Sawirka xero qaxooti oo ku guuleystay abaalmarin tartanka sawirada cuntada
K M Asad ayaa ku guuleystay sawir qaadaha sannadka 2020 ee tartanka sawirada cunooyiinka ka db markii ay sawir ka soo qaaday carur saf ugu jirta cunna qeybin xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh islamarkana ay ku jiraan qaxootiga reer Rohingya.

Xigashada Sawirka, K M ASAD
Caruur sidata Saxamo oo saf ugu jira cunno qeybin
In ka badan 1 milyan oo qof ayaa ku nool xeradan qaxootiga, taasi oo dhawaan xayiraad lagu soo rogay ka dib markii uu caalamka ka dilaacay Coronavirus.
"Sawiradan qalbiga taabanaya ayaa ka hadlaya xilligan aan ku guda jirno," waxaa sidaasi sheegtay Caroline Kenyon oo ah gabadha asaastay abaalmarintan.
"Caalamka waxaa fara ba'an ku haya cudurka Covid-19 - islamarkana waxaa istaagay noolashii caadiga ahayd wax kasta oo ay ahaataba.
"Caruurta qaxootiga Rohingya ayaa ina xusuusinaya sida ay nolasha u tahay mid liiceysa iyo baahida aan u qabno cunadda si aan u noolaano, dhamaanteenna waan simanahay," ayay tiri Caroline Kenyon.
Ka dib markii ay garsoorayaasha eegeen 9,000 oo tartamayaal oo ka soo kala jeeda 70 dal, waxaa dadka guuleystay loogu dhawaaqay qaab online ah.
Waa kuwan qaar ka mid ah qeybihii tartanka ku guuleystay, iyo qaar ka mid ah sawirad qaadayaasha iyo sawirada ay qaadeen.
Dib u soo celinta dalagga beeraha: Waa sawir xilli Subax ah laga qaaday Myanmar, waxaa qaaday Zay Yar Lin
Xigashada Sawirka, Zay Yar Lin
Kaluumeysato badda ku tuuraysa Shabaqyadooda xilli Subax ay qoraxda so baxayso
Dadka wax ka qora cunnooyiinka: Qaraha oo lagu oon baxo, waxaa Sawirka qaaday Aimee Twigger, oo UK ku sugan
Xigashada Sawirka, Aimee Twigger
Haweeney ku fadhida Kursi islamarkana uu ag-yaalo Baaquli uu Qaro ku jiro
Cunnada qoyska: Wiil yar oo cunaya malawax, waxaa sawirkan qaaday Anna Włodarczyk oo ku sugan Poland
Xigashada Sawirka, Anna Włodarczyk
Cunug yar oo oo saxan kala baxaya Malawax
Waxaa Sawirkan qaaday Xiaodong Sun, oo Shiinaha ku sugan
Xigashada Sawirka, Sun Xiaodong
Haweeney ka mid ah dadka dhaqda Shinada oo kor u haysa Kbaar Shinni
Xardhidda cunnooyiinka: Waxaa Sawirkan qaaday Nicole Herft, oo UK ku sugan
Xigashada Sawirka, Nicole Herft
Cunnoyiin kala duwan oo lagu xardhay Saxan
Waxaa sawirkan qaaday Sandy Wood, oo UK ku sugan
Xigashada Sawirka, Sandy Wood
Labo nin oo sawir ka qaadaya cunno ay ka dalbadeen goob Huteel ah
Dad goob ku cibaadeysanaya oo cunno qeybsanaya: waxaa qaaday Sangjun Lee, oo Hindiya ku sugan
Xigashada Sawirka, Sangjun Lee
Dad ku cunteynaya goob cibaado oo ay isugu yimaadeen
Waxaa sawirkan qaaday Liam Desbois, oo UK ku sugan
Xigashada Sawirka, Liam Desbois
Khudaar kor looga shubay Malab
Waxaa Sawirkan qaaday Scarlett Blanch, oo UK ku sugan.
Xigashada Sawirka, Scarlett Blanch
Tufaax lagu iibinayo goob suuq ah
Waxaa Sawirkan qaaday Thomas Alexander, oo ku sugan dalka UK
Xigashada Sawirka, Thomas Alexander
Kabal-yeeri sidda cunno xaflad Aroos
Waxaa sawirkan qaaday Azim Khan Ronnie, oo Bangladesh ku sugan
Xigashada Sawirka, Azim Khan Ronnie
Waa goob kalluunka lagu iibiyo oo ku taalla dalka Bangaladhesh
Waxaa Sawirkan qaaday Kai Stiepel, oo Jarmalka ku sugan
Xigashada Sawirka, Kai Stiepel
Waa sawir Saliid iyo miro la isku qasayo
Waxaa Sawirkan qaaday Diana Kowalczyk, oo ku sugan dalka Poland
Xigashada Sawirka, Diana Kowalczyk
Gabadh Taatuu ay gacanta ugu xardhan tahay islamarkana Tufaax hagaajinaysa