Horaantii bishan guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howlihi ay wadaan, coronavirus awgiis.

Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee baarlamaanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray waxaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarlamaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan.

Su'aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay kaddib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal tahay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Xigashada Sawirka, SONNA

Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Yaroow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan hadda xisaabta ku jirin.

"Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baarlamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo naga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xakameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo in aan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal," ayuu yiri.

Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen.

Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay waxaa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sameynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso.

Doorashada Baarlamaanka Federaalka ayey tahay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka.

Sanadkii 2017-kii ayaa la doortay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa soo doortay madaxweynaha, isagoo markaas kaddibna soo dhisay xukuumaddana

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha waxaa doortay xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

Laakiin sida ay dowladda federaalka horayba u ballan qaaday, doorashada xigta ee Soomaaliya ayaa loo ballansan yahay inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Haddii ay taasi hirgasho waxay Soomaaliya u tahay tallaabo horumar leh oo muddo badan lagu riyoonayay.

Suuragal ma tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacda Soomaaliya?

Inkastoo guddiga doorahsada uu u muuqdo in uu doonayo in dalka uu ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, haddii barlamaanka uu meelmariyo sharciga doorashada ee horyaalla ayaa hadana qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda waxaa ay su'aal geliyeen suurtagalnimada arrintaas.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo maalma goor sii horreysay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in taas aysan suurtagal ahayn.

"In doorasho qof iyo cod ah dalka looga qabto, waa in tirakoob la sameeyo, diiwanagelin in la sameeyo, sharciga jinsiyadaha in la sameeyo, dhaqaalaha waxaas oo dhan sababi lahaa la helo, in heshiis siyaasad la gaaro oo dhinacyada siyaasadda oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda ay gaaraan", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur.

Wuxuu intaa ku daray in doorasho qof iyo cod aysan maangal ahayn iyadoo intaas oo dhan ay maqan yihiin.

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Cali

Qoraalka sawirka,

Xasan Sheekh Cali

Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto.

"Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,"ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017.

"Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo", ayuu raaciyay.

Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su'aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka.